Dalladda Wacyi-gelinta Bulshada رابطة إرشاد المجتمع

Dalladda Wacyi-gelinta Bulshada رابطة إرشاد المجتمع ‏‏هي رابطة دعوية متميزة تعطي ولاءها لله وتتخذ من الإسلام منهج حياة وتعمل في مجال الدعوة ولها مؤسسات تعليمية واجتماعية في الصومال

هي رابطة دعوية إجتماعية تعمل في بونت لاند ولها مؤسسات إجتماعية وتعليمية
رؤيتها: أن تكون رائدة في العمل الإسلامي التجديدي
Irshaad adaa leh ee lagaama leh

🎉 Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak!🎉-------------------------------------------Dalladda Wacyi-gelinta Bulshada رابطة إرشاد ...
26/05/2026

🎉 Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak!🎉
-------------------------------------------
Dalladda Wacyi-gelinta Bulshada رابطة إرشاد المجتمع waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxa.

Ciidani waa maalin farxad, isu-soo dhowaansho, is-cafis iyo xoojinta xiriirka qoyska iyo bulshada. Waa maalin aynu ku muujinno midnimo, jacayl, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul iyo kuwa baahan.

Waxaan ILAAHAY uga baryeynaa inuu naga aqbalo dhammaan acmaashii suubban, ducadii iyo cibaadooyinkii aan soo gudannay maalmahan kheyrka badan, sidoo kalena waxaan rajaynaynaa in ciidani ay noqoto mid nabad, barwaaqo iyo horumar u horseedda dalkeenna iyo dadkeenna.

🎉 Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak! 🎉
🌟 تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال 🌟

— Dalladda Wacyi-gelinta Bulshada .

Berri waxaa bilaabanaya maalmo ka mid ah maalmaha ugu fadliga badan sanadka, Tobanka h**e ee bisha Dul-Xijjah 1447; waa ...
17/05/2026

Berri waxaa bilaabanaya maalmo ka mid ah maalmaha ugu fadliga badan sanadka, Tobanka h**e ee bisha Dul-Xijjah 1447; waa maalmo uu Alle fadli weyn siiyey, kana dhigay in camalka suubban ee la sameeyo uu ka fadli badan yahay camalka maalmaha kale.

Alle SWT wuxuu Qur’aanka ku yiri:

﴿ وَالْفَجْرِ * وَلَيَالٍ عَشْرٍ ﴾
[Suuratul Fajr: 1-2].

Rasuulka ﷺ wuxuu yiri:
«مَا مِنْ أَيَّامٍ الْعَمَلُ الصَّالِحُ فِيهَا أَحَبُّ إِلَى اللَّهِ مِنْ هَذِهِ الْأَيَّامِ»
قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ وَلَا الْجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ؟
قَالَ: «وَلَا الْجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ، إِلَّا رَجُلٌ خَرَجَ بِنَفْسِهِ وَمَالِهِ، ثُمَّ لَمْ يَرْجِعْ مِنْ ذَلِكَ بِشَيْءٍ».

“Ma jiraan maalmo camalka wanaagsan lagu sameeyo oo Alle uga jecel yahay maalmahan — isagoo ula jeeda tobanka Dul-Xijjah.”
Saxaabadu waxay yiraahdeen:
“Xitaa jihaadka jidka Alle miyaa ?”
Wuxuu yiri Nabigu:
“Xitaa jihaadka jidka Alle, marka laga reebo nin naf iyo maalba la baxay oo aan waxba kala soo noqon.”

Maalmahan waxaa si weyn u furma albaabbada kheyrka:
Soonka, dikriga, sadaqada, takbiirta, iyo dhammaan camallada wanaagsan.

Waxyaabaha ugu mudan ee laga faa’iidaysan karo waxaa ka mid ah soonka maalmahan; maxaa yeelay wuxuu qofka baraa la dagaallanka nafta, kor u qaadaa ruuxa, kana mashquuliyaa xuska Alle iyo cibaadada, xilli ay qiimuhu labanlaabmaan qalbiyaduna sare u kacaan.

