17/08/2025
Ku soo dhowaada Sanad Dugsiyeedka 2025/26! 🎒📚
Ururka Macallimiinta Soomaaliyeed ee Sweden wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed iyo waalidiinta ku nool Sweden.
Sanad-dugsiyeedka cusub waa fursad cusub oo lagu horumaro, lagu dhiso aqoon, laguna xoojiyo riyada mustaqbalka. Waxaan ku dhiirrigelinaynaa waalidiinta Soomaaliyeed inay taageeraan carruurtooda, ula socdaan waxbarashadooda, ayna la xiriiraan iskuulada si wadajir loogu guuleysto.
Ardayda qaaliga ahna waxaan leenahay: Ku dadaala waqtigiinna, dhagaysta macallimiintiinna, hana ka quusan himilooyinkiinna. Mustaqbalkiinnu waa gacantiinna.
Waxbarashadu waa hubka ugu xooggan ee aynu ku dhisi karno jiil barwaaqo iyo bulsho guulaysata.
Ururka Macallimiinta Soomaaliyeed ee Sweden
“Xoogga saar waxa muhiimad kuu leh.”