19/02/2026
Waxan si buuxda ugu muujinaynaa taageero go’aannada ku xusnaa baaqii ay soo saareen hoggaanka dhaqanka ee beelaha Gadabuursi 16kii Febraayo 2026.
Maamulka Somaliland waxan ku adkaynaynaa inay si xilkasnimo, tixgelin iyo dhegaysi dhab ah leh u qaataan go’aannadaas, isla markaana ay saxaan wixii qaldan ama ka dhiman si loo xaqiijiyo caddaalad iyo wadajir.
Ciddii ka hor timaadda go’aannadaas, waxaan ugu baaqaynaa in arrinkooda si wadajir ah oo sharci iyo wada-tashi ku dhisan loola tacaalo, si loo ilaaliyo midnimada iyo danaha guud.