09/08/2026
Wacyigalin ku saabsan caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ayaa uu Ururka uqabtay hooyooyinka waxbarashada dadka waaweyn ee uu ururku gacanta ku hayo.
Ururku, waxa uu gacanta ku hayaa hooyooyin uu waxbarashada aasaasiga ah si mutadawacnimo ah ubaro. Hooyooyinkan oo iskuulo kala duwan ku dhigta maadoiyinka: Soomaaliga iyo Xisaabta ayaa maalinimadii Arbacadii (5/8/2026) ururku si gaar ah ugu qabtay wacyigalin dhinaca caafimaadka ah. Wacyigalinta oo wajigii koobaad laga fuliyay labada fasal ee dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Clraxmaan Qaadi wax ku barta ayaa waxa fuliyay Clsamad oo ah xubin ururka ka tirsan isla markaana jaamacadda Adal ka ah arday sanadkii udamabeeyay dhigta kuliyadda Caafimaadka iyo Koos oo iyadu ka baxday kuliyadda Caafimaadka.
Waxa aannu rejaynayaa in dhawaan hooyooyinkaas ay waxbarashadu si habsami leh ugu soo dhamaan doonto.