04/11/2025
إِنَّا لِلّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُون
TACSI TIIRAANYO LEH
Midowga Dhalinyarada Beesha Hariin waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan beesha Hariin, geerida naxdinta leh ee ku timid Halyeeygii iyo Abwaankii caanka ahaa, Abdullahi Issack Yarow (Aarka), oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Abdullahi Issack Yarow (Aarka) wuxuu ka mid ahaa haldooradii dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Digil iyo Mirifle, wuxuuna door muuqda ka qaatay isku xirka dhallinyarada, horumarinta hal-abuurka, iyo u doodista xuquuqda dhalinyarada iyo dadka la dulmiyay.
Abwaanka wuxuu ahaa qof lagu xasuusan doono geesinimadiisa, hal-abuurkiisa, iyo wadaniyaddiisa, isagoo noloshiisa u huray sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay u noqon lahaayeen kuwo mideysan, lehna cod iyo awood ay ku difaacaan xuquuqdooda.
Midowga Dhallinyarada Beesha Hariin waxay Alle uga baryayaan inuu naftiisa ku abaalmariyo naxariistiisa janno, ehelkiisii, qaraabadiisii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna siiyo samir iyo iimaan.
“Geeridu waa xaq, balse naf kasta waxa lagu xasuustaa wanaaggii ay ka tagtay.”
إِنَّا لِلّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُون.