06/01/2024
Asalaama caleykum dhamaan Soomaaliweyn 04/01/2024
Warqad furan oo ku socota ummadda Soomaaliyeed Madaxda iyo shacabkaba.
Waxan ahay muwaadin soomaali ah waxanna ahay qariib ama qurba-joog. Waxa laga yaabaa in dadka soomaaliyeed qaarkood qurbaha u jeel qabaan ama ay moodayaan in qurba joogtu ay ka nolol roon yihiin dadka jooga dalka gudihiisa lkn xaqiiqadu sidaa wey ka duwan tahay.
Xaqiiqadu waxay tahay in ay sax tahay dal aan dalkaaga ahayni waa dareen ku joog. Qurbuhu waa dareen ku joog. Lkn danta ayaa na bidday waadna ogtihiin oo dadka gudaha jooga ayaaba damac uga jiraa in ay ka baxaan oo ay qurbaha u shaqo tagaan ama ay nolol ka raadiyaan dhaanta nolosha dalka gudihiisa.
Anigu soomaaliya waxaan ka baxay 1981 illaa iyo maanta oo aad taariikhda kore ka aragtaanna waxan ku noolahay qurbaha intaas oo dhan waxaan u ciil qabey in aan dib u d**o Soomaaliya lkn iima suurto gelin wax kalena ma aha ee waa amni darro kaliya! Dadka qaar baa moodaya in amniga la helo markii aan dagaal jirin lkn xaqiiqadu taa wey ka fogtahay. Amni waxaa la dhahaa markii aad ka nabad gasho Gaajo,cudurro,aqoondarro,biyo la,aan,musuqmaasuq,jirdil,magacdil,xorriyad la,aanta diintaada,xorriyatul-qowlka iyo wlm.
Wadamadii aan ku soo noolaa waxaa ka mid ahaa dalka Saudi-Arabia oo ay joogaan shacab muslim ah oo aad u wanaagsan sharaf iyo walaaltinimona leh lkn ay xukumto dowlad aad iyo aad muslimiinta u neceb oo aad mar mar isleedahay askartoodu show shacabkaani ma dhalin ee meel kale ayaa laga keenay. Waxay kuula dhaqmayaan si aad u qaabdaran waxan xasuustaa in askeri joogey albaabka jawaasaadka (magareeshinka) magaalada Jeddah inuu igu yiri istaag waan istaagey ka noqo meesha aad taagantahay taagan tahay oo ha soo dhaafin haddii kale waxaan kugu ridayaa haanta qashinka! Qof bani aadam ah in kelmeddaas la dhoho waa wax aad u xun.
Hadda waxaan ku noolahay dalka Talyaaniga waxaan kale oo aan muddo dheer ku noolaa dalka Norway meelo badan oo yurub ahna waan tegey lkn weli ma arkin meel aan murtaax nafsiyan ku noqonkaro oo aan dalkeyga ahayn sababtu waa maxay si kasta oo laguu soo dhoweeyo oo laguu sasabo waxaa jira tabasho aan dhamaan karin oo ay naftu dareemeyso inta aad nooshahay.
Midabka iyo luuqadda kaliya ma aha meelaha ku dareensiinaaya in aad qariib tahay. Haddii aad masjid gasho marka aad sii geleysid iyo marka aad ka soo baxaysidba dadka dalkaa iska lihi waxay kuu muujinayaan nacayb weyjigooda ka muuqda ayakoon xitaa kula hadlin. Haddii aad shaqeyneysid waxaad dareemeysaa in adan la mid ahayn inta aad isku shaqada tihiin waayo ma sameynayaan istishaaro iyo la tashi iyo in ay kuu aqoonsadaan qof ayaka la mid ah. Mar haddii aad tahay ajnabi oo adan ahayn ina adeerkood (ibn-Camahum) marwalba waa lagu dareensiinayaa in aadan la mid ahayn.
