Somali Youth Peace Club SYPC

Somali Youth Peace Club  SYPC Somali Youth Peace Club is a Non-Profit Organization working directly with development partners across the world. Established in 2011,

[a] Advocating for peace of Somalia
[b] Capacity building and awareness creation programs for the Somali youth.
[c] Participating in sports and recreation programs
[d] Encouraging Education among the youths
[e] Supporting the vulnerable youths through skills empowerment
[f] Wealth creation initiatives through entrepreneurship development.
[g] Prevention of female general mutilation [F.G.M] through

awareness among women and youths
[h] Prevention of HIV/Aids through capacity building and awareness activities among the youths.

SOOMAALIYA MA U QALANTAA IN LAGA DHEEFSADO?Qarankeena Soomaaliya wuxuu wajahaya waqti adag. Hooyooyin weli ka baqaya qar...
21/02/2026

SOOMAALIYA MA U QALANTAA IN LAGA DHEEFSADO?

Qarankeena Soomaaliya wuxuu wajahaya waqti adag. Hooyooyin weli ka baqaya qaraxyo, dhalinyaro shaqo la’aan ku niyad jabsan, iyo mustaqbal aan caddayn.

Kooxda Al-Shabaab wali waxay daadineysaa dhiigga shacabka.

Laakiin su’aashu waa: maxay ku mashquulsan yihiin siyaasiyiinteennu?

Halkii laga rabay inay mideeyaan ummadda, waxay ku mashquuleen kursi iyo dano gaar ah.

Halkii laga rabay inay la dagaallamaan musuqmaasuqa, qaar waxay ka hormariyeen dantooda shaqsiga ah tan qaranka.

Dal ma burburo marka cadowgu xoog badan yahay oo keliya ee wuxuu burburaa marka hoggaankiisu ka hormariyo danihiisa gaarka ah danta shacabka.

Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan leh damiir, daacadnimo iyo aragti fog. Mustaqbalka ummaddu ma aha meel lagu ganacsado.

Qaran ma badbaado haddii hoggaankiisu u arko xilka fursad ganacsi.

W/Q Abdifatah Hassan

02/02/2026

Dhalinyarada Soomaaliyeed: Qarniga Fursadaha iyo Qarniga Luminta.

Qarnigan aan ku noolnahay waa qarniga xogta, fikirka, iyo hal-abuurka. Waa xilli qofka leh aqoon, aragti, iyo karti uu beddeli karo noloshiisa iyo tan bulshada uu ka tirsan yahay.

Dhalinyarada Soomaaliyeedna waxay ku nool yihiin xilli ay haystaan fursado aan h**e loo arag. Si kastaba ha ahaatee, su’aasha taagan ayaa ah: ma fahmeen fursaddaas mise way luminayaan?

Marka la fiiriyo muuqaalka Social Media-ga Soomaalida, waxaa muuqata is-barbardhig xanuun leh.

Dhinac waxaa jira dhalinyaro tiro yar oo waqtigooda ku bixiya barasho, cilmi, ganacsi, iyo hal-abuur. Dhinaca kalena waxaa jira tiro aad u badan oo ku mashquulsan muran, cay, sumcad-dil, iyo madadaalo aan xad lahayn. Labadan kooxood waxay ka tarjumayaan laba mustaqbal oo kala duwan: mid ifaya iyo mid mugdi ah.

Social Media waa muraayad ka tarjumaysa maskaxda bulshada. Haddii waxa laga dhex arko ay yihiin buuq, dhaqan-xumo, iyo wax aan macno lahayn, waxay muujinayaan heerka fikir ee bulshada. Haddii laga dhex arko aqoon, dood cilmiyeed, iyo hal-abuur, waxay muujinayaan bulsho nool oo horumar ku socota. Sidaas darteed, dhibaatadu ma aha aaladda, ee waa hab-fikirka isticmaala aaladda.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaannay geesinimo, adkaysi, iyo hal-abuur. Laakiin maanta, geesinimadii waxay u beddelantay hadal badan, adkaysigii wuxuu u beddelmay dulqaad la’aan, hal-abuurkiina wuxuu ku dhex dhumay ku dayasho iyo ku mashquul wax aan waxba soo kordhin.

Qofka dhalinyarada ah ee maanta ku lumiya saacadaha noloshiisa wax aan faa’iido lahayn, berrito wuxuu noqon karaa qof ka cabanaya fursado uu seegay.

Taariikhdu waxay ina baraysaa in ummad kastaa ay ku kacdo ama ku dhacdo sida ay dhalinyaradeedu u fikirto. Haddii dhalinyaradu noqdaan kuwo aragti leh, ummaddu way kartaa. Haddii ay noqdaan kuwo ku mashquulsan waxan Macno-laheyn iyo dhaqanxumo , ummaddu way daciiftaa.

Sidaas darteed, Social Media maanta waa imtixaan lagu cabbirayo jihada ay dhalinyarada Soomaaliyeed u socoto.

Ugu dambayn, dhalinyarada Soomaaliyeed waa inay isweydiiyaan su’aal ka weyn madadaalo iyo cay iyo dhaqan-xumo:
“Anigu maxaan ku kordhinayaa naftayda, bulshada, iyo mustaqbalka?”

Haddii su’aashaas laga jawaabo si dhab ah, Social Media waxay noqon kartaa goob lagu dhiso mustaqbal, halkii ay ka ahaan lahayd meel lagu burburiyo riyooyinka.

W/Q Abdifatah Hassan

Address

Lambar 4
Nairoba

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Youth Peace Club SYPC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somali Youth Peace Club SYPC:

Shortcuts

Share