Tisjiic Youth Development Org - TYDO

Tisjiic Youth Development Org - TYDO The official page of TYDO Organization

🏆 NATIIJADA KULANKA SEMI-FINALKA TARTANKA BARASHO IYO BARATANWaxaa maanta si heer sare ah u qabsoomay kulan ka tirsan Se...
31/07/2026

🏆 NATIIJADA KULANKA SEMI-FINALKA TARTANKA BARASHO IYO BARATAN

Waxaa maanta si heer sare ah u qabsoomay kulan ka tirsan Semi-finalka Tartanka Barasho iyo Baratan, kaas oo ahaa mid ay hareeyeen xamaasad, tartan aqooneed iyo xiiso gaar ah.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay:
Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Horumarinta Deegaanka Tisjiic (TYDO), Mudane Axmad Xirsi Salaad Xidig
Guddoomiyihii h**e ee ururka, Dr. Abdullahi Yasiin Galgal

Guddoomiyihii h**e ee ururka, Mudane Abdikadir Ahmed Bulshaawi

Guddiga Tartanka iyo xubno ka tirsan Ururka TYDO.

Waxaa foodda is daray labada kooxood ee Heegan iyo Hormuud, kuwaas oo soo bandhigay tartan aqooneed tayo sare leh, isla markaana ay ka muuqatay diyaar-garow, dadaal iyo karti.

Natiijada Kulanka
✅ Heegan: 8 Dhibcood
✅ Hormuud: 10 Dhibcood

Hambalyo kooxda Hormuud, oo guul muhiim ah gaartay isla markaana si rasmi ah ugu gudubtay Finalka Tartanka Barasho iyo Baratan. Waxaan sidoo kale bogaadinaynaa kooxda Heegan, oo soo bandhigtay tartan sharaf leh iyo dadaal mudan in lagu daydo.

Berri waxaa la ciyaari doonaa kulanka labaad ee Semi-finalka:
Waxaa wada ciyaari doono labada kooxood ee kala ah
Haldoor VS Horseed

TYDO waxay mar kale caddeyneysaa inay hormuud u tahay kobcinta aqoonta, mideynta dhalinyarada iyo soo saarista jiil leh karti, anshax iyo hoggaamin. Tartamadan waa maalgashi lagu dhisayo mustaqbalka bulshada, waana astaan muujinaysa in dhalinyarada Tisjiic ay awood u leeyihiin inay ku tartamaan aqoon, wadajir iyo hal-abuur.

Horumarka Bulshada wuxuu ka bilaabmaa Dhalinyaro Aqoon iyo Aragti Leh.

DHAMMAAD

Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir:
Abdiqani Said Abdalle.
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Ahna Afhayeenka Guud Ee Ururka TYDO.
E-mail:[email protected]
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/Tisjiic?mibextid=JRoKGi
https://www.tiktok.com/?_t=ZM-8vcCgoB9gmM&_r=1

NATIIJOOYINKA TARTANKA BARASHO IYO BARATANMaanta waxaa si habsami leh u qabsoomay laba kulan oo ka tirsan Tartanka Baras...
16/07/2026

NATIIJOOYINKA TARTANKA BARASHO IYO BARATAN

Maanta waxaa si habsami leh u qabsoomay laba kulan oo ka tirsan Tartanka Barasho iyo Baratan, iyadoo kooxuhu soo bandhigeen tartan xiiso leh iyo aqoon wanaagsan.

Kulankii 1-aad (Group A)
Heegan VS Haldoor
Natiijada:
Heegan 7 – 8 Haldoor

Guusha waxay raacday Kooxda Haldoor, hambalyo!

Kulankii 2-aad (Group B)
Horseed VS Halgan
Natiijada:
Horseed 9 – 6 Halgan

Guusha waxay raacday Kooxda Horseed, hambalyo!

Waxaan u hambalyeynaynaa kooxihii guuleystay, sidoo kalena waxaan bogaadinaynaa dhammaan kooxihii ka qaybgalay dadaalkooda iyo tartankooda quruxda badan.

Tartanka Barasho iyo Baratan wuxuu sii wadaa kobcinta aqoonta, tartanka wanaagsan iyo iskaashiga dhalinyarada.

