Ururka Akhris-Maal

Call Directions Contact the organization

Ururka Akhris-Maal Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka Akhris-Maal, Nonprofit Organization, Borama.

Hadafkayagu waa in aannu diyaarinno: dhallinyaro halabuur leh, adduun araggoodu furanyahay, afkaaro curisa, aragtiyo waaweyn hindisa, hirar fogfogna hilaadiya.

19/10/2026

VIDEO HIGHLIGHTS TABABAR KU SAABSAN HOGGAAMINTA WANAAGSAN (GOOD LEADERSHIP)

Hoggaamiyaha Ururka Akhris-Maal, Ahmed Nadiir ,

/

Tabobarka "Waa Ayo Gabadha Muslimadda ahi?"Gudoomiye Samiya Sh Ibrahim Bakal
18/10/2026

Tabobarka "Waa Ayo Gabadha Muslimadda ahi?"
Gudoomiye Samiya Sh Ibrahim Bakal



πŸ“’ π€πŠπ‡π‘πˆπ’-πŒπ€π€π‹ | 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐗𝐔𝐁𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 πŸπŸŽπŸπŸ” πŸ“šβœ¨Ma tahay qof jecel akhriska, aqoonta iyo horumarinta bulshada?Ururka Akh...
17/10/2026

πŸ“’ π€πŠπ‡π‘πˆπ’-πŒπ€π€π‹ | 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐗𝐔𝐁𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 πŸπŸŽπŸπŸ” πŸ“šβœ¨

Ma tahay qof jecel akhriska, aqoonta iyo horumarinta bulshada?

Ururka Akhris-Maal wuxa uu fursad siinayaa dhalinyarada leh hammi aqooneed, jecel akhriska, isla markaana diyaar u ah inay qayb ka noqdaan bulsho wax akhrida, wax barataa, waxna beddesha.

Haddii aad doonayso inaad ka mid noqoto Ururka Akhris-maal fadlan hubi inaad buuxisay shuruudahan ka hor intaadan codsan xubinnimada.

πŸ“‹ SHURUUDAHA LAGA RABO CODSADAHA

1. πŸ“ Deganaansho: Waa inuu qofku ku nool yahay magaalada Boorama.
2. πŸŽ“ Heerka Waxbarasho: Waa inuu dhigtaa Form Three (Fasalka 3aad ee dugsiga sare) ilaa sannadka saddexaad ee Jaamacadda (Junior).
3. πŸ‘₯ Jinsiga: Wiilal iyo gabdho labaduba way codsan karaan.
4. πŸ“ Warqad Codsi: Waa inuu haystaa warqad codsi xubinnimo.
5. πŸ“„ CV: Waa inuu haystaa taariikh nololeed (CV).
6. πŸ–ΌοΈ Sawir Kur ah: Waa inuu haystaa sawir kur ah oo cad.

βœ… MA BUUXISAY SHURUUDAHA?

Haddii aad buuxisay dhammaan shuruudaha kor ku xusan, buuxi foomka codsiga ee hoose, kana faa’iidayso fursaddan aad kaga mid noqon karto xubnaha ururka.

https://forms.gle/Yz2qcwqs6PNo5wdZ8

⏳ DEADLINE-KA CODSIGA
πŸ“… Axad, 18 Oktoobar 2026 πŸ•š 11:59 PM.

Wixii faahfaahin ah 252 63 452 5556

πŸ“’ πŽπ†π€π˜π’πˆπˆπ’Ururka Akhris-Maal wuxuu dhammaan gabdhaha ku wargelinayaa tababar muhiim ah oo cinwaankiisu yahay:🌸 β€œWAA AYO ...
14/10/2026

πŸ“’ πŽπ†π€π˜π’πˆπˆπ’

Ururka Akhris-Maal wuxuu dhammaan gabdhaha ku wargelinayaa tababar muhiim ah oo cinwaankiisu yahay:
🌸 β€œWAA AYO GABADHA MUSLIMADDA AHI?” 🌸
Tababarkan wuxuu fursad u yahay gabdhaha doonaya inay kordhiyaan aqoontooda, fahamkooda diineed iyo kaalintooda horumarinta bulshada.

