Southwest Women In Business

Southwest Women In Business Networking and Empowering southwest women in business

Memories for southwest Economic and innovation forum 2025COMESA Federation of Women in BusinessSouthwest Women In Busine...
31/12/2025

Memories for southwest Economic and innovation forum 2025COMESA Federation of Women in BusinessSouthwest Women In BusinessAfgoye International UniversitySIMAD Innovation LabSWIB Forum

Taariikh 23-25 August waxaan ka qeybgalay shir muhiim ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshad...
27/08/2025

Taariikh 23-25 August waxaan ka qeybgalay shir muhiim ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Koonfur Galbeed iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka, kaasi oo lagu daah-furay Magalada Baydhabo.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray kor u qaadista iyo xoojinta ka qeybgalka haweenka ee shaqaaleysiinta hay’adaha dowladda Koonfur Galbeed.

Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan qeyb ka noqdo olole muhiim ah oo horseedi kara fursado siman, cadaalad shaqo iyo hormar muuqda oo ay haweenka Koonfur Galbeed ka gaaraan kaalin muuqata.

COMESA Federation of Women in Business
Ministry of Commerce and Industry SW-State of Somalia
UN Women Africa - ONU Femmes AfriqueGIZ,German International CooperationSouthwest Chamber of Commerce & IndustryUnited Nations Support Office in Somalia - UNSOS

Waxan Manta ka qeyb galney Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay soo qaban-qaabisay Hay’...
06/08/2025

Waxan Manta ka qeyb galney Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), ayaa ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa si rasmi ah u daah-furay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana ka qeybgalaya Guddoomiyaha SoDMA, Wasiirrada Gargaarka ee dowlad goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsatada, iyo marti sharaf kale duwan.

Shirka ayaa diiradda saaraya wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo la adeegsanayo hannaanka wada-jirka ah, xoojinta howlaha gargaarka, wax-ka-qabashada caqabadaha dhaqaale, isu-duwidda dadaallada, iyo kor u qaadidda iskaashiga dhexmara dhammaan daneeyeyaasha la xiriira bani’aadannimada. Iyo sidii xal waara looga gaari lahaa Abaaraha so lalaabta.

COMESA Federation of Women in BusinessMinistry of Commerce and Industry SW-State of SomaliaUN Women Africa - ONU Femmes AfriqueGIZ,German International CooperationSouthwest Chamber of Commerce United Nations Support Office in Somalia - UNSOSSomali Women In BusinessWomenEmpowerment

📍 19–20 Luulyo 2025 | Nairobi, KenyaGuddoomiyaha Ururka Haweenka Ganacsatada Koonfur Galbeed Rukia Abdullahi Hassan ayaa...
23/07/2025

📍 19–20 Luulyo 2025 | Nairobi, Kenya

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Ganacsatada Koonfur Galbeed Rukia Abdullahi Hassan ayaa si sharaf leh uga qeyb gashey Global Somali Entrepreneurship Forum (GSEF 2025) waxay aheed madal heer caalami ah oo iskugu imaadey ganacsatada Soomaaliyeed, madaxda siyaasadda, hoggaamiyeyaasha ganacsiga gaarka loo leeyahay, hal-abuurayaal, iyo la-hawlgalayaasha horumarineed ee caalamka.

GSEF waxa uu ujeedkiisu ahaa:
• 🟣 Dhiirrigelinta ganacsiga gudaha Soomaaliya iyo qurbo-joogta.
• 🟣 Kobcinta maalgelinta, hal-abuurka iyo is-dhaafsiga aqoonta.
• 🟣 Taageeridda soo kabashada iyo koboca dhaqaale oo waara, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Shirkan GSEF wuxuu ahaa mid gaar u ah muhiimaddiisa, iyadoo ay ka soo qaybgaleen hay’ado iyo shirkado waaweyn sida:
UNDP, Visa, Qatar Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed, oo si wadajir ah uga doodaya sidii loo horumarin lahaa fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u muujisay doorka muhiimka ah ee haweenka ganacsatada ah ee Koonfur Galbeed ku leeyihiin koboca dhaqaalaha sidii kalena fursad ay u tahay in ay ka qeyb galaayo madasha nocaan ko kale ah , iyadoo cod dheer ugu dhawaaqday baahida loo qabo.Xoojinta haweenka ganacsiga ku jira, Furitaanka fursado siman, iyo Kobcinta hannaanka hal-abuurka