DHAMMAAD

Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir:
Abdiqani Said Abdalle.
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Ahna Afhayeenka Guud Ee Ururka TYDO.
E-mail:[email protected]
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/Tisjiic?mibextid=JRoKGi
https://www.tiktok.com/?_t=ZM-8vcCgoB9gmM&_r=1

🏆Furitaanka Koobka Isdhexgalka Dhalinyarada Deegaanka Tisjiic – Heerka 3aad (Seria C)Maanta waxaa si rasmi ah uga furmay...
15/07/2026

🏆Furitaanka Koobka Isdhexgalka Dhalinyarada Deegaanka Tisjiic – Heerka 3aad (Seria C)

Maanta waxaa si rasmi ah uga furmay Deegaanka Tisjiic tartanka Koobka Isdhexgalka Dhalinyarada Heerkiisa 3aad (Seria C), kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta midnimada, isdhexgalka, isboortiga, iyo horumarinta hibada dhallinyarada deegaanka.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay:

- Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhallinyarada Deegaanka Tisjiic (TYDO), Mudane Axmad Xirsi Salaad Xidig
- Xoghayaha Guud ee Ururka TYDO, Mudane Abdullahi Abshir Yusuf

Tartankan waxaa ku tartamaya shan (5) kooxood oo kala ah:
Daruuraha FC
Ballikhayr FC
TYDO FC
New Tisjiic FC
Heegan FC

Kulankii furitaanka waxaa foodda is daray:
Daruuraha FC VS Ballikhayr FC

Ciyaar xiiso badan kadib, natiijadu waxay ku dhammaatay:

Daruuraha FC 3 – 1 Ballikhayr FC

Hambalyo kooxda Daruuraha FC oo guushii ugu horreysay ee tartanka gaartay. Sidoo kale waxaan u mahadcelineynaa dhammaan kooxaha ka qeybgalaya, taageerayaasha, garsoorayaasha, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda tartankan.

Waxaan rajeynaynaa in koobkani ku qabsoomo jawi nabad ah, is-xushmayn leh, iyo tartan hufan, isla markaana uu sii xoojiyo walaaltinimada iyo isdhexgalka dhallinyarada Deegaanka Tisjiic.

DHAMMAAD

Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir:
Abdiqani Said Abdalle.
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Ahna Afhayeenka Guud Ee Ururka TYDO.
E-mail:[email protected]
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/Tisjiic?mibextid=JRoKGi
https://www.tiktok.com/?_t=ZM-8vcCgoB9gmM&_r=1

 DAAHFURKA TABABARKA XIRFADSIINTA GABDHAHA EE BARISTA XINNAHA (CILAANSAARKA) – DEEGAANKA TISJIICMaanta waxaa si rasmi ah...
05/07/2026



DAAHFURKA TABABARKA XIRFADSIINTA GABDHAHA EE BARISTA XINNAHA (CILAANSAARKA) – DEEGAANKA TISJIIC

Maanta waxaa si rasmi ah loo daahfuray Tababarka Xirfadsiinta Gabdhaha ee Barista Xinnaha (Cilaansaarka), oo ay soo qabanqaabiyeen isla markaana fulinayaan Ururka Dhalinyarada Horumarinta Deegaanka Tisjiic (TYDO).

Barnaamijkan oo bilaash ah ayaa loogu talagalay gabdhaha deegaanka Tisjiic, iyadoo ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado xirfadaha gabdhaha, lana abuuro fursado ay ku shaqaysan karaan, iskuna filnaan karaan mustaqbalkooda.

Munaasabadda daahfurka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Ururka TYDO, Mudane Axmad Xirsi Salaad Xidig oo jeediyey khudbad dhiirrigelin iyo dardaaran xambaarsan. Wuxuu ku boorriyey gabdhaha ka qaybgalaya tababarka inay ka faa'iidaystaan fursaddan muhiimka ah, maadaama xirfaddu ay tahay furaha horumarka iyo isku filnaanshaha.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Ururka TYDO, Mudane Abdullahi Abshir Yusuf ayaa isaguna jeediyey hadal ku saabsan muhiimadda ay leedahay barashada xirfadaha gacanta, isagoo ku dhiirrigeliyey ardayda inay muujiyaan dadaal, dulqaad iyo joogteyn si ay uga mid noqdaan gabdhaha bulshada wax ku soo kordhiya.

Dhankooda, macallimiinta bixinaya tababarka ayaa la wadaagay ardayda talooyin iyo tilmaamo ku saabsan habka tababarku u socon doono, iyagoo ballanqaaday inay siin doonaan aqoon iyo xirfad tayo leh oo ka caawin doonta inay ku guulaystaan xirfaddan.

Ururka TYDO wuxuu mar walba ka go'an yahay horumarinta bulshada, gaar ahaan kobcinta awoodda dhalinyarada iyo haweenka, iyadoo la siinayo fursado waxbarasho iyo xirfadeed oo kor u qaada nolol-maalmeedkooda.

