22/08/2024
ππ‘π’π«-π¬ππ§ππππππ€π π-πππ ππ πππππππ
Axmed Jama Ciise, ku xigeenka agaasimaha Machadka Siyaasadda iyo Daraasaadka Istiraatiijiga ah ee IPSS, ayaa ka qeybgalay Shirkii ugu horreeyay ee Nabadda ee ka dhacay Nayroobi, Keenya.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Jaamacadda Nayroobi iyo East African Institute for Peace and Governance, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda Geeska Afrika, waxaana ka qeybgalay dad isugu jira masβuuliyiin dawladeed, professaro, aqoonyahano, cilmi-baarayaal iyo khuburo caalami ah.
Intii uu socday, waxaa lagu soo bandhigay waraaqo cilmi-baaris ah iyo khudbado la xiriira nabadda.
Shirkan ayaa socday muddo labo maalmood ah, waxaa uu kusoo dhammaaday si guul ah.