18/03/2026
SASK FONDATION &SOCCO ORGANIZATION
Maanta waxaan farxad weyn la wadaagnay 53 carruur agoon ah oo ku nool ee duleedka Mogadishu. Waxaan u sameynay ciidsiin iyo gargaar yar oo aan ku doonaynay inaan ku farxad gelinno qalbigooda maalmahan barakeysan. Carruurtan agoomaha ah waxay u baahan yihiin garab istaag, naxariis iyo in bulshada aysan ka hilmaamin.
Ujeedkeenna maanta ma ahayn oo kaliya inaan wax gaarsiinno, balse sidoo kale inaan tusno carruurtan inay leeyihiin dad walaalo ah oo la dareemaya duruufaha ay ku nool yihiin. Farxadda iyo dhoolla-caddeynta ka muuqatay wajiyadooda waxay ahayd mid qalbiga taabaneysa, waxayna na xasuusisay qiimaha ay leedahay in la gacan qabto kuwa jilicsan ee bulshada ka midka ah.
Carruurta agoomaha ah waa mustaqbalka dalka, waana waajib in la daryeelo, la garab istaago, lana siiyo rajo iyo nolol ka wanaagsan tan ay maanta ku jiraan. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka awooda leh, inay ka qeyb qaataan taageerada iyo daryeelka agoomaha iyo dadka tabaaleysan, si aan u dhisno bulsho isku naxariisata oo is garab istaagta.
Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelineynaa walalaha muxsaninta ah oo ka qeyb qaatay ama gacan ka geystay in maanta la ciidsiiyo 53 carruur agoon ah. Ilaahay haka abaal mariyo ajar iyo khayr badan. Insha’Allah waxaan sii wadi doonnaa dadaallada noocan oo kale ah ee lagu caawinayo dadka nugul.