19/07/2025
🧠 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢-𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐓𝐚𝐡𝐫𝐢𝐢𝐛𝐤𝐚:
Cilmi-baaristan waxay diiradda saareysaa sababaha dhalinyarada Soomaaliyeed u doortaan tahriibka, khataraha ay la kulmaan inta ay socdaan, iyo aragtidooda ku aaddan xalalka laga gaari karo arrintan. Waxaa xogta laga ururiyey bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada iyadoo la adeegsanayo su’aalo la diyaariyey (questionnaire) oo online ah. Natiijooyinka cilmi-baarista ayaa muujinaya in shaqo la’aanta, fursad la’aanta waxbarasho, hoosaynta tayada waxbarasho, iyo rajo beelka nolosha gudaha dalka ay yihiin sababaha ugu waa weyn ee dhalinyarada ku riixa tahriibka. Sidoo kale, cilmi-baaristu waxay muujisay in wacyigelin iyo abuuridda fursado dhabta ah ay yihiin furaha xallinta mushkiladdan. Ugu dambeyn, cilmi-baaristaan waxay soo jeedinaysaa talooyin wax ku ool ah oo lagula tacaali karo kororka tahriibka ee dhalinyarada.
🎓 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢-𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐨𝐨 𝐉𝐢𝐡𝐞𝐞𝐲𝐞 𝐘𝐨𝐮𝐭𝐡 𝐅𝐨𝐫𝐮𝐦 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲! 🧠🌍
Waxaan si rasmi ah u daahfurnay cilmi-baaristii koowaad ee Jiheeye Youth Forum oo lagu sahmiyay:
👉 𝑆𝑎𝑏𝑎𝑏𝑎ℎ𝑎 𝑑ℎ𝑎𝑙𝑖𝑛𝑦𝑎𝑟𝑎𝑑𝑢 𝑢 𝑡𝑎ℎ𝑟𝑖𝑖𝑏𝑎𝑎𝑛
👉 𝐾ℎ𝑎𝑡𝑎𝑟𝑎ℎ𝑎 𝑎𝑦 𝑙𝑎 𝑘𝑢𝑙𝑚𝑎𝑎𝑛
👉 𝑋𝑎𝑙𝑎𝑙𝑘𝑎 𝑖𝑦𝑜 𝑡𝑎𝑙𝑜𝑜𝑦𝑖𝑛𝑘𝑎 𝑎𝑦 𝑘𝑎 𝑑ℎ𝑖𝑖𝑏𝑡𝑒𝑒𝑛 𝑘𝑎 𝑞𝑎𝑦𝑏𝑔𝑎𝑙𝑎𝑦𝑎𝑎𝑠ℎ𝑢.
📌 Waxaana aragtidooda dhiibtay dhalinyaro Soomaaliyeed oo xog qiimo leh ka bixiyay xaaladda dhabta ah.
📚 𝑾𝒂𝒙𝒂𝒂 𝒅𝒊𝒚𝒂𝒂𝒓𝒊𝒔𝒂𝒚 𝑾𝒂𝒂𝒙𝒅𝒂 𝑨𝒌𝒉𝒓𝒊𝒔𝒌𝒂 & 𝑪𝒊𝒍𝒎𝒊-𝒃𝒂𝒂𝒓𝒊𝒔𝒕𝒂 𝒆𝒆 𝑱𝒀𝑭.
📎 𝗪𝗮𝗿𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗯𝘂𝘂𝘅𝗱𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘀 𝗸𝗮 𝗮𝗸𝗵𝗿𝗶/𝗹i𝗳𝗮𝗮𝗾: 🔗 [https://drive.google.com/file/d/1nrTl6dA1iYWMURaJZIQw7hSFv7qAMyov/view?usp=sharing]
#𝐉𝐘𝐅 #𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢𝐁𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬 #𝐓𝐚𝐡𝐫𝐢𝐢𝐛 #𝐃𝐡𝐚𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 #𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 #𝐘𝐨𝐮𝐭𝐡𝐑𝐞𝐬𝐞𝐚𝐫𝐜𝐡.