GIZ,German International CooperationSouthwest Chamber of Commerce & IndustryUN Women Africa - ONU Femmes AfriqueMinistry of Commerce and Industry SW-State of SomaliaCOMESA Federation of Women in BusinessTusaale Consulting FirmSomali Women In BusinessUnited Nations Support Office in Somalia -WomenEmpowerment
UNDP Careers

15/07/2025

We were proud to host “Breaking Barriers in Baidoa” — an event dedicated to empowering women entrepreneurs in Southwest State, Somalia.

🙌 Investing in women is the key to sustainable development!







COMESA Federation of Women in Business Ministry of Commerce and Industry SW-State of SomaliaGIZ,German International CooperationUN Women Africa - ONU Femmes AfriqueSouthwest Chamber of Commerce & IndustryUnited Nations Support Office in Somalia - UNSOSSomali Women In BusinessBusiness Women NetworkingWomenEmpowermentSouthwest Women In Business

The Chairwoman of the South West Women Entrepreneurs Association, Ms. Rukia Abdullahi Hassan, participated in the offici...
14/07/2025

The Chairwoman of the South West Women Entrepreneurs Association, Ms. Rukia Abdullahi Hassan, participated in the official launch of the project titled “Empowering women and youth Through Trede and Entrepreneurship in Baidoa (E-WYTR PROJECT) ,” which was jointly inaugurated by the Minister of Commerce, Mr. Abdullahi Abdi Mohamed.

The event was also attended by the Mayor of Baidoa District, the Minister of Industry of the South West State.
Aswell as the Ministers of Women Affairs, Planning, Labour & Social Affairs, and the Chairperson of the South West Displacement Committee.

This project comes at a particularly critical time and is aimed at creating employment opportunities, supporting small businesses, and empowering women and youth to access the necessary resources to grow their enterprises—ultimately contributing to the broader development of the national economy.

COMESA Federation of Women in BusinessMinistry of Commerce and Industry SW-State of SomaliaGIZ,German International CooperationSouthwest Chamber of Commerce & IndustryUnited Nations Support Office in Somalia - UNSOSUN Women Africa - ONU Femmes Afrique

Malin Sabti ah 12/07/2025 Baidoa Waxa  aan maanta magaalada Baydhabo ku qabanay shir Muhiim ah oo looga hadlaayey ka-qay...
12/07/2025

Malin Sabti ah 12/07/2025 Baidoa

Waxa aan maanta magaalada Baydhabo ku qabanay shir Muhiim ah oo looga hadlaayey ka-qaybgalka dhaqaale ee haweenka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee ay haweenku hoggaamiyaan.

Agaasimaha Guud Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak Hussein ayaa si rasmi ah u daah furay iyadoo sidoo kale ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada, Agaasimaha Rugta ganacisga Koonfur galbeed iyo Gudoomiye ku xigeenka arimahaha samafalka Gobolka Bay, Madax ka socday Bangiyada IBS,
SOM & hey’adaha bixiya maalgalinta yaryar ee
Raas Microfinance & Hogaan Microfinance.

Bangiyadan ayaa halkaas ku soo bandhigay fursadaha maalgelin iyo adeegyada gaar ah ee ay u hayaan haweenka ganacsatada ah, si kor loogu qaado koboca dhaqaale ee haweenka deegaanka.

Waxaa sidoo kale si gaar ah loogu dhiirrigeliyay haweenka ku ganacsada Internetka (online business), iyadoo la xusay fursadaha uu farsamada casriga ah u leeyahay ganacsiga haweenka.

Ururka Ganacsiga Haweenka Koonfur Galbeed wuxuu mar walba u taagan yahay:
✨ Dhiirrigelinta
✨ Wacyigelinta
✨ Isku-xirka Iyo horumarinta haweenka ku jira safka h**e ee kobaca dhaqaalaha bulshada.

