Awdal Youth Volunteers

Call Directions

Awdal Youth Volunteers Waxaan aaminsannahay in horumarka iyo hanaqaadka bulshadu ku xidhanyahay hab-fikirka iyo hal-abuurka dhallinyarada.

Dhamaan xubnaha Awdal Youth Volunteers, waxay hambalyo meher wacan iyo bogaadin u dirayaan Hamse Moh'ed Nageeye iyo sawj...
19/02/2026

Dhamaan xubnaha Awdal Youth Volunteers, waxay hambalyo meher wacan iyo bogaadin u dirayaan Hamse Moh'ed Nageeye iyo sawjadiisa Haliimo Muuse Dharaar oo maanta xaflada meherkoodu ka qabsoontay Magaaladda Boorama. Eebbe ha idin barakeeyo, waxaan idiinku ducaynaynaa ducadii Rasuulkeena Muxammed (SCW)
ุจูŽุงุฑูŽูƒูŽ ุงู„ู„ู‡ู ู„ูŽูƒูู…ุงูŽ ูˆูŽุจูŽุงุฑูŽูƒูŽ ุนูŽู„ูŽูŠู’ูƒูู…ุงูŽ ูˆูŽุฌูŽู…ูŽุนูŽ ุจูŽูŠู’ู†ูŽูƒูู…ูŽุง ูููŠ ุฎูŽูŠู’ุฑู

Hambalyo iyo bogaadin ballaadhan waxaan u diraynaa Abdinasir Hersi Adan, oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon Ururka Awda...
17/12/2025

Hambalyo iyo bogaadin ballaadhan waxaan u diraynaa Abdinasir Hersi Adan, oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon Ururka Awdal Youth Volunteers, munaasabadda uu maanta ku soo afmeeray Shahaadada Heerka Koobaad ee Kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka.

Guushan waa mid ka dhalatay dadaal, samir iyo karti, aan isdhiibid lahayn waana tallaabo muhiim u ah uhayaamida mustaqbal ifaya. Waxaanu kugu dhiirigelinaynaa inaad sii waddo dadaalkaaga, aqoontaada iyo adeeggaaga bulshada, si aad u gaadho himilooyinkaaga sare.
Hambalyo mar kale, guul iyo horumar ayaanu kuu rajaynaynaa.
Awdal Youth Volunteers.

Anaga oo ah ururka Mutadawiciinta dhallinyarada ee Awdal Youth Volunteers isla markaasina 8dii sano ee u dambeeyay ku ha...
08/12/2025

Anaga oo ah ururka Mutadawiciinta dhallinyarada ee Awdal Youth Volunteers isla markaasina 8dii sano ee u dambeeyay ku hawlanaa sidii loo abuuri lahaa dhaqan isxilqaan oo ku dhisan daryeel bulsho iyo wax wada qabsi. Ujeedada aan dadaalkan ka lahayn; ilaa haddeerna aan ka leenahay ayaa ah in bulshadu iskaa wax uqabso ku nadiifiso, ku dhirayso ku qurxiso magaaladoodan Boorama iyo guud ahaan kuwa gobolkaba.

Waxa muuqata in shalay ilaa maanta guud ahaan bulshadu isu soo baxday iyaga oo nadiifsanaya magaaladooda waa tallaabo ammaan mudan, hambalyo mudan oo u baahan in lasii joogteeyo.

Waxa aan fursaddan uga faa'ideysanaynaa in aan ayidno baaqa labada maalmood socon doona ee ayaa dawladda hoose ee magaalada Boorama ku baaqday kaas oo ah in labada maalmood ee soo socda la samayn doono olole nadaafadeed waxaan bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqaynaa in ay isu soo baxaan oo Boorama loo hiiliyo, looguna hiiliyo nadiifin, qurxin iyo hagaajin.

Waxaan bogaadinaynaa dhallinyarada qiimaha badan ee reer Awdal kuwaas oo bilaabay in ay magaaladooda dib u nadiifiyaan. ...
07/12/2025

Waxaan bogaadinaynaa dhallinyarada qiimaha badan ee reer Awdal kuwaas oo bilaabay in ay magaaladooda dib u nadiifiyaan. Waxaan bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqaynaa in ay ka qaybqaataan dadaallada loogu jiro nadiifinta magaalada iyo soo celinta quruxda magaaladeena bilcan ee Boorama.

