14/09/2026
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi!
Agaasimaha, Golaha La-talinta, maamulka, iyo shaqaalaha xarunta (PDRC) waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, saaxiibbada, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Alle ha naxariistee marxuumad Hawa Aden Mohamed (Mama Hawa), oo ahayd xaaskii Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Cabdille Shuuke oo ka mid ahaa aasaaseyaasha xarunta PDRC.
Marxuumad Mama Xaawa waxay ahayd qof qaran oo safka h**e uga jirta u ololeynta xuquuqda haweenka iyo carruurta, waxbarashada, iyo aasaasaha xarunta Galkayo Education Center for Peace and Development (GECPD), halkaas oo ay muddo dheer soo hoggaamineysay. Waxaan Alle uga baryeynaa inuu marxuumadda ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna naga wada siiyo qoyskeeda, eheladeeda, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
TAARIIKH NOLOLEEDKA MARXUUMAD XAAWO AADAN MOHAMED (MAMA XAAWA).
Hawa Aden Mohamed waxay ku dhalatay 1949-kii magaalada Baydhabo ee dalka Soomaaliya, iyada oo waxbarashadeeda ku qaadatay dalka iyo dibadda. Waxa ay soo qabatay shaqooyin dhanka waxbarashada ah, iyada oo xilal kala duwan ka soo qabatay Wasaaraddii Waxbarashada ee Soomaaliya. Markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, waxay u qaxday dalka dibaddiisa iyadoo muddo qaxooti ku ahayd dalka Kanada. Sanadkii 1995-kii ayay si iskeed ah ugu soo noqotay dalka si ay gacan uga geysato gurmadka dadka barakacay. Sanadkii 1999-kii ayay magaalada Gaalkacyo ka aasaastay xarunta caanka ah ee Galkayo Education Center for Peace and Development (GECPD). Xaruntani waxay noqotay hoy lagu xannaaneeyo, wax lagu baro, laguna siiyo tababaro xirfadeed gabdhaha iyo haweenka ay saamaynta ba'an ku yeesheen colaadaha dalka ka jiray. Marxuumaddu waxay ahayd macallimad, hawlwadeen bulsho, iyo u-doode u taagan xuquuqda aadanaha.
ABAALMARINNADII IYO SHAHAADOOYINKII CAALAMIGA AHAA EE AY QAADATAY.
Hawa Aden Mohamed waxay dadaalkeeda bani'aadamnimo iyo waxbarasho ku mutaysatay abaalmarino iyo shahaadooyin caalami ah, oo ay ka mid yihiin:
Abaalmarinta Haweeneyda Sannadka (1994): Waxaa gudoonsiiyay Ontario Women's Directorate (Kanada).
Abaalmarinta Codadka Geesinimada (2001): Waxaa bixisay Women's Commission for Refugee Women and Children.
Abaalmarinta Caalamiga ah ee "Golden Doves for Peace" (2006): Waxaa la guddoonsiiyay abaalmarintan nabadda ee ay bixiso hay'adda Talyaaniga ah ee Archivio Disarmo.
Abaalmarinta Qaxootiga ee UNHCR Nansen (2012): Waa mid ka mid ah billadaha ugu waaweyn ee caalamka, taas oo ay u aqoonsatay UNHCR adeeggyada muhiimka ee ay u hayso haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ah ee Soomaaliyeed.
Abaalmarinta TRT World Citizen Educator Award (2019): Abaalmarintaan oo ahayd mid loogu aqoonsaday doorkeedii hanka iyo hagar la'aanta ahaa ee dhanka waxbarashada iyo horumarinta bulshada.
In kastoo geeridu xaq tahay, waxaa hubaal ah in ay Soomaalidu si weyn u tebi doonto kaalinteedii lama-illaawaanka ahayd MAMA HAWA ADAN CAMEEY.