09/12/2025
Daahfurka Madasha SCAN Digital Platform Ee Xoojinta Isla-xisaabtan Bulsho Oo Ku Dhisan Xog, oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda waddaniga ah ee YOVENCO oo kaashanaysa Midowga Yurub, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.
SCAN waa mareeg isku geynaysa qorshayaasha howlaha, diiwaannada dhacdooyinka, warbixinnada iyo xogta halbeegyada horumarka ee heer gobol, iyo hannaan jawaab celin oo u furan dadweynaha iyo hay'addaha adeegbixinta — kuwaasi oo dhammaantood u furan qof kasta oo xiiseynaya. Waxay abuuraysaa mareegtani fursado ka qaybgal bulsho, in la helo oo lagu go'aan qaato xogta halbeegyada horumarka iyo maamulka maxalliga ah si fudud, taasi oo si fudud u saamaxaysa in muwaadiniintu saameyn ku yeeshaan isbeddelka la higsanayo.
Dhamaan ururrada bulshada madaniga ah (CSOs), hay’adaha dowladda, warbaahinta, danneeyeyaasha horumarka, iyo muwaadiniintaba waxaan ugu baaqaynaa inay adeegsadaan mareegta Dijitaalka ah ee SCAN, taasi oo ka caawinaysa dhisidda dhaqan xooggan oo isla-xisaabtan ah oo ku dhisan xog la isku halayn karo.
Wadajir waxaynu ka dhigi karnaa macluumaadka iyo xogta muhiimka u ah isla-xisaabtanka mid furan, hubisa ka qaybgalka bulshada, islamarkaana ka dhigi karta go’aan qaadashada arrimaha danta guud mid daahfuran.
Barnaamijka Dijitaalka ah ee SCAN —waa mid u taaggan xoojinta dabogalka, taageerista ka qaybgalka bulshada ee arrimaha danta guud, iyo xaqiijinta hannaan isla-xisaabtan iyo maamul oo laga wada qayb yahay.
Waxa ka soo qaybgalay madax kala duwan, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Agaasimaha hay'adda YOVENCO, Agaasimaha Hay'adda SOYDAVO, madax ka socotay ururrada dalladda SCAN iyo dawladda hoose ee Hargeysa. Madashan waxa soo qabanqaabisay hay'adda waddaniga ah ee YOVENCO.
WWW.SCANPLATFORM.ORG