GIZ,German International Cooperation
Southwest Chamber of Commerce & Industry
COMESA Federation of Women in Business
UN Women Africa - ONU Femmes Afrique
Ministry of Commerce and Industry SW-State of SomaliaUnited Nations Support Office in Somalia - UNSOSWomenEmpowermentBusiness Women NetworkingTusaale Consulting Firm

07/07/2025 Baidoa Waxaa sharf weyn inoo ah inaan ka qeyb galno kulan wadatashi oo ay soo qabanqabisey Ministry of Commer...
07/07/2025

07/07/2025 Baidoa

Waxaa sharf weyn inoo ah inaan ka qeyb galno kulan wadatashi oo ay soo qabanqabisey Ministry of Commerce and Industry SW-State of Somalia kulanka ayaa si rasmi ah u furey waziirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha dowlada konfur galbeed mudane Abdullahi Abdi Mohamed.

Kulankaan ayaa ah kulan wadatashi Horudhaca ee dejinta Siyaasayada Ganacsiyada Yaryar & kuwa dhexe.
Tani ayaa waxay fursad u noqon doontaa dhamaan ganacsadada qeybaheda Kala duban gaar ahaan ganacsiyada Haweenka

Sido kale Waxan mesha kusoo bandhigay aragtiyo iyo fikrado qiimo leh oo wax weyn ka tari doona habeynta iyo dejinta Siyaasadda Ganacsiyada Yaryar iyo Kuwa Dhexe ee Dowladda Koonfur Galbeed. Fikradahaasi waxay saldhig u noqon doonaan siyaasad wax ku ool ah oo dhiirrigelisa kobaca ganacsiga gaarka loo leeyahay, gaar ahaan haweenka, dhalinyarada.

COMESA Federation of Women in BusinessTusaale Consulting FirmSomali Women In BusinessBusiness Women NetworkingWomenEmpowermentUnited Nations Support Office in Somalia - UNSOSSWIB ForumGIZ,German International CooperationSouthwest Chamber of Commerce & IndustryUN Women Africa - ONU Femmes Afrique

Sharaf weyn ayey inoo aheed inaan ka qeyb galno Dood-Cilmiyeed oo Cinwaakeedu ahaa: CAQABADAHA AY LAKULMAAN GANACSATADA ...
02/07/2025

Sharaf weyn ayey inoo aheed inaan ka qeyb galno Dood-Cilmiyeed oo Cinwaakeedu ahaa: CAQABADAHA AY LAKULMAAN GANACSATADA DHEX- DHEXAADKA AH IYO KUWA YAR-YAR (SME’S) IYO SIDII LOOGA GUDBI LAHAA

Topic: Challenges Facing Micro, Small, and Medium Enterprises (MSMEs) and along with practical Solutions

Dooda waxaa soo agaasimey Macahadka Kasmo Business Consulting.


Ujeedka Doodddan ayaa aheyd: In Lahelo Talooyin Wax Ku Ool Ah Oo Horumarinaya Ganacsiga Heer Walba Ah, Si Loo Helo Ganacsi Guuleysta oo Waara.




GIZ,German International CooperationSouthwest Women In BusinessSouthwest Chamber of Commerce & IndustrySWIB ForumTusaale Consulting FirmMinistry of Commerce and Industry SW-State of SomaliaUN Women Africa - ONU Femmes AfriqueCOMESA Federation of Women in BusinessSomali Women In BusinessWomenEmpowermentBusiness Women Networking

16-19 June 2025.Waxaa Magalda Nairobi uga qeyb galney  wajiga Sedaxaad Madasha  dhiiragalinta hal Abuurada ganacsiyada.M...
24/06/2025

16-19 June 2025.

Waxaa Magalda Nairobi uga qeyb galney wajiga Sedaxaad Madasha dhiiragalinta hal Abuurada ganacsiyada.

Madasha waxaa Nugu wehelinayey oo ay Qeyb ka ahayeen xubno kala duwan oo ka kala socday Dowlada, Bulshada rayidka & hey’ado dhowr ah

Agaasimaha wasarada ganacsiga iyo warshadaha dowlad gobaleedka konfur galbeed Mr yackub ayaa waxaa uu ku so bandhigay horumarada laga sameeyey arimaha dhiiragalinya ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe gaar ahaan ganacsiyada ay hogaaminyaan haweenka.