Waa maalmo tiro ahaan yar… balse raad ahaan aad u weyn,
Qofka guulaystayna waa kan ku gala qalbi Alle u jeeda iyo camal suubban oo daacad ah.

17/05/2026

Dulmigu waa sababta ugu weyn ee burburisa bulshada, kala fogeysa walaalaha, kana qaadda barakada nolosha.

Muqaalkan waxaa Shiikh C/xayi Shiikh Aadan uu si qoto dheer uga hadlayaa halista dulmiga, cawaaqibkiisa adduun iyo aakhiro, iyo sida uu Alle SWT uga digay gardarrada iyo ku xadgudubka xuquuqda dadka.

Qof walba ha is xisaabiyo:

* Ma jiro qof dulmi ku badbaaday
* Ducada qofka la dulmiyey waa la aqbalaa
* Dulmigu wuxuu leeyahay cirib xumo iyo hoog dambeeya

Alle SWT ha inaga dhigo kuwo caddaaladda ku dhaqma, kana fogaada dulmiga iyo gardarrada.

12/05/2026

Waxaa xalay ka qabsoomay Hotel Jaabir ee Magaalada Boosaaso kulan xambaarsanaa baaq nabadeed oo loo diray beelo walaalo ah oo dirir ku dhex martay deegaanno ka tirsan Qardho ( gobolka Karkaar ) iyo Carmale ( gobolka Sanaag).

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahanka & culimada Dallada Irshaad ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda nabadda, walaalnimada, joojinta dhiigga daadanaya, iyo sidii bulshada loo xasuusin lahaa in khilaafaadka lagu dhammeeyo wada hadal iyo is-afgarad.

Culimadu waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, kana shaqeeyaan dejinta xaaladda, iyagoo ku adkeeyey in dhiigga Muslimka uu yahay mid karaamo leh oo xaaraan ah in la daadiyo.

Ugu dambayn, kulanka waxaa laga soo saaray baaq ku wajahan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada inay garab istaagaan dadaallada nabadeed si loo helo xasillooni waarta iyo walaalnimo dhab ah.

🎉 Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak! 🎉 -------------------------------------------------------Dalladda Wacyi-gelinta Bulshad...
20/03/2026

🎉 Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak! 🎉
-------------------------------------------------------
Dalladda Wacyi-gelinta Bulshada رابطة إرشاد المجتمع waxay u hambalyeynaysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.

Ciidani waa maalin farxad, is-cafis, isu naxariis iyo dib-u-xiriirinta qaraabada iyo bulshada. Waa maalin aynu ku muujinno midnimo, jacayl iyo walaaltinimo, isla markaana aynu ku xasuusanno dadka nugul iyo kuwa baahan.

Waxaan ILAAHAY uga baryeynaa inuu naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo dhammaan cibaadooyinkii bishii barakaysnayd ee Ramadaan, Sidoo kale, waxaan rajaynaynaa in ciidani ay noqoto mid nabad, barwaaqo iyo horumar u horseedda dalkeenna iyo dadkeenna.

🎉 Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak! 🎉
🌟 كل عام وأنتم بخير 🌟

— Dallada Wacyigelinta Bulshada Irshaad

18/03/2026

Taariikh Nololeedkii Saxaabada
Mucaad bin Jabal (R.C)
Casharka 29aad
---------------------------------------------------
Mucaad bin Jabal (R.C) wuxuu ka mid ahaa saxaabadii ugu cilmiga badnaa ee Nabi Muxamed (NNKH), gaar ahaan dhanka xalaasha iyo xaraanta. Wuxuu ka soo jeeday reer Ansaar, qabiilka Khazraj, wuxuuna ku noolaa magaalada Madiina.
Wuxuu Islaamka qaatay isagoo dhalinyaro ah, wuxuuna ka mid noqday dadkii ka qayb galay Bay’ada Caqaba, taasoo ahayd mid muhiim u ahayd fiditaanka diinta Islaamka. Sidoo kale, wuxuu ka qayb galay dagaallo waaweyn sida Dagaalkii Badr, isagoo muujiyey iimaan, geesinimo iyo daacadnimo.

