25/03/2020
Covid-19 wuxuu keenaa dareen xanuun oo guud oo leh hal ama dhowr ah calaamadaha soo socda:
1-qufac 2- xummad/Qandho 3-dhibaato neefsiga ah 4- diif 5- cuno xumo
6- madax xanuun 7-xanuun muruqyada iyo laabatada ah
8- yalaalugood, lallabood (yaayaqsood).
Toddoba talo-bixin fudud looguna talogalay adiga iyo dadka kale:
1. Guriga joog haddii aad xanuusanayso ama dareemayiso calaamado khafiif ah sida cuno xanuun, qufac ama diif. Guriga joog ugu yaraan 48 saacadood ka dib markaad caafimaado.
2. Badanaaba gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo diiraan ugu yaraan 20 il-biriqsi.
3. Isticmaal alkoosha gacmaha marka aanad fursad u haysan gacmo dhiqid.
4. Iska ilaali u dhawaanshaha dad bukaan ah. 5. Iska ilaali inaad taabato indhaha, sanka ama afka.
6. Ku qufac oo ku hindhis laabatada gacanta ama masarka sanka ee warqada ah.
7. Ka fikir inaanad booqan dadka gaboobay haddii aad xanuusanayso ama leedahay calaamado cudur
Fadlan hoos guji si aad waxbadan u ogaatid
https://www.folkhalsomyndigheten.se/globalassets/smittskydd-sjukdomar/sjukdomar/coronavirus/faktablad-pa-olika-sprak/faktablad-covid-19-somaliska.pdf