Sido kale waxan booqasho ku tagney Beerta Himilo oo ah meel Ay maalgashi ku sameyeen dhalinyaro somaliyeed dhowr sano ka hor mantana loo iibgeeyo waxa Ay beerta soo saartey wadanka gudihiisa iyo dibadiisa.

Waxan si gaar ah ugu mahdcelineyna hey’Ada GIZ oo qeyb wey Ay ka qaadatey hormarka iyo xirfadaha kor loogu qaadayo ganacsadada yaryar gaar Ahaan ganacsada haweynka.

Southwest Women In Business
COMESA Federation of Women in BusinessSomali Women In BusinessMinistry of Commerce and Industry SW-State of SomaliaGIZ,German International CooperationUN Women Africa - ONU Femmes AfriqueTusaale Consulting FirmSouthwest Chamber of Commerce & IndustrySWIB ForumUnited Nations Support Office in Somalia - UNSOSBusiness Women NetworkingWomenEmpowerment

14/6/2025 Qaar ka mid ah Ururka haweenka ganacsda konfur galbeed ayaa ka qeyb galey tababar loogu magac daray "Barashada...
16/06/2025

14/6/2025
Qaar ka mid ah Ururka haweenka ganacsda konfur galbeed ayaa ka qeyb galey tababar loogu magac daray "Barashada Xisaabaadka Ganacsiga Aasaasiga ah (Basic Business Bookkeeping) " oo ay soo qabanqaabisay (Kassmo Business Consulting Firm.)

Tababarkan oo xooga lugu saarayey sidii haweenka ganacsatada Baidoa ay u baran lahaayeen qaabka loo diiwaangeliyo loolana socdo dhaqaalaha shirkaddooda, taasoo muhiim u ah kobaca iyo joogtaynta ganacsiga yar-yar

Mar wlbo haweenka ganacsiga ku jira waxay qeyb ka yihiin kobaca dhaqaale ee Dalka .

SWIB ForumTusaale Consulting FirmCOMESA Federation of Women in BusinessUN Women Africa - ONU Femmes AfriqueSouthwest Chamber of Commerce & IndustrySouthwest Women In BusinessSomali Women In BusinessMinistry of Commerce and Industry SW-State of SomaliaGIZ,German International Cooperation

Manta ay Tarikhdu tahay 10th may 2025Waxaan booqasho rasmi ah ku tagney xafiiska Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga...
10/05/2025

Manta ay Tarikhdu tahay 10th may 2025

Waxaan booqasho rasmi ah ku tagney xafiiska Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Dowlada Koonfur galbeed Mudane Yakub Isak Hussein.

Kullanka waxaa diiradda ku saarnay arimo Muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen xoojinta doorka haweenka ee arimaha Ganacsiga iyo u kuur galidda fursadaha iyo caqabadaha heysta haweenka ganacatada ah.

Gudoomisada Ururka Haweynka ganacsada konfur galbeed ayaa u balan qaadey in ay Kala shaqeyn doonto wazaarada ganacsiga shaqo walbo oo kaga aadan hormarinta haweynka ganacsatada konfur galbeed hadii ay noqoto Olole ganacsi, isku xirka ganacsiyada Kala duwan iyo fursada maalgalineed oo ay bixiyaan Bangiyada ka jira dalka.

Tani waxay horseed u noqon dontaa in la helo Haweyn badan oo ku dhiirada iney kuso biiran Saaxadda ganacsiga si ay ugu faa’ideystaan fursadaha ka banaan degaanka.

COMESA Federation of Women in BusinessMinistry of Commerce and Industry SW-State of SomaliaSomali Women In BusinessSouthwest Chamber of Commerce & IndustrySouthwest Women In BusinessWomenEmpowermentTusaale Consulting Firm
GIZ,German International Cooperation
United Nations Support Office in Somalia - UNSOS
Business Women Networking
UN Women Africa - ONU Femmes Afrique

Address

Baydhabo
N/A

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Southwest Women In Business posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Southwest Women In Business:

Share