21/03/2025
Balcad, 21 Maarso, 2025.
Maanta waxaa si rasmi ah Degmada Balcad loogu soo gabagabeeyay tartankii Qur'aanka Kariimka ee bisha barakaysan ee Ramadaan. Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalay 40 arday oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho, kuwaas oo ka kala socday ilaa 14 dugsi oo ku yaal degmada Balcad. Tartanku wuxuu ahaa mid lagu maamuusayay bisha Ramadaan iyo dhiirrigelinta xifdinta Qur'aanka Kariimka ee bulshada.
Ardayda tartameysay ayaa u qeybsanayd 4 kooxood, kuwaas oo ku tartamayay qeybaha kala duwan ee Qur'aanka Kariimka:
1. Qeybta 1aad: 30 juz
2. Qeybta 2aad: 15 juz
3. Qeybta 3aad: 10 juz
4. Qeybta 4aad: 5 juz
Tartanka ayaa lagu qabtay masjidka Iskuulka Imaamu Nawawi ee degmada Balcad, waxaana kasoo qeyb galay dhammaan qeybaha bulshada degmada Balcad.
Waxaa tartanka garsoorayaal ka ahaa macallimiin ka socda Jaamatul Qur'aan ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si hufan u ilaalinayay tartanka. Tartanka ayaa noqday mid aad u xiiso leh, iyadoo ardayda iyo macallimiinta ay muujinayaan kartidooda iyo dadaalkooda ku aaddan xifdinta Qur'aanka.
Ugu dambeyn, waxaa dhawaan qabsoomi doonto munaasabada abaalmarinta ardadii guuleysatay, xafladaasi oo lagu maamuusi doono ardayda ugu wanaagsan ee ku tartamay qaybaha kala duwan ee Qur'aanka iyo macalimiintooda, iyada oo lagu abaalmarin doono dadaalkooda iyo waxqabadkoodii qiimaha badanaa.
Mahadcelin iyo Gunaanad: Bahda Balcad Community Centre Waxay halkaan uga mahad celineysaa qabanqaabiyaasha tartanka ee isku howlay qabsoomida tartankaan quruxda badan leh iyo Maamulka Degmada Balcad oo lahaa taaba galinta tartanka.
Sidoo kale waxaa halkaan uga mahad celineenaa Macalimiinta oo muujiyay dadaalkooda iyo Garsoorayaashii tartanka ee sida quruxda badan uga qeyb qaatay tartanka.
.............. Dhammaad ...............
.