17/06/2026
Dowlada Netherlands waxay dib-u-habayn ballaaran ku samaysay nidaamkeeda magangalyada iyo socdaalka, iyadoo qodobbada ugu muhiimsan ay dhaqangaleen 12-kii Juun, 2026, taasoo waafaqsan Heshiiska Magangalyada iyo Socdaalka ee Midowga Yurub (EU).
Xeerarka cusub waxay meesha ka saarayaan oggolaanshaha sharciga deganaansha rasmiga ah ee shanta sanno, iyadoo lagu badelay mid saddex sanno ah, waxaana la soo dedejiyey waqtiga uu qaadanayo codsiga magangalyo-doonka.
Isbeddellada ugu saamaynta weyn waxaa ka mid ah:
• Lama bixin doono oggolaanshaha deganaanshaha magangalyada ee rasmiga ah (permanent). Oggolaanshaha magangalyada ee cusub ama kuwa la cusboonaysiiyay waxay hadda shaqayn doonaan ugu badnaan 3 sano, halka ay markii h**e ka ahaayeen 5 sano. Dadka haystay oggolaansho rasmi ah oo ansax ah isbeddelkan ka hor waxay sii haysan doonaan oggolaanshahooda.
• Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND) ayaa hadda si dhaqso ah go’aan uga gaari doonta codsiyada.
• Codsiyada caadiga ah waxaa qorshahu uu yahay in go’aan looga gaaro muddo 6 bilood ah, halka codsiyada ay soo gudbiyaan magangalyodoonka ka imaanaya waddammada ammaanka ah lagu xalin doono muddo 3 bilood ah oo keliya.
• Dawladda Nederlands waxay adkaynaysaa shuruudaha qaadashada jinsiyadda (naturalization), oo ay ku jirto in la kordhiyo muddada ugu yar ee deganaanshaha sharciga ah ee loogu talagalay qaadashada jinsiyadda, taasoo laga dhigay 10 sano halka ay markii h**e ka ahayd 5 sano, iyo in kor loo qaado shuruudda aqoonta luqadda oo laga dhigay heerka B1.
• Shuruudo ka adag kuwa h**e ayaa sidoo kale lagu wajahayaa qorshayaasha shaqaalaysiinta iyo muhaajiriinta xirfaddoodu sarrayso, si loo xaddido guud ahaan heerarka socdaalka.