07/05/2025
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Hiiraan ayaa u mahadcelisay ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo caawa toogtay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta. Dhagar-qabahaasi ayaa watay bastoolad iyo bambooyin, isagoo doonayay inuu waxyeelo gaarsiiyo ciidamo boolis ah oo bar-koontarool ku leh afaafka h**e ee Buundo-weyn.
Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda magaalada Beledweyne ayaa isna u mahadceliyay ciidamada howlgalkaasi fuliyay, waxuuna ballan qaaday in dhagarta Khawaarijta gudaha iyo furimaha gobolka laga hortagi doono.
Ciidamada hay’adda NISA ayaa howlgalkaas kadib xaafadda Buundoweyn kusoo bandhigay meydka dhagar-qabaha iyo hubkii uu watay.
Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, gaar ahaan qeybta dhar-cadka, ayaa si weyn uga howlgala xaafadaha magaalada Beledweyne, taasoo keentay in la fashiliyo dhagarta Khawaarijta.
Mahadsanid.