Nabi Muxamed (NNKH) ayaa si weyn u amaanay Mucaad (R.C), wuxuuna yiri: “Kan ugu cilmi badan ummaddayda ee xalaasha iyo xaraanta waa Mucaad bin Jabal.” Tani waxay caddeyn u tahay heerka sare ee uu ka gaaray cilmiga diinta iyo fahamkeeda.
Markii dambe, Nabi Muxamed (NNKH) wuxuu Mucaad u diray Yemen si uu u noqdo macallin, daaci iyo qaadi (garsoore), isagoo dadka ku bara diinta Islaamka kuna xukuma cadaalad. Mucaad wuxuu ahaa qof leh xikmad, dulqaad iyo cibaado badan.

Wuxuu geeriyooday xilligii khilaafada Cumar bin Khaddaab (R.C), isagoo ku dhintay cudurkii daacuunka ee Shaam, sanadkii 18aad ee Hijriga.

Duruusta laga baranayo:
• Qiimaha weyn ee cilmiga diinta
• Daacadnimada iyo mas’uuliyadda culimada
• Ku dhaqanka cibaadada iyo akhlaaqda wanaagsan
• Faafinta diinta oo lagu saleeyo xikmad iyo dulqaad

Ugu danbayntii Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Soo Jeediyaha tariikh nololeedkii saxxabada :
Ustaad Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan,
oo si hufan oo qiimo leh noogu soo gudbiya casharadan muhiimka ah.

18/03/2026

Salaadda Ciidul Fidriga waa mid ka mid ah sunnayaasha ugu weyn ee loogu dabbaaldego dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Salaada ciidu Waxay astaan u tahay mahadnaq, farxad, iyo midnimo, iyadoo la muujinayo walaaltinimo iyo daryeel bulsho.

Sheikh Sakariye Ansaari ayaa noo soo jeedinaya darsi faahfaahsan oo ku saabsan salaaddan muhiimka ah.

Fadlan daawo muqaalkan si aad uga faa’iidaysato, ugana qaybqaadato barashada sunnada, hana iloobin inaad la wadaagto eheladaa iyo asxaabtaada.

17/03/2026

Taariikh Nololeedkii Saxaabada
ABUU HURAYRAH AL-DOWSI (R.C)
Casharka 28aad
---------------------------
Abuu Hurayrah (R.C) wuxuu ka mid yahay saxaabadii ugu cilmiga badnaa uguna xadiis warrinta badnaa. Magaciisa dhabta ah waa Cabduraxmaan bin Sakhar Al-Dowsi, wuxuuna kasoo jeeday qabiilka Dows ee dalka Yemen. Waxaa lagu naaneysay “Abuu Hurayrah” (Aabbaha bisadda yar) sababtoo ah wuxuu aad u jeclaa bisadaha, mar walbana wuxuu la socon jiray bisad yar.

Wuxuu Islaamka qaatay sannadkii 7aad ee Hijriga, xilligii Nebiga (NNKH) uu joogay Khaybar. Inkastoo uu Islaamka soo galay waqti dambe marka loo eego saxaabo kale, haddana wuxuu noqday qofka ugu badan ee xadiisyada Nebiga (NNKH) soo wariya. Sababtaas waxaa ka mid ahaa inuu si joogto ah ula joogay Nebiga, uuna ka go’ay mashquulkii adduunka si uu cilmiga diinta u barto.

Abuu Hurayrah (R.C) wuxuu ahaa qof sabir badan, cibaado badan, kana cabsada Alle. Wuxuu marar badan la kulmay gaajo iyo nolol adag, laakiin weligiis k**a harin raadinta cilmiga iyo la socodka Nebiga (NNKH).

Waxaa laga weriyey in ka badan 5,000 oo xadiis, taasoo ka dhigaysa saxaabiga ugu xadiiska badan. Wuxuu door weyn ka qaatay faafinta Sunnada Nebiga, wuxuuna noqday il muhiim ah oo ay culimadu ka dhaxleen aqoon badan.