๐“๐€๐‡๐๐ˆ๐˜๐€๐ƒ ๐€๐‘๐Ž๐Ž๐’๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐ฑ๐ฎ๐›๐ง๐š๐ก๐š ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š Awdal Youth Volunteers, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐š๐ก๐ง๐ข๐ฒ๐š๐ ๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฌ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ...
22/10/2025

๐“๐€๐‡๐๐ˆ๐˜๐€๐ƒ ๐€๐‘๐Ž๐Ž๐’

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐ฑ๐ฎ๐›๐ง๐š๐ก๐š ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š Awdal Youth Volunteers, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐š๐ก๐ง๐ข๐ฒ๐š๐ ๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฌ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ๐š๐š๐ง ๐ฐ๐š๐ฅ๐š๐š๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง Nasra ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐š๐ฒ๐ ๐ž๐ž๐๐š ๐‚๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง, ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐›๐ž๐ซ๐ซ๐ข ๐š๐ก ๐ฑ๐š๐Ÿ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ฆ๐ž๐ก๐ž๐ซ๐ค๐จ๐จ๐๐ฎ ๐ค๐š ๐๐ก๐ข๐œ๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐จ ๐‡๐จ๐ญ๐ž๐ฅ ๐’๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐ข ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฆ๐š.

๐๐š๐ฌ๐ซ๐š ๐ฐ๐š๐š ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ญ๐จ ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐š๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ข ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š๐ง ๐Ÿ๐š๐œ๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง, ๐ฌ๐ข๐๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž๐ง๐š ๐ฐ๐š๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐ฌ๐ก๐š๐ค๐ก๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐Ÿ๐ข๐ซ๐Ÿ๐ข๐ซ๐œ๐จ๐จ๐ง ๐ž๐ž ๐ฑ๐ข๐ฅ๐š๐ฅ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐ง ๐ค๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š, ๐ข๐ฒ๐š๐๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ซ ๐ฐ๐š๐ฅ๐›๐š ๐ฎ ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ญ๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ฌ๐ข ๐๐š๐š๐œ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ž๐๐š๐š๐ฅ ๐ฅ๐ž๐ก.

๐€๐ง๐š๐ ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐›๐š๐ง, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง ๐ฅ๐ž๐ž๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ:
๐„๐ž๐›๐›๐ž ๐ก๐š ๐›๐š๐ซ๐š๐ค๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ช๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐š๐š๐ ๐ฒ๐š๐ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฅ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐š๐ง, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง๐š๐ง ๐ข๐๐ข๐ข๐ง๐ค๐ฎ ๐๐ฎ๐œ๐š๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐š๐š ๐๐ฎ๐œ๐š๐๐ข๐ข ๐‘๐š๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š (๐’๐‚๐–):

"ุจูŽุงุฑูŽูƒูŽ ุงู„ู„ู‘ูฐู‡ู ู„ูŽูƒูู…ูŽุง ูˆูŽุจูŽุงุฑูŽูƒูŽ ุนูŽู„ูŽูŠู’ูƒูู…ูŽุง ูˆูŽุฌูŽู…ูŽุนูŽ ุจูŽูŠู’ู†ูŽูƒูู…ูŽุง ูููŠ ุฎูŽูŠู’ุฑู"

Ururka Awdal Youth Volunteers waxa ay hambalyo balaadhan oo wadda jir ah u dirayaan labadda xubnood ee Asma Jaamac Faara...
08/09/2025

Ururka Awdal Youth Volunteers waxa ay hambalyo balaadhan oo wadda jir ah u dirayaan labadda xubnood ee Asma Jaamac Faarax iyo Amaal Abshir Miigane oo saaka ka qalinbadashay Jaamacadda Camuud, heerka koobaad iyo heerka labbaad.

Dadaalkiini iyo adkaysigiinii ayaa maanta miro dhalay, waxaana rajaynaynaa in guushan ay idiin noqoto mid u gogol xaadha heerar ka sii sarreeya oo horumar iyo horusocod leh.

Hambalyo! Waanu ku faraxsanahay,guushiina.

Xuska todobaadka dhallinyarada aduunka awgeed waxa aan dhallinyarada usoo agaasinay barnaamij aan ugu magacdarnay "Dhall...
14/08/2025

Xuska todobaadka dhallinyarada aduunka awgeed waxa aan dhallinyarada usoo agaasinay barnaamij aan ugu magacdarnay "Dhallinyarada iyo Shaqo la'aanta" kaas oo wax la iskaga waydiinayo caqabadaha dhallinyarada ku gadaaman ee ay ugu horayso shaqo la'aanta sii badanaysa iyo sidii loo yarayn lahaa.

Kulanka waxa ku casuumnaa xildhibaan Bashiir Xuseen Xirsi oo kamida xildhibaanadda golaha wakiiladda ee laga soo doortay gobolka Awdal.

