27/11/2025
Taariikhdii Halgamaa Makhtal Dahir.
Garaad Makhtal Graad Daahir Garaad Axmad Garaad Yusuf ( Makhtal Dahir) waxa uu noolaa (1894-1999). Kuna dhashay deegaanka Dhagaxbuur,hooyadiina waxaa lagu magacaabi jiray Wehiya Cuncun.
Garaad waxa uu noqday 1920 kadib markii walaalkii Cabdi oo la filayay in uu noqdo garaad kana mid ahaa ciidaadii ingriisku uu sun siiyay ciddan Itobiyaan ahaa iyo saraakiil, kadibna uu hubkii ka urursaday una qeeybiyay dadkii somalida ,ayaa walaalkii Cali uu Garaad noqday ka dibna Makhtal, Makhtal oo la dagaalamay ingriiska asaga oo aaminsanaa fekirkii daraawiishta ,kana careeysnaa ingriiska oo deegaankiisa ku soo rogay sharci ahaa in aan Hal xaas ka badan la guursan Karin iyo in caruurtu dhigtaan isgoolada ingriiska. Mar kale 1948 waxa uu ka carrooday Boqor Xayla Salaase oo deegaankiisa ku dhax safrayay. Wax yar kadin Makhtal wuxuu xubin ka moqday SYL iyo wakiilkooda deegaanka Ogaden,taa oo iyana ka careeysiisay Xayle salaase . Makhtal waxa uu bilaabay halgan ciidankiisii ugu h**eeyay ee Jigjiga weerara waxa ay ahaayeen 6 nin oo kaliya Fiiri: Sawirka 1aad.dagaal rogaal celin ah ayaa Xayle ku soo qaaday 1949,kadibna Makhtal waxa uu soo aaday xamar si uu uga qaybgalo shirweeynihii SYL.
Nasiib daro, waxaa xiray Talyaanigii Xamar joogay,wuxuu u dhiibay Ingriiskii oo asna ku sii wareejiyay Amxaarada waxaa uu xabsiga kula jiray Olol diinle in kastoo Xayle mar amray in la dilo haddana waxaa loo wareejiyay xabsiga Alabaqa oo uu ku jiray 12 sanno. Waxaa la sii daayay 1961 waxa uuna aaday dhagax buur oo markaa kacsaneed iyada oo 1960 reer dhagaxbuur markii ay maqleen in somalidu xorooday ay magaalada dhagax buur ka dhax taageen calankii soomaalida taa oo xabashidu ka carootay. Si xabashidu culeeyskaa u dajiso 1962 ayeey makhtal u magacaabeen Governatoore. Halkii laga filayay in uu wax dajiyo ayuu dadkii ku yiri: Ma ogtihiin in aad gumeeysi ku hoos jirtiin. kadibna asagii iyo qaar ka mid ahaa Police-ka ayaa gadooday oo keeynta galay asagoo 1963 odayaasha dhaqanka ka codsaday in ay ku soo biiraan.waxa uu kula kulmay odayaashii “Bali Xubiya” oo ka tirsan Doolo odayaashii ku fekerka ahaa waxaa ka mid ahaa Ugaas Xirsi ,Fiiri Sawirka 2aad. Makhtal waxa uu asaasay xisbi uu u bixiyay Nasrullaah, isla markii Amxaaradii ayaa soo weerartay dadkiina keeynta ayeey galeen, oo xirya ciidan oo yar yar ayeey sameeysteen,fiiri: sawirka 3aad. waxa ayna hub weeydiisteen dowladii somalida. Makhtalna 12 maalmuud ayuu lugeeynayay si uu xamar ku yimaad.
Dowladii kacaanka ayaa Beer iyo Guri ka siisay Degmada Jannaale ee Sh/hoose ,Kacaankuna uma ogoleeyn in uu ka mid noqdo Jabhadii Somali galbeed, sababta oo aheed Makhtal waxa uu rabay in marka h**e la helo Somali galbeed oo xur ah kadibna Somali ku biirto.laakin kacaanku wuxuu rabay in haddii ay xoroowda ay toos ugu biirto Somali weeyn.
Wixii mudadaa ka dambeeya waxa uu joogay Mogadishu illa 1992,markaa ayuu u gooray “Weyla lagu xir”, iyadoo itobiya isbedel ka dhacay oo la soo dhaweeynayo dadkii Boqortooyada ka carary , ayaa waxaa u yeeray Ra’iisul wasaare Milaas ayaana guri degiyay.