20/07/2026
Garoowe|| 20/7/2026
Waxaa si rasmi ah noo qabsoomay baal-furka dhiganaha KAAHIYE, oo si heer sare ah loo soo agaasimay.
Xubnaha Haldoor Development Organization (HDO) waxay door muuqda oo wax ku ool ah ka qaateen diyaarinta iyo hirgelinta madashan quruxda badan, taas oo lagu asteeyay hufnaan, isku-duubni iyo nidaam wanaagsan. Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad leh iyo guul muuqata.
🙏 Mar kale, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaashii, martidii sharafta lahayd iyo cid kasta oo kaalin ka qaadatay qabsoomidda munaasabaddan qiimaha badan.
Haldoor waa hiilka bulshada.