SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION SAMOKAAB is a non-profit organisation that works to promote security and stability in EA through d

Eid Mubaarak 🕋Waxaan umadda muslimiinta gaar ahaan umadda soomaaliyeed la qeybsaneynaa Farxada Ciidul Fitriga waxaan all...
19/03/2026

Eid Mubaarak 🕋
Waxaan umadda muslimiinta gaar ahaan umadda soomaaliyeed la qeybsaneynaa Farxada Ciidul Fitriga waxaan alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo soonkii,salaadihii iyo cibaadaadkii,

Waxaan idin leenahay farxad iyo caafimaad ku ciida adinka iyo familadiinaba.

-Al-Fitri2026


SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

06/03/2026

Hay’adda SAMOKAAB DEVELOPMENT UNION oo maalmahan waday gurmad biyo-dhaamin ah ayaa gaarsiisay biyo nadiif ah qoysas badan oo ay saameysay biyo la’aanta. Gurmadkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee hay’addu ugu jirto taageeridda iyo garab istaagga bulshada u baahan.

Waxaan rajaynaynaa in dadaalladan samofalka ah ay sii socdaan si loo yareeyo dhibaatada biyo la’aanta ee haysata dadka. Mahad iyo bogaadin ayaan u diraynaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay gurmadkan qiimaha leh. 💧

SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

Hay’adda Samokaab ayaa biyo-dhaamin ka fulisay deegaano hoostaga Degmada Guriceel, kaddib markii ay abaar baahsan saamey...
04/03/2026

Hay’adda Samokaab ayaa biyo-dhaamin ka fulisay deegaano hoostaga Degmada Guriceel, kaddib markii ay abaar baahsan saameysay dadka iyo duunyada ku nool halkaas.
‎‎Gurmadkan ayaa si gaar ah looga hirgeliyay Deegaanka Ceelqorax, oo qiyaastii 43KM dhanka koofureed kaga beegan Degmada Guriceel, iyo deegaan kale oo iyana 59KM u jira degmada.


‎Hoos u dhac ku yimid noloshii xoolaha
‎Dhibaato nololeed oo soo wajahday qoysaska reer miyiga ah
‎Baahida biyaha oo aad u korortay ayaa keentay in bulshada ay la kulmaan xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.
‎‎Hay’adda Samokaab ayaa ka jawaabtay qaylo-dhaanta bulshada, iyagoo gaadiid biyo sida u diray deegaanadaas si loo yareeyo dhibaatada jirta.

‎Biyaha la gaarsiiyay ayaa si degdeg ah loogu qeybiyay qoysaska iyo xoolo-dhaqatada ku dhaqan Ceelqorax iyo nawaaxigeeda.
‎Dadka ku nool deegaanada laga fuliyay biyo-dhaaminta ayaa si weyn uga mahadceliyay hay’adda Samokaab gurmadka ay la gaartay xilli adag.

‎Biyo-dhaamintan ay fulisay Hay’adda Samokaab ayaa timid xilli loo baahnaa, waxayna muujinaysaa kaalinta muhiimka ah ee hay’adaha samafalku ka qaataan badbaadinta bulshada ku nool deegaanada ay abaaruhu ku dhuftaan. Waxaa la rajeynayaa in gurmadkan uu noqdo mid sii socda ilaa laga gaarayo xal waara oo lagu yareynayo saameynta abaarta.

SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

Gurmad Biyo-dhaamin oo ay fulisay Hay’adda SAMOKAAB DEVELOPMENT UNION ‎‎Hay’adda Samo Kaab Development Union ayaa biyo-d...
03/03/2026

Gurmad Biyo-dhaamin oo ay fulisay Hay’adda SAMOKAAB DEVELOPMENT UNION

‎Hay’adda Samo Kaab Development Union ayaa biyo-dhaamin ka fulisay deegaano katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka jirto xaalad nololeed oo aad u adag oo ay sababtay abaar muddo laba sano jirsatay.

‎Abaartan oo si ba’an u saameysay dadka iyo duunyada ayaa keentay biyo la’aan, daaq xumo ku yimid Bulshada xoolo-dhaqato ah.

‎Hay’addu waxay biyo gaarsiisay
‎Deegaano hoostaga Degmada Gadoon
‎Ayadoo maalmaha Soo socdana Ay hay,adu ay Biyo Gaarsiindoonto Deegaano Hoostaga Degmada Guriceel iyo Degmada Gerijir

‎Deegaanka Beer Liibaan Gale oo makid ah Deegaanadii maanta Biyaha lagaarsiiyay ayaa wajahaya xaalad ka sii adag deegaanada kale, kadib markii bacaad fara badan uu xiray waddooyinka, taasoo adkeysay in booyadaha biyaha qaada iyo gaadiidka kale ay si fudud ku gaaraan taasoo dib u dhac ku keentay howlaha samatabbixinta.

‎Dadka ku nool deegaanadan ayaa dalbanaya gurmad degdeg ah, iyagoo ka cabanaya:
‎Biyo yari daran
‎Daaq la’aan
‎Bulshadu waxay ugu baaqayaan hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo awood u leh inay ka qeyb qaadato gurmadka in la garab istaago.

‎Hay’adda Samo Kaab Development Union ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay si joogto ah uga jawaabaysay xaaladaha abaaraha iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira deegaannada Soomaaliyeed. Gurmadkan biyo-dhaaminta ah wuxuu qeyb ka yahay dadaallada ay ku yareyneyso saameynta abaarta, isla markaana ay ku badbaadineyso nolosha dadka iyo duunyada.

