26/05/2026
Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Dagmada Bandiiradley Mudane Abdirahman Mohamed Mohamud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada reer Bandiiradley munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed.
Waxaan Alle uga baryayaa in ciiddaan ciiddeeda nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo, caafimaad iyo horumar. Ciidul Adxaa ha noqoto mid qalbiyadeenna mideysa, xoojisa walaaltinimada, jacaylka iyo is-garab istaagga bulshada Soomaaliyeed.
Dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa inay sii laba jibbaaraan doorkooda ku aaddan nabadda, hormarka iyo midnimada bulshada, maadaama ay yihiin laf-dhabarta mustaqbalka dalka.
Ciid Wanaagsan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Guddoomiye
Ururka Dhalinyarada Dagmada Bandiiradley
Mudane Abdirahman Mohamed Mohamud.