Waxaan u rajaynaynaa dhammaan gabdhaha ka qaybgalaya tababarkan guul, horumar iyo inay noqdaan kuwo aqoontooda uga faa'iideeya naftooda, qoysaskooda iyo guud ahaan bulshada.

TYDO – Waxaan u taaganahay Horumarinta Bulshada iyo Dhisidda Mustaqbal Wanaagsan.

DHAMMAAD

Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir:
Abdiqani Said Abdalle.
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Ahna Afhayeenka Guud Ee Ururka TYDO.
E-mail:[email protected]
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/Tisjiic?mibextid=JRoKGi
https://www.tiktok.com/?_t=ZM-8vcCgoB9gmM&_r=1

Tisjiic 04/luuliyo/2026Furitaanka Barasho iyo baratan.Barasho iyo Baratan ,waa barnaamij tartan ah, oo lagu kobcinayo ga...
04/07/2026

Tisjiic 04/luuliyo/2026

Furitaanka Barasho iyo baratan.

Barasho iyo Baratan ,waa barnaamij tartan ah, oo lagu kobcinayo garaadka dhalinyarada, waxaana sannad walba, xiliga xagaaga ah, qabta ururka (TYDO).

Daah furka barnaamijkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyha ururka TYDO Axmad Xirsi Salaad Xidig,
Xogahayaha Guud ee ururka TYDO Abdullahi Abshir Yusuf, Guddiga tartanka barasho iyo baratan iyo Qaarka mid ah xubnaha ururka Sidoo Kale waxaa goobta ka maqnayn dhalinyarada , Aqoonyahanka, Odayasha iyo Waxgaradka Deegaanka.

Dhammaanba ka soo qayb galayaasha furitaanka barnaamijka ayaa bogaadiyay, iyaga oo is dultaagay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay dhalinyarada.

Tartanka sannadkan ayaa waxaa ku tartamaya 6-tan kooxood oo kala ah:
1:Horseed
2: Haldoor
3: Halgan
4: Hormuud
5: Himilo
6: Heegan

* Ujeedada barnaamijka *

1: In kor loo qaado heerka aqooneed ee dhalinyarada.
2: In dhalinyarada laga wacyi geliyo dhaqamada aan wanaagsanayn.
3: in dhalinyarada looga maashquuliyo in ay waqtigooda ay Ku dilaan waxyaabo aan ku habooneyn Dhaqankooda .

Barnaamijkan oo sannadkii 9aad ay qabnayaan Ururka TYDO ayaa waxaa iska kaashanaya ururka iyo bulshada deegaanka.

Natiijada Kulanka Furitaanka Tartanka Barasho iyo Baratan

waxaana kulankii ugu horreeyay isaga hor yimid kooxaha Hormuud iyo Horseed.

Natiijada kulanka:

- Hormuud: 8
- Horseed: 11

Guusha kulanka waxaa ku guuleysatay kooxda Horseed.

Waxaan hambalyo diirran u direynaa kooxda Horseed oo soo bandhigtay ciyaar wanaagsan kuna bilaabatay tartanka guul. Sidoo kale waxaan u rajeynaynaa kooxda Hormuud nasiib wacan iyo guulo kulamada soo socda.

Hambalyo Kooxda Horseed! 🎉👏

DHAMMAAD

Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir:
Abdiqani Said Abdalle.
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Ahna Afhayeenka Guud Ee Ururka TYDO.
E-mail:[email protected]
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/Tisjiic?mibextid=JRoKGi
https://www.tiktok.com/?_t=ZM-8vcCgoB9gmM&_r=1

DAAH FURKA  WEJIGII -3AAD EE BARNAAMIJKA SOLAR SYSTEM-KA.    ,20-ka June, 2026 – Ururka Horumarinta Dhalinyarada Deegaan...
20/06/2026

DAAH FURKA WEJIGII -3AAD EE BARNAAMIJKA SOLAR SYSTEM-KA.

,20-ka June, 2026 – Ururka Horumarinta Dhalinyarada Deegaanka Tijsiic ee (TYDO) ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Wajigii 3-aad ee barnaamijka Iftiiminta Waddooyinka oo ku shaqeeya tamarta qorraxda (Solar System).

​Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee uu ururka TYDO ugu jiro horumarinta Bilicda deegaanka iyo iftiiminta waddooyinka.
​Daahfurka mashruucan waxaa goobjoog ka ahaa:

Guddoomiyaha Ururka TYDO
​Mudane Axmad Xirsi Salaad Xidig
Xoghayaha Guud ee Ururka TYDO
​Mudane Abdullahi Abshir Yusuf
Iyo ​Xubno ka tirsan Ururka.

​Mashruucan ayaa ah mid si toos ah u taabanaya baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada deegaanka Tisjiic.
Ururka TYDO waxa uu mar walba u taaganyahay, Horumarka iyo ka shaqaynta Bilicda deegaanka.

DHAMMAAD

Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir:
Abdiqani Said Abdalle.
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Ahna Afhayeenka Guud Ee Ururka TYDO.
E-mail:[email protected]
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/Tisjiic?mibextid=JRoKGi
https://www.tiktok.com/?_t=ZM-8vcCgoB9gmM&_r=1

Guddoomiyaha Ururka TYDO mudane Axmad Xirsi Salaad Xidig  ayaa maanta ka qayb galay daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah e...
30/05/2026

Guddoomiyaha Ururka TYDO mudane Axmad Xirsi Salaad Xidig ayaa maanta ka qayb galay daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee ay qaaddo Wasaaradda Waxbarashada Puntland, kaas oo ka furmay xarunta Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Tisjiic.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulka xarunta imtixaanka, kormeerayaasha, ilaaliyayaasha imtixaanka iyo ardayda u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah.
Guddoomiyaha Ururka TYDO ayaa ardayda u jeediyey kalmad dhiirrigelin, dardaaran iyo duco isugu jirta, isagoo ku boorriyey inay muujiyaan dadaalkii iyo aqoontii ay soo barteen, kana fogaadaan wax kasta oo saamayn kara hufnaanta imtixaanka. Sidoo kale wuxuu Alle uga baryey inuu u fududeeyo imtixaanka, kana dhigo kuwo gaadha guul iyo natiijooyin wanaagsan.

Xarunta Tisjiic ayaa sannadkan martigelinaysa imtixaanka shahaadiga ah, waxaana si wadajir ah halkaas ugu galaya ardayda Fasalka 8-aad ee Dugsiga Tisjiic iyo Dugsiga Ballidoog.
Dhankooda, maamulayaasha labada dugsi ayaa ardayda la wadaagay kalmado kooban oo dhiirrigelin iyo guubaabo ah, halka kormeerayaasha iyo ilaaliyayaasha imtixaankuna ay ardayda ku adkeeyeen ilaalinta nidaamka, anshaxa iyo hufnaanta imtixaanka.

Waxaan dhammaan ardayda u rajaynaynaa guul, horumar iyo natiijooyin wanaagsan, iyagoo matalaya mustaqbalka ifaya ee bulshada iyo dalka. Guushu waxay la jirtaa dadaalka, dulqaadka iyo kalsoonida nafta.

DHAMMAAD

Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir:
Abdiqani Said Abdalle.
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Ahna Afhayeenka Guud Ee Ururka TYDO.
E-mail:[email protected]
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/Tisjiic?mibextid=JRoKGi
https://www.tiktok.com/?_t=ZM-8vcCgoB9gmM&_r=1

💐 TAHNIYAD MEHER 💐Guddoonka Ururka TYDO iyo dhammaan xubnaha guud ee ururka waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Xogha...
22/05/2026

💐 TAHNIYAD MEHER 💐

Guddoonka Ururka TYDO iyo dhammaan xubnaha guud ee ururka waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Xoghayihii h**e ee Ururka TYDO, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Dalladda Dhalinyarada Gobolka Bari ee ABYAN, mudane AbdiFatah Isse iyo marwadiisa Drs. oo meherkoodu dhacay maalinnimadii Arbacada ahayd Kana dhacay , magaalada Laascaanood.

Waxaan leenahay hambalyo hambalyo 💍❤️
Ilaahay ha idiinka dhigo lammaane isku waara jacayl, ixtiraam iyo kalgacal ku dhisan.
Guurkiinna haka yeelo mid barwaaqo, bashbash iyo badhaadhe lagu waaro, kana dhasha ubad kheyr qaba oo dalkooda, diintooda iyo dadkoodaba anfaca.

Waxaan Eebbe uga baryaynaa:
“Guurkiinnu ha noqdo guri kheyr,
Gurigiinnuna ha noqdo guri nabad,
Noloshiinnuna ha noqoto mid guul iyo farxad ku dhisan.” 🤲✨

بارك الله لكما وبارك عليكما وجمع بينكما في خير

Mar kale hambalyo mudane Abdifataah Faahiye Iise iyo marwo Drs. Hamdi Jamaca Daahir.
Alle ha idin waafajiyo nolol wanaagsan oo ay ku dheehan tahay jacayl iyo isku duubni. 🌹

Address

Tisjiic
Bosaso

Telephone

00252906163405

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tisjiic Youth Development Org - TYDO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share