Stichting SASK

Routebeschrijving Website

Stichting SASK SASK is an foundation that actively supports Somali orphans, youngsters and those in need.

We relief them from their financial burdens, educate them and provide them with basic needs like shelter and clothing.

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun waxaan Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa anoo ku hadlaayo magaca Sask Iyo Macalin xuse...
07/09/2026

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun waxaan Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa anoo ku hadlaayo magaca Sask Iyo Macalin xuseenba gabadhayda Nimco Keyf ISMAACIIL , oo walaalkeed Crashiid ISMAACIIL Xasan saakay ku geeriyooday xaafada madiino.
Ilaahow u naxariiso Dhamaan familka reer ISMAACIIL Xasan Salad qalbiga Allaha u qaboojiyo waa geeri xanuunbadan .

Maanta waxaan bixinay agabka waxbarashada ardayda wejiga koowaad ee Iskuulka Macallin Xuseen Kaafi.Waxaan rajaynaynaa in...
06/09/2026

Maanta waxaan bixinay agabka waxbarashada ardayda wejiga koowaad ee Iskuulka Macallin Xuseen Kaafi.

Waxaan rajaynaynaa in agabkani uu kaalin wanaagsan ka qaadan doono horumarka waxbarashada iyo kobcinta aqoonta ardayda.

HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO! Dhammaan maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Macallin Xuseen Kaafi waxay hambalyo iyo farxa...
17/08/2026

HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO!

Dhammaan maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Macallin Xuseen Kaafi waxay hambalyo iyo farxad u dirayaan dhammaan ardayda fasalka 8aad ee ku guuleystay imtixaanka Dugsiga Dhexe ee Qaranka. 👏📚🎓

Guushiinnu waa mid sharaf iyo farxad u ah idinka, waalidiintiinna, macallimiintiinna iyo guud ahaan dugsiga.

Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya, aqoon badan iyo guulo ka waaweyn kuwa maanta.

Hambalyo dhammaan ardayda guuleysatay!

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Dugsiga Mo’allim Hussein Kaafi ee ku guuleystay imtixaanka.Guush...
11/08/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Dugsiga Mo’allim Hussein Kaafi ee ku guuleystay imtixaanka.

Guushiinnu waa mid ka tarjumaysa dadaalkiinna, dulqaadkiinna iyo waqtigii aad geliseen waxbarashada. Waxaan si gaar ah idiinku hambalyeynayaa guushan qiimaha badan, waxaana idiin rajeynayaa mustaqbal ifaya iyo guulo ka sii waaweyn.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa macallimiinta iyo reer saska foudation iyo waladiinta oo door weyn ka qaatay guusha ardayda.

Hambalyo dhammaan ardayda guuleysatay! 🎉👏Mo’allim Hussein Kaafi — Guul, Aqoon iyo Mustaqbal Wanaagsan! 📚🎓❤️

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa macallimiinta iyo reer Saska Foundation oo door weyn ka qaatay guusha ardayda.

Hambalyo mar 2aad dhammaan ardayda mo,allim hussein kaafi.

11/08/2026
Mahad oo dhan waxaa iska leh Alle (SWT) oo nagu guuleeyay qabsoomidda munaasabadda Taakuleynta Waxbarashada Carruurta Ag...
17/07/2026

Mahad oo dhan waxaa iska leh Alle (SWT) oo nagu guuleeyay qabsoomidda munaasabadda Taakuleynta Waxbarashada Carruurta Agoonta, Rajada iyo Kuwa Danta Yar ee wax ka barta Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Macallin Xuseen Kaafi.

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelineynaa dhammaan marti-sharaftii, deeq-bixiyeyaashii, bahda waxbarashada, waalidiinta, dhallinyarada, iyo bulshada Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay munaasabadda, kuna muujisay garab istaag iyo naxariis ay u hayaan carruurta u baahan taageerada.

Ka qaybqaadashadiinna iyo deeqihiinnu waxay iftiin iyo rajo cusub u yihiin carruur badan oo doonaya inay wax bartaan kana mira dhaliyaan mustaqbalkooda. Taageeradiinnu waa maalgashi qiimo leh oo lagu dhisayo jiil aqoon leh.

Waxaan Alle (SWT) ka baryeynaa inuu idinka abaalmariyo kheyr aan kala go’ lahayn, kana dhigo wixii aad bixiseen sadaqo la aqbalay, idiinkana beddelo barako iyo kheyr adduun iyo aakhiro.

“Qofkii ka qayb qaata waxbarashada ilmo maanta, wuxuu dhisayaa hoggaamiyaha berrito.”

Mahadsanidiin dhammaantiin. Alle ha idin xifdiyo, hana idin barakeeyo.

Alle ayay Mahad u sugnaatay oo sanad kale si habsi ah noo ku dhamaaday sanad dugsiyeedkii 5aad ee iskool Macalin Xuseen ...
21/06/2026

Alle ayay Mahad u sugnaatay oo sanad kale si habsi ah noo ku dhamaaday sanad dugsiyeedkii 5aad ee iskool Macalin Xuseen kaafi.
Halkaas oo xafladii xiritaanka iskoolka Iyo cayaarihii kubada cagta ay si qurux badan noogu qabanqaabiyeen macalimiinteena sharafta badan, waxaan ilaahay idinkaga baryayaa in uu ajar Iyo xasanaad idinka siiyo. Aamiin

Maanta oo maalin isniina bishana 15/6/2026 tahay, waxaa noo bilowday imtixaankii galaaska sideedaad, Guul Ayaan ilaahay ...
15/06/2026

Maanta oo maalin isniina bishana 15/6/2026 tahay, waxaa noo bilowday imtixaankii galaaska sideedaad, Guul Ayaan ilaahay uga baryaynaa ciyaalkaas dhalinyarada ah ee hamiga leh.
Maansha Allaah macalimiinta Iyo maamulahana Allaha idinka abaal mariyo dadaalka Aad geliseen ciyaalkaas.

Alxamdulilaah Alla ayaa mahad oo dhan u sugnaatay oo aan Maanta ku wada ciidnay ciyaalkeenii Agoonta Iyo rajada, sidoo k...
27/05/2026

Alxamdulilaah Alla ayaa mahad oo dhan u sugnaatay oo aan Maanta ku wada ciidnay ciyaalkeenii Agoonta Iyo rajada, sidoo kale waxaan si gaara ugu mahad celinaynaa Maamuleheena iskoolka xuseen kaafi Iyo ardadiisa agoonta Iyo kuwa kaleba inaan maalin Qurux badan wada qaadanay.
Walaalihii muxsaniinta ah ciyaalkaas farxadooda ka taliyayna Jzk khair.

26/05/2026

Adres

Liendenlaan 369
Tiel

Meldingen

Wees de eerste die het weet en laat ons u een e-mail sturen wanneer Stichting SASK nieuws en promoties plaatst. Uw e-mailadres wordt niet voor andere doeleinden gebruikt en u kunt zich op elk gewenst moment afmelden.

Snelkoppelingen

Delen