πŸ“… Taariikhda: 16-ka Oktoobar 2026
πŸ•‘ Waqtiga: 6:30 fiidnimo – 8:30 fiidnimo
πŸ“ Goobta: Hoolka Jaamacadda Beder (habeenka Sabtida soo galayo)

πŸ‘©β€πŸ« Tababare: Saamiya Sh. Ibrahim Bakaal
🎯 Ka-qaybgalayaasha: Gabdhaha oo keliya
🎁 Is-diiwaangelintu waa bilaash!
πŸ“ž Faahfaahin iyo xiriir: +252 63 3321532

Ha seegin fursaddan qiimaha leh ee aqoonta iyo kobcinta naftaada. La wadaag gabdhaha kale si ay iyaguna uga faa'iidaystaan.
Akhris iyo aqoon waa aasaaska horumarka! πŸ“š

Ku biir groupkanπŸ‘‡
https://chat.whatsapp.com/CbLmVduK0iQ82rQhtQrP1P?s=cl&p=a&mlu=4&ilr=4&iam=2

πŸŽ“πŸ—οΈ HAMBALYO QALIN-JABIN β€” XAMSE CABDI JAAMACUrurka Akhris-Maal  wuxuu hambalyo iyo bogaadin sharaf leh u dirayaa Xamse ...
09/09/2026

πŸŽ“πŸ—οΈ HAMBALYO QALIN-JABIN β€” XAMSE CABDI JAAMAC

Ururka Akhris-Maal wuxuu hambalyo iyo bogaadin sharaf leh u dirayaa Xamse Cabdi Jaamac, munaasabadda qalin-jabintiisa Jaamacadda Camuud, Class of 2026, isagoo ka baxay Kulliyadda Engineering-ka, gaar ahaan Civil Engineering.

Xamse wuxuu ka mid yahay xubnihii qiimaha lahaa ee Ururka Akhris-Maal, isagoo qayb ka qaatay hawlaha ururka, wada shaqaynta xubnaha iyo adeegga bulshada.

Maanta waxaan hambalyo u diraynaa qof aan kaliya Degree helin, balse helay aqoon iyo xirfad uu mustaqbalka ugu adeeg karo dhismaha iyo horumarinta bulshadeena.

πŸŽ“ Hambalyo Xamse!

Waxaan kuu rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan, xirfad miro-dhal ah iyo inaad aqoontaada Civil Engineering-ka uga qayb qaadato dhismaha bulsho iyo dal horumaray.

πŸ—οΈπŸ“š Dhismuhu wuxuu u baahan yahay injineer, bulshaduna waxay u baahan tahay aqoonyahanno u adeega.

Class of 2026 β€” Amoud University
Ururka Akhris-Maal

πŸŽ“πŸ“š HAMBALYO QALIN-JABIN β€” ABDIRAHMAAN JAAMAC XIRSIUrurka Akhris-Maal  wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Abdirahmaan ...
09/09/2026

πŸŽ“πŸ“š HAMBALYO QALIN-JABIN β€” ABDIRAHMAAN JAAMAC XIRSI

Ururka Akhris-Maal wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Abdirahmaan Jaamac Xirsi, munaasabadda qalin-jabintiisa ee Jaamacadda Camuud (Amoud University), Class of 2026, isaga oo ka qalin-jabiyey Kulliyadda Education-ka. πŸŽ“

Abdirahmaan wuxuu ka mid yahay xubnaha qiimaha leh ee Ururka Akhris-Maal, waxaana lagu xasuusan doonaa kaalintiisa, dadaalkiisa iyo sida uu uga mid ahaa safarka aqooneed ee ururka.

Waxbarashada uu bartay waxay si gaar ah ugu xidhan tahay dhisidda jiil, kobcinta aqoonta iyo horumarinta bulshada. Sidaas darteed, waxaan rajaynaynaa in guushan jaamacadeed ay noqoto bilow cusub oo uu aqoontiisa ugu adeegayo ardayda, bulshada iyo dalkiisa.

Abdirahmaan, maanta waxaad xidhay cutub waxbarasho, laakiin waxaad furatay cutub cusub oo masuuliyad iyo adeeg bulsho ah.

πŸŽ“ Hambalyo qalin-jabin!
Waxaan kuu rajaynaynaa mustaqbal ifaya, aqoon sii korodhay iyo adeeg bulsho oo miro dhal ah.

πŸ“š Ururka Akhris-Maal
πŸŽ“ Amoud University β€” Class of 2026

πŸŽ“πŸ“Š HAMBALYO QALIN-JABIN β€” AMIIN ISMAACIIL YUUSUFUrurka Akhris-Maal  wuxuu hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u diraya...
09/09/2026

πŸŽ“πŸ“Š HAMBALYO QALIN-JABIN β€” AMIIN ISMAACIIL YUUSUF

Ururka Akhris-Maal wuxuu hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa Amiin Ismaaciil Yuusuf, munaasabadda qalin-jabintiisa Jaamacadda Camuud, Class of 2026, isagoo ka baxay Kulliyadda Business and Economics, gaar ahaan Accounting.

Amiin wuxuu ka mid yahay xubnihii qiimaha weyn ku lahaa Akhris-Maal, isaga oo si joogto ah uga qayb qaatay hawlaha ururka iyo adeegyada bulshada.

Wuxuu ka mid ahaa xubnihii tiirarka adag u ahaa ururka, kuwaas oo aan ku koobnayn inay magaca ururka sitaan, balse si dhab ah uga shaqeeyay himiladiisa, wada shaqayntiisa iyo horumarkiisa.

