05/10/2026
🌧️ Saadaasha Roobka KGS 3–9 October 2026 🌧💧
■ Roobab badan oo u dhexeeya (20–40 mm) ayaa laga filayaa meelo ka mid ah Ceel Barde iyo Tayeeglow, iyo deegaanada hoos yimaada.
■ Roobab dhexdhexaad ah oo u dhexeeya (10–20 mm) ayaa si weyn looga filayaa Baydhaba, Xudur, Waajid, Qansax Dheere iyo qaybo ka mid ah deegaanada hoos yimaada Diinsoor.
■ Roobab yar oo u dhexeeya (2–10 mm) ayaa inta badan laga filayaa Buur Hakaba, Wanlaweyn, Qoryooley, Kurtunwaarey, Sablale iyo Baraawa.
■ Roob aad u yar (≤2 mm) ayaa laga filayaa meelo ka mid ah deegaanada hoos yimaada Buur Hakaba iyo deegaannada xeebaha u dhow.
FG: Saadaasha roobka mar walba waa is bedeli kartaa iyado ay saameynayaan duruufaha cimilada ee is bedbedalaya.
Fuaad Ali