20/10/2025
Maanta oo ay taariikhdu tahay 17 Oktoobar 2025, waxaa safaaradda Soomaaliya ee magaalada Roma noogu Timid kulan wadahadal ah Guddoomiyaha ururka Somaliyey Toosa ODV, Marwo Maryan Ruun Hassan, oo ka timid magaalada Forlì ee gobolka Emilia Romagna.
Intii lagu guda jiray kulanka, Marwo Maryan Ruun waxay safaaradda la wadaagtay
dhibaatooyin dhowr ah oo ay la kulmaan ama eey ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Talyaaniga, kuwaas oo ay si qoto dheer uga
warbixisay Sida:
• Wiil Soomaaliyeed oo si halis ah ugu dhaawacmay goobtii uu ka shaqeynayay, kaas oo muddo ka badan labo toddobaadna isbitaal ku jiro, nasiib wanagna uu u yimid walalkiis oo wadamadan yurub mid mid ka mid ku nool, Marwo Maryan waxay sheegtay in ay ayadana si dhow ula socoto xaaladdiisa garab istaagna diyaar ula tahay.
• Dhalinyaro badan oo sharci haysta, shaqeysta, haddana la kulmaya caqabado dhanka kirada guryaha ah, iyadoo loogu diidayo kirada sababo la xiriira in ay yihiin ajaanib. Marwo Maryan waxay sheegtay in arrintan ay daba socoto iyadoo la kaashaneysa maamulka degmooyinka ay dhalinyaradaasi ku nool yihiin, rajana ka qabto in xal laga gaari doono.
• Dhalinyaro qaba xanuunada dhimirka oo isbitaallo ku jira, kuwaas oo ay si gaar ah ula socoto xaaladahooda.
• Dhalinyaro xabsiyada ku jira iyo kuwo ka niyad jabay sii joogitaanka Dalka Talyaaniga, sababo ku qabsaday daraadood oo naga codsanaya in dib loogu celiyo Dalkooda Soomaaliya.
• Muwaadiniin sugaya passaboorada eey ka codsadeen safaradda, kuwaas oo ka cabanaya waqtiga dheer ee sugitaanka.
• Waxay intaas sii raacjsay ineey jiraan dhibaatooyin guud oo cabasho ah oo nooga timaada dhanka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka yimaada gobollada fog fog ee Talyaaniga, kana cabanaya in mararka qaar eey dhacdo inuu waqtiga ka dhamaado, oo eey Qasab ku noqoto ineey raadsadan Hotel ama meel eey seexdaan habeenkaas, kuwaas oo u safra safaaradda oo ku taalo Roma si ay u helaan adeegyo rasmi ah sida: waraaqaha dhalashada, guurka, furriinka, iwm.
Intaa kadib, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Eng. Ibrahim Omar Shegow, iyo la-taliyeyaasha safaaradda Khalid Macow iyo Ahmed Hassan, oo goobta kulanka joogay, waxay u mahadceliyeen Marwo Maryan Ruun Hassan sida sharafta leh ee ay u soo bandhigtay dhibaatooyinka ka jira gobollada qaar ee dalka Talyaaniga.
Safaaradda waxay ballan qaaday in ay garab istaagi doonto muwaadin kasta oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu ku sugan yahay, si loo fududeeyo arrimaha dukumentiyada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, sida barnaamijyada "Go Home”ka iyo kuwa la midka ah.
Kulankaasina sidaas ayuu kusoo dhammaaday.