08/04/2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia oo Xoojinaysa Xiriirka Dowladda iyo Qurbo-joogta.
Muqdisho | 6 Abriil 2026
Waxaa sharaf weyn noo ahayd in wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia, Mudane Moktar Mohamed Ali, ay kulan muhiim ah la yeesheyn Agaasimaha Waaxda Arrimaha Qurbo-Joogta, Mudane Ibraahim Guure Maxamed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta istaraatiijiga ah ee u dhexeysa dowladda iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay doorka qurbo-joogta ee maalgashiga, dib-u-dhiska dalka, taageeridda bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia waxay markale muujineysaa sida ay uga go’an tahay inay door muuqda ka qaadato dib-u-dhiska dalka, horumarinta bulshada, iyo taageeridda qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya.
—————————————————————
The Somali Community in Malaysia Strengthens Government–Diaspora Relations
Mogadishu | 6 April 2026
It was a great honor for a delegation led by the Chairman of the Somali Community in Malaysia, Mr. Moktar Mohamed Ali, to hold an important meeting with the Director of the Diaspora Affairs Department, Mr. Ibrahim Guure Mohamed.
The meeting focused on strengthening strategic cooperation between the Government of Somalia and Somali diaspora communities abroad, with particular emphasis on the diaspora’s role in investment, national reconstruction, community support, and the growth of Somalia’s economy.
The Somali Community in Malaysia once again reaffirms its strong commitment to playing a visible role in Somalia’s reconstruction, community development, and support for the country’s long-term development agenda.