02/05/2026
waxaan Maanta gaarsiinay gargaar raashin walaalaheenna ku nool duleedka magaalada Beledweyne gaar ahaan kaamka Qoysas dhibaato adag wajahaya oo aan haysan wax cuno ah iyo hoy ku filan oo ka celin kara roobka iyo dabeysha
Waxaan gaarsiinay raashin kala ah iyo laga galo, waxaana ka faa’iideystay ilaa 30 qoys. Laakiin xaqiiqadu waa in baahidu ka weyn tahay intaas.
Hooyooyin carruur yar yar wata ayaa weli hoy la’aan ah, dad badan ayaana sugaya gargaar.
Tani waa wajigii koowaad, mana istaagi doonno ilaa aan gaarsiino gargaar intaas ka badan i.a.
Gargaarkan waxaa suurageliyay walaalaha kheyrka badan ,
annagoo ah Ururka Dhalinyarada iyo Hormarinta ee Isxilqaan waxaan si itus itaabsii ah u gaarsiinay walaalaheenna soo barakacay
Waxaan ugu baaqeynaa qof kasta oo awood u leh sida ganacsatada, hay’adaha samafalka, iyo guud ahaan shacabka reer hiiran inaad ka qeyb qaadataan badbaadinta nolosha dadkeenna tabaaleysan.