25/06/2026
🇸🇴 TODDOBAADKA XURRIYADDA SOOMAALIYEED – GÖTEBORG 2026 🇸🇪
Waxaa sharaf weyn noo ah inaan idinku casuunno munaasabadda Toddobaadka Xurriyadda Soomaaliyeed ee Göteborg, oo ah madal lagu xusayo halgankii iyo guulihii ay ummadda Soomaaliyeed ku gaartay xorriyaddeeda.
Marti sharafkeennu waa Guddoomiye Ahmed Sharaf, oo nala wadaagi doona khudbad ku saabsan qiimaha xorriyadda, midnimada, horumarka iyo doorka bulshada Soomaaliyeed ee dibadda ay ku leedahay ilaalinta dhaqanka iyo wadajirka.
Hal-ku-dhegga sanadkan:
Xorriyad • Midnimo • Mustaqbal
📍 Goobta: Kortedala Torget, Göteborg
📅 Taariikhda: 30 Juun 2026
🕖 Waqtiga: 19:00 – 22:00
Waxaan ku martiqaadeynaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, qoysaska, dhalinyarada iyo asxaabta Soomaaliyeed inay kasoo qeyb galaan munaasabaddan qiimaha badan. Aynu si wadajir ah u xusno taariikhdeenna, u adkeynno midnimadeenna, ugana wada shaqeyno mustaqbal ifaya.
Soo dhowow, ka qeybgal, kana mid noqo dabaaldegga Toddobaadka Xurriyadda Soomaaliyeed ee Göteborg!