‎Xaaladda ka jirta deegaanada hoostaga Degmada Gadoon ayaa weli ah mid u baahan feejignaan iyo taageero ballaaran Waxaana lagama maarmaan ah in la xoojiyo iskaashiga gurmadka si loo badbaadiyo bulshada iyo hantidooda nool.

SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

03/03/2026
03/03/2026

Hay’adda SAMOKAAB DEVELOPMENT UNION Ayaa wajigii kobaad ee gurmadka abaaraha deeq biya gaadhsiiyay degmada adhicadeye ee gobolka sool

‎Biyahan Oo ah biyo macan Oo loogu Tala galay in lagaadhsiiyo Dadka danyarta ah een awoodin Inay shubtaan biyaha macan caruurta’hooyooyinka iyo odayasha degaanka Ayaa Mahad celiyay

SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

JUMMA MUBAARAK 🌙Jimco barakeysan, waxaana ku jirnaa bisha barakaysan ee Ramadaan — bishii cibaadada, dembi-dhaafka iyo n...
26/02/2026

JUMMA MUBAARAK 🌙

Jimco barakeysan, waxaana ku jirnaa bisha barakaysan ee Ramadaan — bishii cibaadada, dembi-dhaafka iyo naxariista. Waa fursad qaali ah oo labo kheyr isugu darsameen: kheyrka Jimcaha iyo kheyrka Ramadaanka.

Aynu ka faa’iidaysanno maalintan qiimaha badan, ku dadaalno salaadda, akhrinta Qur’aanka, ducada iyo sadaqada. Ilaahay ha inaga aqbalo soonka, salaadda iyo dhammaan camalka suuban, hana inoo dambi dhaafo.

Jumco Mubaarak & Ramadaan Kariim dhammaantiin

SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

Xaalad aad u adag ayaa ka jirta baadiyaha dalka oo dhan Alle f***j kheeyr Qaba ha u furo Biyo ayaa ugu daran, fadlan noo...
22/02/2026

Xaalad aad u adag ayaa ka jirta baadiyaha dalka oo dhan Alle f***j kheeyr Qaba ha u furo Biyo ayaa ugu daran, fadlan noogala qeeyb qaado’
Waxaad ku deeqi kartaa inta aad awoodo: $1, $2, $5, $10, $25, $50, $100+.

Account Holder's Name SAMOKAAB DEV UNION

Evc 0613490091

Salaam Bank 31290937 #

Premier Bank 030300292001

Swish 1231805431

Bankgiro 356-6585

Faafi si aad u heshid ajarka kan wax sadaqeestay adigana.

SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

sawiro Kooban oo muujinaya Mudadii ay jirtay Hay’adda SAMOKAAB iyo wax qabadkeedii’ Alle Ayaa ku mahadsan waafajinta in ...
22/02/2026

sawiro Kooban oo muujinaya Mudadii ay jirtay Hay’adda SAMOKAAB iyo wax qabadkeedii’
Alle Ayaa ku mahadsan waafajinta in aad ka shaqeyso Arimaha Bulshada Danta Guud Weliba kuwooda Muhiimka.
.
SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

Ramadaan Mubaarak ummadda Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed.Waxaan idinla wadaagaynaa farxadda dhalashada bis...
17/02/2026

Ramadaan Mubaarak ummadda Muslimiinta, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan idinla wadaagaynaa farxadda dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Waxaan idiin rajaynaynaa farxad, caafimaad iyo baraare aad ku soontaan adinka iyo qoysaskiinnaba.

Bishan barakaysan awgeed, aynu is xasuusinno naxariista, sadaqada iyo garab istaagga walaalaheenna tabaalaysan.
Ilaahay ha naga dulqaado abaaraha ka jira dalkeenna, ha noo shubo raxmad iyo roob khayr leh, hana u gargaaro dadka walaalaheenna ah ee abaartu saamaysay.

RAMADAAN MUBAARAK 🕋📿

لْلَّھُم أَهِلَهُ عَليْنَا بِالْأمْنِ وَالإِيْمَانِ وَالْسَّلامَةِ وَالْإِسْلَامِ وَالْعَوْن عَلَى الْصَّلاةِ وَالصِّيَامِ وَتِلَاوَةِ الْقُرْآَنِ، الْلَّھُمّ سَلِّمْنَا لِرَمَضَانَ وَسَلِّمْهُ لنا وَتَسَلَّمْهُ مِنّا مُتَقَبَّلاً يارب العالمينْ..

مُباركٌ عليْكُمْ شّٓهرُ رَمضان 🌙

SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

Xaalad aad u adag ayaa ka jirta baadiyaha dalka oo dhan Alle f***j kheeyr Qaba ha u furo Biyo ayaa ugu daran, fadlan noo...
16/02/2026

Xaalad aad u adag ayaa ka jirta baadiyaha dalka oo dhan Alle f***j kheeyr Qaba ha u furo Biyo ayaa ugu daran, fadlan noogala qeeyb qaado’
Waxaad ku deeqi kartaa inta aad awoodo: $1, $2, $5, $10, $25, $50, $100+.

Account Holder's Name SAMOKAAB DEV UNION

Evc 0613490091

Salaam Bank 31290937 #

Premier Bank 030300292001

Swish 1231805431

Bankgiro 356-6585

Faafi si aad u heshid ajarka kan wax sadaqeestay adigana.

SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION

Adress

Krönikegatan 12 C
Örebro
70372

Öppettider

Måndag 07:00 - 17:00
Tisdag 09:00 - 17:00
Onsdag 09:00 - 17:00
Torsdag 09:00 - 17:00
Söndag 09:00 - 17:00

Telefon

0046735571896

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Kontakta Organisationen

Skicka ett meddelande till SAMO KAAB DEVELOPMENT UNION:

Dela