Wuxuu geeriyooday sannadkii 57aad ee Hijriga, waxaana lagu aasay magaalada Madiina.

Duruusta laga baranayo:

* In qofku dadaal badan ku gaari karo heer sare xitaa haddii uu goor dambe bilaabo.
* Qiimaha weyn ee cilmiga diinta iyo ku dadaalkiisa.
* Sabirka iyo adkeysiga waa furaha guusha.
* Ku dayashada saxaabada iyo jacaylka ay u qabeen Nebiga (NNKH).

Soo jeediye: Ustaad Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan.

16/03/2026

Taariikh Nololeedkii Saxaabada:
Cadiyi Bin Xaatim (R.C)
Casharka 27aad.
----------------------------------------
Cadiyi bin Xaatim (R.C) wuxuu ka mid ahaa saxaabadii Nebiga (SCW) ee firfircoon oo ku dayasho mudan. Wuxuu caan ku ahaa geesinimo, adkeysi, iyo daacadnimo uu u muujiyey diinta Islaamka xilliyadii ugu adag. Noloshiisa waxay inoo tahay tusaale muhiim ah oo muujinaya sida qofku uga adkaan karo caqabado nolosha hortaagan isagoo ku tiirsan Alle.

Casharkani wuxuu ina xusuusinayaa:
1. Daacadnimo iyo adkaysi – Cadiyi wuxuu muujiyey in qofka Muslimka ahi uu ku taagnaan karo runta iyo xaqa xitaa xaaladaha adag.
2. Geesinimo iyo iimaan xooggan – Geesinimada ma aha oo keliya dagaal, waa in lagu adkaysto diinta iyo akhlaaqda wanaagsan.
3. Ku dayashada saxaabada – Noloshooda waa casharro qiimo leh oo wax ka tari kara nolosheena maalinlaha ah.

Aan ka baranno taariikhdiisa, una qaadanno dhiirrigelin nolosheena, si aan u noqonno kuwo xaqa iyo caddaaladda u istaaga, kuna dayda saxaabada Nebiga (SCW).

Soo Jeediye : Ustaad C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan.

15/03/2026

Taariikh Nololeedkii Saxaabada
FAYRUUS AL-DAYLAMI (R.C)
Casharka 26aad
-------------------------------
Casharkan wuxuu ka hadlayaa taariikh nololeedkii saxaabiga sharafta leh Fayruus Al-Daylami (RC), oo ka mid ahaa muslimiintii ka soo jeeday dhulka Yemen. Wuxuu caan ku noqday iimaankiisa, geesinimadiisa iyo doorkii uu ka qaatay difaaca diinta Islaamka.

Waxaa si gaar ah loogu xusuustaa ka qayb qaadashadiisii ka hortagga Al-Aswad Al-Cansi, oo ahaa nin sheegtay nabinimo xilligii Nabiga ﷺ. Fayruus (RC) wuxuu ka mid noqday raggii dadaalka weyn geliyey sidii loo joojin lahaa fitnadaas, taas oo sababtay in dadka Yemen ay dib ugu soo noqdaan diinta Islaamka.

Barashada taariikhda saxaabadu waxay inoo tahay wacyigelin iyo tusaale wanaagsan, si aynu uga dayanno geesinimadooda, iimaankooda iyo sida ay ugu hiilliyeen diinta Islaamka.

Duruusta laga qaadanayo:
* In la difaaco diinta Islaamka marka fitno timaado.
* Geesinimada iyo u istaagga xaqa.
* Ku dayashada iimaanka iyo dadaalka saxaabada.

🎙 Soo jeediye:
Ustaad C/Raxmaan

Address

New Boosaaso
Boosaaso
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalladda Wacyi-gelinta Bulshada رابطة إرشاد المجتمع posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dalladda Wacyi-gelinta Bulshada رابطة إرشاد المجتمع:

Share