Hon. Sahal Galayr

Hon. Sahal Galayr I am a community activist who is working for the development of the Sanaag and Hayland regions in Puntland State

21/12/2025

Madaxweyne Deni waa innuu raadiyo in Doorashada Dawlada Soomaalida lagu qabto magaalada Bosaso.

Runtii Bosaso horay bay u samatabixisay Soomaalida, waana magaalo dawlad Federaal hayn karta. marka waxaan codsan in Shirrarka dambe lagu qabto magaalada Bosaso

Bilow ilaa dhamaad baan akhriyey qoraalkaan, waxyaabo badan oo wax ka qabanaya xaalada Puntland baa ku qoran. Waa in tal...
06/09/2025

Bilow ilaa dhamaad baan akhriyey qoraalkaan, waxyaabo badan oo wax ka qabanaya xaalada Puntland baa ku qoran. Waa in talooyinkaan la qaata

๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐ž: ๐ˆ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐๐›๐š๐š๐๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š

Maalmahan waxaa soo badanaya cabashooyinka ku saabsan qoysas iyo ganacsato ka hayaamaya Puntland, iyagoo u guuraya magaalooyin kale sida Nairobi. Arrintani waxay calaamad u tahay dhaqaale ka baxaya (capital flight), taas oo wiiqaysa kobaca ganacsiga gudaha iyo kalsoonida dadka ee mustaqbalka Puntland.

Xogta laga helay guud ahaan Soomaaliya waxay muujineysaa halis aad u weyn:

โ€ข Intii lagu jiray 12 bilood oo keliya sanadkii 2023, in ka badan $300 milyan ayaa ka baxay nidaamka bangiyada gudaha, sida uu sheegay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Marka la eego culayska dhaqaale ee Puntland, waxaa lagu qiyaasi karaa in ugu yaraan $50โ€“70 milyan lacag ah sannad walba ka baxdo Puntland oo dibadda loo wareejiyo.
โ€ข Jaadku wuxuu noqday mid si weyn u saameeya dhaqaalaha: guud ahaan Soomaaliya waxaa sanad walba jaad lagu iibsadaa $146Mโ€“$420M, iyadoo qiimaha qaarkood gaari karaan ilaa $1 bilyan sanadkii. Marka qiyaastan lagu dabaqo Puntland, waxaa la saadaalin karaa in $30Mโ€“$100M sanadkii oo keliya ay Puntland uga baxaan jaad.

Waxaa cad in lacagtaas badan oo Puntland ka baxda loo wareejiyo dibadda, halkii lagu maalgelin lahaa wax soo saar, shaqo abuur iyo adeegyo bulsho.

Talooyin Lagu Badbaadin Karo Dhaqaalaha Puntland

1. Joojinta Lacagaha Dibadda Loo Diro iyo Ilaalinta Doollarka Gudaha

Dowladda Puntland waa inay xakameysaa lacagaha badan ee loo wareejiyo dibadda, ayna mamnuucdo in doollarka si fudud looga saaro dalka. Lacagta Puntland laga kasbado waa in lagu cunaa Puntland dhexdeeda, laguna maalgashadaa ganacsiga gudaha. Tani waxay sare u qaadaysaa kalsoonida ganacsatada iyo koboca suuqa gudaha.

2. Xakamaynta Jaadka oo Dhaqaalaha Ka Saara Balaayiin Doollar

Jaadku wuxuu noqday mid si joogto ah u dhuuqaya dhaqaalaha bulshada. Haddii Puntland sanad walba ku bixinayso $30Mโ€“$100M jaad, taasi waa khasaare dhaqaale oo weyn, waxaana halkaas ku khasaaraya Ganacsiyadii gudaha kuwaasoo waynaya Suuq iyo lacag wax lagaga gato.

Canshuurta Dawladda iyo Fursadda Sales Tax

Waxaa la fahmi karaa in Dawladda Puntland ay ka walwalsan tahay canshuurta jaadka ee ay ka lumin karto haddii jaadka la joojiyo ama la xakameeyo. Si kastaba ha ahaatee, tani waa aragti gaaban. Marka lacagta jaadka laga joojiyo inay dibadda baxdo oo lagu celiyo gudaha Puntland, shacabka waxay helayaan lacago ay ganacsatada wax kaga gataan, ganacsatada waxay lacagtaas ku bixin doonaan sales taxes. Taas macnaheedu waa in Dawladdu ka heli karto canshuur cusub oo sales tax ah โ€” taasoo ka badan karta khasaaraha ay kala kulmi lahayd jaadka iyo canshuurtiisa.

3. Dhiirrigelinta Maalgashiga Gudaha

Si loo joojiyo dhaqaalaha baxaya, Puntland waa inay dhiirrigelisaa maalgashiga gudahaโ€”gaar ahaan meelaha dhalinyaradu ku hawlan karaan ganacsi, beeraha iyo farsamada gacanta. Tani waxay abuuraysaa fursado ganacsi oo gudaha ah, waxayna yareyneysaa in qoysas iyo ganacsato lacagtooda dibadda geeyaan.

Dowladdu waa inay hormuud ka noqotaa abuurista shirkado iyo mashruucyo ganacsi โ€“ tusaale ahaan:

โ€ข Shirkadaha tamarta, beeraha, kalluumaysiga iyo dhismaha โ€“ dowladda ayaa bilowda oo maalgelisa.
โ€ข Markay shirkaddu xoog yeelato, dowladda waxay shacabka ka iibisaa shares (saamiyo) si loo yeesho shirkado ay dadka Puntland wada leeyihiin.
โ€ข Habkan wuxuu abuuri karaa kalsooni, shaqo abuur, iyo dhaqaale gudaha ku wareega, halkii uu dibadda u bixi lahaa.

Tani waxay ka duwan tahay โ€œdhiirrigelinโ€ ku koobnaata khudbado iyo shirar; waa tallaabo wax ku ool ah oo shacabka u horseedaysa inay ka qayb qaataan kobaca dhaqaale ee dalkooda.

Gunaanad

Puntland maanta waxay wajahaysaa halis dhaqaale oo ka imaanaysa capital flight iyo jaad. Marka la eego qiyaasta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ugu yaraan $50โ€“70 milyan sanadkii ayaa Puntland dibadda uga baxa. Isla markaas, jaad keliya ayaa Puntland uga saara $30โ€“$100 milyan sanadkii. Taas macnaheedu waa in dhaqaalaha bulshada si joogto ah u baxayo halkii uu gudaha ku sii wareegi lahaa.

Haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah, dhaqaalaha Puntland wuxuu sii lumin doonaa awooddiisii koboc. Laakiin haddii dowladdu joojiso dhaqaalaha dibadda u baxa, xakameyso jaadka, islamarkaana dhiirrigeliso maalgashiga gudaha, Puntland waxay dib u hanan kartaa kalsoonida bulshada, waxayna dhisi kartaa mustaqbal dhaqaale oo barwaaqo leh.

W.Q: Shucayb Xaaji Ciise

Waxaan galabta ka hadlayaa dacaayad uu faafiyey Mohamed Salh, oo sheegay in Puntland laga haajiray. Laakiin runta dhabta...
05/09/2025

Waxaan galabta ka hadlayaa dacaayad uu faafiyey Mohamed Salh, oo sheegay in Puntland laga haajiray. Laakiin runta dhabta ahi waa, dadka dacaayaddaas wada waxay u ololeeyaan in Sanaag laga gooyo Puntland, iyagoo ku talagal ah in Madaxweyne Deni xilka laga tuuro si Puntland loo wiiqo.

Haddii se la yiraahdo dad baa haajiray, taasina waxay caddayn u tahay in dhaqaalaha Puntland kobcay oo dadkii hanti heleen. Marka dadka dhaqaale yeeshaan, waa caadi inay lacagtooda ku bixiyaan meel qabow iyo raaxo leh, taas oo muujinaysa koboc iyo horumar dhaqaale.

Adkaatay! kkkk
15/08/2025

Adkaatay! kkkk

31/07/2025

Siyaasiyiinta Maajeerteen ee U ololayn in Sanaag laga jaro Puntland waxaan u sheegayaa in Haddii warsangeli ka baxayaan Puntland ay rabbaan inay qaataan Qaybta ay ka degaan Gobolka Bari. Warsangeli marna noqon mayaan Kurdiyiin, rubucba lagu daro maamul gaara!

Send a message to learn more

30th July 2025 = Maalintii warsangeli lagu xiray Laascaanood. Maalintaan 30th July waxay noo tahay maalin murugo oo shar...
31/07/2025

30th July 2025 = Maalintii warsangeli lagu xiray Laascaanood. Maalintaan 30th July waxay noo tahay maalin murugo oo sharaftii Warsangeli musqul lagu riday!

31/07/2025

Khaatumo State of Puntland ...Loading

Send a message to learn more

Waxaan cambaaraynayaa Xadhiga loo gaysay qaar kamid ah ergada reer sanaag ee Laascaanood ku sugnaa!
30/07/2025

Waxaan cambaaraynayaa Xadhiga loo gaysay qaar kamid ah ergada reer sanaag ee Laascaanood ku sugnaa!

26/07/2025

Xasan Sheekh oo Bariga dhexe maraya, kadib markuu dhowr xaafadood laqay!

Warqaddii lagu sameeyey Calanka Puntland
26/07/2025

Warqaddii lagu sameeyey Calanka Puntland

Oo Calanka Somaliland waxaa laga helaa oo lagu iibiyaa Mogadishu, kan Dowladda Hoose ee Garoowe yaala dadku maxay ku ark...
26/07/2025

Oo Calanka Somaliland waxaa laga helaa oo lagu iibiyaa Mogadishu, kan Dowladda Hoose ee Garoowe yaala dadku maxay ku arkeen?

Dhulbahante hortii ma iswaydiseen inay Deni u furteen Daaqad uu ku sheegto Gobolka Sool. Runtii Shalayto Markii Garaadad...
17/07/2025

Dhulbahante hortii ma iswaydiseen inay Deni u furteen Daaqad uu ku sheegto Gobolka Sool. Runtii Shalayto Markii Garaadadu midaysnaayeen oo ay sosaarteen go'aankii Feb 6, Puntland albaabkasta oo ay ku sheegan karto Sool baa markaas iska xiray. Balse, markay dheheen Go'aamada Suldaanada Sanaag loo joojin maayo, waxay dib u fureen albaabkaas xirnaa, waxaayna ka dhigteen inuu Sheegto Gobolka Sool, kuna dooddo in Go'aankii garaadada uu yahay midaan jirin!

Address

Badhan

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon. Sahal Galayr posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share