Kulanku waxa uu xildhibaanku ku lafa guray caqabadaha haysta dhalinyarada ee shaqo la'aantu ugu horayso isagoo ka eegay sababaha keenay inay soo badato, xalka guud iyo sidii loo yarayn lahaa, dhalinyaraduna dhankooda waxa ay su'aalo baddan waydiiyeen xildhibaanka iyagoo oo u garnaqsaday una sheegay in qoondada ugu yar uu gobolka Awdal ku leeyahay shaqaalaha dawladda ayna tahay in la kordhiyo oo dhalinyarada aqoonyahanka ah ee reer Awdal fursaddo loo abuuro. Xildhibaanka ayaa isna dhankiisa sheegay in ay ka hawl galayaan ayna ku foogan yihiin wax ka qabashada arintaasi.

Awdal Youth Volunteers.

Waxa aan soo agaasinnay bar-kullan dhallinyareed oo arrimaha Deegaanka gaar ahaan isbeddelka cimilada iyo xaaladaha Abaa...
02/08/2025

Waxa aan soo agaasinnay bar-kullan dhallinyareed oo arrimaha Deegaanka gaar ahaan isbeddelka cimilada iyo xaaladaha Abaareed ee ka jira Gobolka lagu gorfaynayey.

Ujeedadda kullankan waxa uu ahaa in la abuuro jawi wadaag aqooneed oo dhallinyarada iyo daneeyayaasha arrimaha isbddelka cimiladu ku falanqeeyaan xaaladaha ay sababaan isbadelada cimiladu ee ay ka mid yihiin Abaaraha soo noqnoqda.

Kullankan waxa iska kaashaday Awdal Youth Volunteers, Geed Beer Rejo Beer, Oxfam iyo African Activists for Climate Justice.

Waxa aan ku faraxsanahay in aan ka mid noqono ururadda ku guulaystay "Abaalmarinnta Ururadda U dhaqdhaqaaqa arrimaha Dee...
17/07/2025

Waxa aan ku faraxsanahay in aan ka mid noqono ururadda ku guulaystay "Abaalmarinnta Ururadda U dhaqdhaqaaqa arrimaha Deegaanka". Mashruuca waxa ka wada shaqaynaya African Activist for Climate Justice , OXFARM iyo Geed Beer Rejo Beer

Boorama oo martigelinaysa bandhigga buugga cusub ee โ€œHalgan Hortii Hadaf Yeeloโ€Caawa waxa hoolka Dawladda Hoose ee magaa...
17/07/2025

Boorama oo martigelinaysa bandhigga buugga cusub ee โ€œHalgan Hortii Hadaf Yeeloโ€

Caawa waxa hoolka Dawladda Hoose ee magaalada Boorama inooga qabsoomi doonaa munaasabad gaar ah oo lagu soo bandhigayo buugga โ€œHalgan Hortii Hadaf Yeeloโ€. Buuggan oo ay qortay qoraa Xamdi-Kaaba ayaa bulshada akhriska jecel u noqon doona dhiirrigelin iyo hagid ku saabsan sida loo yeesho hadaf cad ka hor intaan halganka la gelin.

Kasoo qaybgal wacan.

Awdal Youth Volunteers

๐ŸŽฏ Fasaxaaga u baddel fursad!Ururka Awdal Youth Volunteers oo kaashanaya Xarunta Ifi waxa uu soo qabanqaabiyay tababar bi...
01/07/2025

๐ŸŽฏ Fasaxaaga u baddel fursad!

Ururka Awdal Youth Volunteers oo kaashanaya Xarunta Ifi waxa uu soo qabanqaabiyay tababar bilaash ah oo la yidhaahdo "Computer Applications (Office)", kaas oo muhiim u ah ardayda, macallimiinta, iyo qof kasta oo raba inuu horumariyo xirfaddiisa. Waxaad ku baran doontaa MS Word, Excel, PowerPoint, iyo barnaamijyo kale oo muhiim u ah shaqooyinka cilmi-baarista, presentations, iyo shaqooyinka xafiisyada.

๐Ÿ“ Isdiiwaangeli oo kusoo biir guruubkan: https://chat.whatsapp.com/JjZUKPJH3sDD27svV7RJi8?mode=r_c
๐Ÿ“ Goobta: Golis University, Sharia Campus โ€“ Borama
๐Ÿ“† Muddada: 1 bil (30 maalmood)
๐Ÿ“ž Laxiriir: +252 63 4451041 | +252 634560663 | 0636779674

Address

Borama

Telephone

0633664403

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Awdal Youth Volunteers posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share