Galmudug European Community

Galmudug European Community Contactgegevens, kaart en routebeschrijving, contactformulier, openingstijden, diensten, beoordelingen, foto's, video's en aankondigingen van Galmudug European Community, Buurthuis, Amsterdam.

Midowga Jaaliyadaha Galmudug ee Yurub waa dallad mideysa jaaliyadaha Galmudug ee ku kala nool dalalka Yurub, kuna dhisan aragti, fikir iyo wax wada-qabsi mideysan.

07/10/2026
01/10/2026

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee Switzerland, Abdikani Hassan Salad, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka reer Galmudug, kaddib doorashadii qof iyo cod ee 30-ka Sebtembar 2026 ka dhacday 11 degmo iyo 178 goobood.

Wuxuu shacabka Galmudug ugu hambalyeeyay ka qaybgalka doorashada, isagoo u rajeeyay Galmudug nabad, horumar iyo midnimo.

Hambalyo shacabka Galmudug!

Jaaliyadda Galmudug ee Yurub waxay si weyn u bogaadinaysaa doorashada qof iyo cod ee maanta, 30-ka Sebtembar 2026, ka qa...
30/09/2026

Jaaliyadda Galmudug ee Yurub waxay si weyn u bogaadinaysaa doorashada qof iyo cod ee maanta, 30-ka Sebtembar 2026, ka qabsoontay 11 degmo oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo codbixintu ka dhacday 178 goobood oo loo asteeyey doorashada.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee Belgium, Mudane Husein Bile Abukar, ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo shaqaalaha Is...
17/09/2026

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee Belgium, Mudane Husein Bile Abukar, ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Xoogga soo dhaweyntii diirranayd ee loo sameeyey intii uu booqashada ku guda jiray.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale cabbiray dareenkiisa ku aaddan xaaladda uu ku arkay Isbitaalka, gaar ahaan dhaawacyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda ee halkaas lagu daweynayo.

Wuxuu sheegay in booqashadu ay ku reebtay dareen qoto dheer, isla markaana ay xasuusisay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan jaaliyadaha dibadda, ay garab istaagaan ciidamadeenna iyo qoysaskooda, ayna ka qayb qaataan horumarinta adeegyada caafimaad ee loo fidiyo.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyey in Jaaliyadda somaliyed ee Belgium ay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato isku-tashiga iyo dadaallada lagu horumarinayo Isbitaalka Xoogga, si loo helo adeeg caafimaad oo tayo leh oo ay mudan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda.

“Dhaawaca aan maanta arkay wuxuu qalbigayga ku reebay dareen weyn. Waa waajib in aan garab istaagno ciidamadeenna iyo qoysaskooda.”

28/08/2026

Waxaan Cawa Magaalada Birmingham Uk🇬🇧 Aan ku qabanenaa Xaflad Sanad guurada 20 aad Ee Galmudug Hambalyo🤟🏽🇸🇴💙🤍💚🎊🥰

26/08/2026

Gudomiyaha jaaliyadda galmudug ee Belgium ahna Xoghayaha jaaliyadaha galmudug ee Yurub

26/08/2026

Guddoomiyaha Madasha Midowga Jaaliyadaha Galmudug ee Yurub oo ka qayb galay munaasabadda CMD Awards 2026.

23/08/2026
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland iyo nawaaxigeeda waxaa si diirran loogu baaqayaa inay nagala soo qayb...
19/08/2026

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland iyo nawaaxigeeda waxaa si diirran loogu baaqayaa inay nagala soo qayb galaan xaflad ballaaran oo ka dhici doonta magaalada Zurich, Switzerland, taariikhdu markay tahay 22-08-2026.

Adres

Amsterdam

Website

Meldingen

Wees de eerste die het weet en laat ons u een e-mail sturen wanneer Galmudug European Community nieuws en promoties plaatst. Uw e-mailadres wordt niet voor andere doeleinden gebruikt en u kunt zich op elk gewenst moment afmelden.

Snelkoppelingen

Delen

Categorie