13/10/2025
BAYAAN KOOBAN – GALJECEL HA IS MIDEEYO
Beesha Galjecel waa dad taariikh dheer leh, nabad-jecel, iskuna duuban. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in bulshada Galjecel ay muddooyinkan dambe si xad dhaaf ah uga aamustay arrimaha siyaasadda iyo bulshada, taasoo keentay in lagu yiraahdo “waa dad iska jiifa oo aan lahayn wax qadiyad ah ama mowqif mideysan.”
Haddaba, waa waqtigii aynu ka bixi lahayn aamusnaantaas oo aan dib u dhis lahayn codkeena iyo doorkeenii muuqda ee gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.
Maanta waxaa muuqda in beelaha Xawadle iyo Badicade ay wadaan wada-hadallo iyo is-afgarad siyaasadeed, iyagoo doonaya in ay yeeshaan gacan saar iyo iskaashi siyaasadeed. Taas waa arrin ay xaq u leeyihiin, balse waxaa muuqata in lagu durayo ama lagu wiiqayo magaca iyo sharafta Galjecel, iyadoo la isku dayayo in la duufsado kaalintooda.
Laakiin hal arrin waa in la ogaadaa:
Galjecel ma aha dad la iska jiifo, mana aha bulsho la iska xayuubin karo.
Xalka iyo Jihada Cusub ee Galjecel
1.Midnimo iyo Wada-tashi: Waa in la sameeyaa gole mideeya dhammaan qaybaha bulshada Galjecel – odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka, iyo aqoonyahanka.
2.Ka Qaybgal Siyaasadeed: Waa in beesha aysan ka maqnaan shirarka, heshiisyada iyo wada-hadallada gobolka ka socda.
3.Kobcinta Codka iyo Aragti-da Beesha: Waa in la sameeyaa barnaamijyo warbaahineed iyo olole lagu xoojiyo magaca iyo aragtida bulshada Galjecel.
Gunaanad
Galjecel waa bulsho leh karti, awood iyo sharaf. Waa waqtigii la mideyn lahaa codkeeda, la difaaci lahaa danaha shacabka, lana muujin lahaa kaalinta beesha ee hogaamineed ee Hiiraan iyo guud ahaan Soomaaliya.
Midnimo waa furaha awoodda. Aamusnaanta waa laga baxay. Galjecel waa inuu kacaa , isku duubnaataa, oo codkooda ku hadlaan si sharaf iyo xigmad leh.