Borama Youth Conference

Borama Youth Conference "Borama Youth Conference: Inspiring Tomorrow's Leaders! 🌟

30/01/2024

Barnaamijka boorama youth conference waxa ka mid ahaa panelkan oo haweenka haldoorka ahi ay ku gorfeynayaan sida haweenku qayb uga noqon lahaayeen hogaaminta, iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan hogaaminta bulshada.


30/01/2024

Wasiir ku xigeenka wasarada Beeraha Jamhuuriyada slland Mudane Mohamoud Warsame kalmadii uu ka jeediyay Shirkii dhalinyada Boorama
....

25/01/2024

Mawduuc lagaga Hadlay Doorka ay Saxaafaddu ka ciyaarto samaynta Hogaamiyaha, iyo kor u qaadida Akhlaaqda.
Waxa Ku casuumna madashan Abdisalaam Hereri, Mahamed Yaasin, Ismaciil Buurgaabo iyo Sagal beeldeeq.

24/01/2024

Mawduuc Lagu Gorfeynayay Kor U qaadista Waxbarashadda Si loo helo Hogaamiyayaal Buuxa oo hal abuur leh ayaa waxa ku casuumna Gudoomiyaha Jaamacadda Amoud Prof Mohamed Muse Jibril, Dr Fosi, iyo Ustaad Abdeeq Hassan Awale.
Waxa ay ka hadleen waxbarashadda Dalku halka ay marayso iyo waxyaabaha baahidda loo qabo ee ay tabayso.

24/01/2024

Ahmed Abdi Ismail, gudoomiyaha Amoud Foundation ee Somaliland, ayaa waxa uu falaqaynayay sidda ay Isku saameeyaan Hogaamiyaha aad ku dayanaysid mid wanaagsan ama mid xun ha noqdee u saamaynayo
Mustaqbalkaaga iyo fakirkaaga.

Hassan Daahir Hadi Governor of Awdal Region      Leadership Excellent AwardApdi khayre Dugsiiye "Araweelo"Leadership Exc...
24/01/2024

Hassan Daahir Hadi
Governor of Awdal Region
Leadership Excellent Award

Apdi khayre Dugsiiye "Araweelo"
Leadership Excellent Award
Awdal regional police chief

Mohamed mouse jibril
president Amoud University
Award of the Year

ZUHIRHERSI (dj Subeer )
Ceo of subeer real state
Busseince person of the year

Apdirahmaan Hussein Daahir
Ceo of zooral
Youth innovator award

Hodan Dayib Aadan
Ceo Hodan Decoration
most influential Women of the Year

23/01/2024

Hadal Jeedintii Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Xasan Eid.
Waxa uu ka Hadlay Madashani waxa ay uga dhigan tahay Gobolka Awdal iyo Qiimaha Ay kusoo Kordhin doonto.

23/01/2024

Soo Jeedinta Mawduuca, Global Prospective on leadership, Qeexidda Hogaaminta Adduunka iyo Ta Dalkeena.
Waxa Mawduuca Ka Casuumna Prof Mohamed Farah Egal.

23/01/2024

Hadal Qoraalka (Communique) Shirkii

HORDHAC:

Machadka Maax Dugsiye waxa uu soo gebogabeeyey Shirka Sannadlaha ee Dhallinyarta Borama Kalkiisii koowaad, kaas oo qabsoomay 18/01/2024.
Himilada Shirku waxa uu ahaa in kalkan lagaga hadlo Hogaaminta iyo Dhallinyarta.
Waxa ka soo qaybgalay dhallinta degmada Borama iyo muddan haldoor oo loo soo xulay dhiijinta iyo dharbinta mawaadiicda la soo xulay.
Hab-gudbinta ayaa loo xushay in ay noqoto: Doodo furo, Cashar-tebin, Suaalo furan iyo ciyaaro dhaqameed.

Waxa shirka lagu gorfeeyey:

1. Kor u qaadista Waxbarashadda iyo aqoonta guud ee dhalinyarta.
2. ⁠Ganacsiga iyo Dhallinyaradda.
3. ⁠Saxaafadda iyo Dhallinyaradda.
4. ⁠Arimaha ka Tagaan Caalamka iyo Somaliland.
5. ⁠Kaalinta Haweenka da’da yar iyo ka qaybgal horumarinta kaabayaasha bulshadda.
6. ⁠Sidda loo Noqdo/Abuuro Hogaamiye.
7. Saamaynta Hogaamiyaha wanaagsani iyo ka xunba ay ku leeyihiin Abuurista Dhaqan Bulsheed.

Maxaa Kasoo Baxay Shirka:

1. In dhallinyartu ku dedaasho abuurista ganacsiga iyo wax soo saarka.
2. ⁠In dhallinyartu faham dheer u yeeshaan arimaha ka taagan caalamka, mandiqadda iyo Somaliland ba.
3. ⁠In dhallinyartu ay yeeshaan Role Model ay ka nuursadaan horumarka shakhsiga ah iyo hogaaminta bulshada.
4. ⁠In dhallinyartu qayb ka noqdaan horumarinta degmada iyo bulshaddaba.
5. ⁠In dhalinyartu ku dedaalaan aqoonta iyo kobcinta wacyi guud, si ay ula jaanqaadi karaan arimaha ka socda mandiqadda iyo adduunkaba.

Gebogebadiina, Machadka Maax Dugsiye waxa uu ku baaqayaa in fursado shaqo, Waxbarasho, dhaqaale iyo mid siyaasadeedba loo fidiyo dhallinyarta Boorama.

Dhammaanba ka-qaybgalayaashu iyaga oo mahadsan, ballanteenu waa sannadka dambe, haddii Alle inoo ogolaado.

Soo Jeedinta Mawduuca, Global Prospective on leadership, Qeexidda Hogaaminta Adduunka iyo Ta Dalkeena.
21/01/2024

Soo Jeedinta Mawduuca, Global Prospective on leadership, Qeexidda Hogaaminta Adduunka iyo Ta Dalkeena.

Falaqayntii Iyo Lafa-gurkii Mawduuca, Kor Uqaadista Waxbarashadda iyo Aqoonta guud ee dhalinyarta.
21/01/2024

Falaqayntii Iyo Lafa-gurkii Mawduuca, Kor Uqaadista Waxbarashadda iyo Aqoonta guud ee dhalinyarta.

Address

Borama

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Borama Youth Conference posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share