Guusha aad maanta gaadhay waxay noo tahay farxad gaar ah, waxaana rajaynaynaa in marxaladdan cusub ay kuu noqoto albaab aad ku gaadho guulo ka waaweyn.

πŸŽ“ Hambalyo Amiin!

Aqoonta Accounting-ka aad baratay ha kuu noqoto awood aad bulshada ugu adeegto, isla markaana aad kaga qayb qaadato horumarka dalka.

πŸ“š Akhris-Maal wuxuu ku faanayaa xubnihiisa, guushiinnuna waa guushayada.

Class of 2026 β€” Amoud University

πŸŽ“πŸ’» HAMBALYO QALIN-JABIN β€” ABDIQANI MAHDI CUSMAAN.Ururka Akhris-Maal  wuxuu hambalyo iyo bogaadin sharaf leh u dirayaa Ab...
09/09/2026

πŸŽ“πŸ’» HAMBALYO QALIN-JABIN β€” ABDIQANI MAHDI CUSMAAN.

Ururka Akhris-Maal wuxuu hambalyo iyo bogaadin sharaf leh u dirayaa Abdiqani Mahdi Cusmaan, munaasabadda qalin-jabintiisa Jaamacadda Camuud, Class of 2026, isagoo ka baxay Kulliyadda IT, gaar ahaan Pure IT.

Abdiqani wuxuu ka mid yahay xubnihii muhiimka ahaa ee taariikhda Ururka Akhris-Maal, isaga oo soo qabtay xilka Guddoomiyaha Ururka.

Waxa uu ahaa mid ka mid ah xubnihii ururka u ahaa tiir adag, kana qayb qaatay hawlaha ururka iyo adeegga bulshada. Dadaalkiisa, masuuliyaddiisa iyo ka go'naanshihiisa ayaa qayb ka noqday socdaalkii Akhris-Maal.

Maanta waxaan u dabaaldegaynaa guul aan ku faraxsanahay, sababtoo ah qof bulshada iyo ururka wax ku soo kordhiyay ayaa gaadhay mid ka mid ah marxaladihii ugu muhiimsanaa noloshiisa.

πŸŽ“ Hambalyo Abdiqani!

Waxaan kuu rajaynaynaa in aqoonta IT-ga aad ka faa'iidaysato hal-abuur, horumar iyo xal u helidda baahiyaha bulshada.

πŸ’»πŸ“š Aqoontaadu ha noqoto adeeg, hoggaamintaaduna ha noqoto raad.

Class of 2026 β€” Amoud University
Ururka Akhris-maal

πŸŽ“πŸŒ± HAMBALYO QALIN-JABIN β€” Yahye Indho-Nour Omer Ururka Akhris-Maal  waxa uu hambalyo iyo bogaadin qiimo weyn xambaarsan ...
09/09/2026

πŸŽ“πŸŒ± HAMBALYO QALIN-JABIN β€” Yahye Indho-Nour Omer

Ururka Akhris-Maal waxa uu hambalyo iyo bogaadin qiimo weyn xambaarsan u dirayaa Yahye Indha-Nuur Omer, munaasabadda qalin-jabintiisa Jaamacadda Camuud, Class of 2026, isagoo ka baxay Kulliyadda Agriculture-ka.

Yahye ma aha oo keliya arday maanta Degree qaatay; waa qof muddo dheer bulshada u soo adeegayay, aqoonta iyo wacyigelintana qayb weyn ka qaatay. Waxa uu ka mid yahay aasaasayaashii Ururka Akhris-Maal, isaga oo sidoo kale soo qabtay xilka Guddoomiyaha Ururka.

Muddo uu ururka ka tirsanaa, Yahye wuxuu ahaa tiir adag oo lagu tiirsanaa, waxaana lagu xusuusan doonaa dadaalkiisa, hoggaamintiisa, masuuliyaddiisa iyo sida uu uga go'naa himilada Akhris-Maal ee faafinta aqoonta iyo kobcinta bulshada.

Maanta, Akhris-Maal wuxuu ku faraxsan yahay inuu hambalyo u diro mid ka mid ah ragii aasaaska iyo dhismaha ururkan door weyn ku lahaa.

πŸŽ“ Hambalyo Yahye!

Degree-ga maanta aad gaadhay ha noqdo bilowga bog cusub oo aad aqoontaada ugu adeegto bulshada, dalka iyo jiilka soo socda.

Waxaad ahayd tiirkii Akhris-Maal; maanta waxaan ku faraxsanahay guushaada.

πŸŒ±πŸ“š Class of 2026 β€” Amoud University
Ururka Akhris-Maal

Address

Borama
51515

Telephone

+252633693181

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Akhris-Maal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ururka Akhris-Maal:

Shortcuts

Share