Ujeedadeydu waxay tahay waa in shacabka soomaaliyeed ku qancaan dalkooda oo ay ku mintidaan kuna fara adeygaan dhulkooda. Horey waan u qori jirey in shacabka Soomaaliyeed la aaminsiiyey in ay dalkooda ka qaxaan mooyaane in aysan nolol ku heli karin dalka gudihiisa. Waxan kaloo qori jirey in dagaallada sokeeye ay yihiin mumanhaj(wax qorshaysan) abaabulan oo looga golleeyahay in shacabku qaxo.ujeedada ka dambeysaana ay tahay in shacabka soomaaliyeed loo sahlo qaxootinimada si ay uga yaraadaan dalka oo cudud iyo caqliba la kala yareeyo si ay Ethiopia u hesho fursad ay ku soo gasho kuna qabsato dalka soomaaliya. Waxaana xujo laga dhigayaa dalku waa cidlo inta joogtaana cilmi iyo cudud ay wax kula soo baxaan ma laha ee shacabkaas tirada badan oo aan haysan bad ay kalluun iyo arsaaqad kala soobxaan lahayn hala siiyo.
Waxaa hubaal ah in ay Ethiopia geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay soomaaliya ku qabsan lahayd. Waxaa cadeyn kara ama xaqiijin kara rabitaanka Ethiopia sida ay u abuurtay falsafado hirgelin kara rabitaankeeda oo uu ka mid yahay cunitaanka (Jaadka) iyo falsafadda Africanism ka,Carabta oo la necbaado, shaydaaneynta wadaada, si loo badiyo fisqiga iyo tumashada, iyo wlm.
Haddii dib loo aqriyo dhaqdhaqaaqyadii soomaaliya soo maray inta la ogyahay taariikhda waxaa la sheegaa in ay soo jireen tahay cadaawadda soomaaliya iyo Ethiopia lkn Ethiopia weyba inkirsan tahay in uu jiro dal Soomaaliya la dhoho ee waxaa jira sida ay sheegaan qowmiyad soomaali la dhoho oo ka mid ah dalka ethiopia. Falsafadaas ayey shacabkooda bareen oo ay ka dhaadhiciyeen. Haddii aad wey diisid oo aad tiraahdo sidey ku heleen soomaalidu calanka iyo aqoonsiga caalamiga ah waxay dhahayaan Carabta ayaa caalamka ka dhaadhicisay in la aqoonsado soomaaliya dal ahaan ee waxay ahaayeen jabhad fallaago ah!
Dhaliyarta soomaaliyeed ee afartan jirka ka yar waxaaba ay aamineen in aaney soomaaliya carab ahayn sidaas darteed dowlad nimadii soomaaliya waxay noqotay hashii laba midigle dheelmay dhanna uma fayooba!Waa carabnimada diid kuna eedeysnaaw! Waxa kale oo jira Adgenda caalami ah oo muujinaaya in si loo hubiyo ka faa,iideysiga khasnadda dihin ee soomaaliya (minerals) iyo malayga soomaaliya loona hubiyo in ay ku jiraan gacan amiin u ah cidda dooneysa ka faa,iideysiga khayraatkaas waa in Somaaliya lagu daro Ethiopia sidaasna ay ku hirgasho riyadii Ethiopia ee boqolaalka sano soo jiitameysey!
Ma dhici kartaa in Soomaaliya laga saaro khariidadda adduunka? Haa wey dhici kartaa haddaad isticmaashid indho siyaasi aadna leedahay faham iyo waaya aragnimo waxaa dhici karta in khariiddada adduunka laga tirtiro magaca soomaaliya lkn qowmiyadda soomaaliyeed alle mooyaane cidkale oo tiritiri kartaayi ma jirto! Lkn magaca Jamhuuriyadda soomaaliya awelba dadbaa qoray in dad masaxaana waa suurta gal. Dhegeyso waxa ka socda Falastiin faham maxaa dhici kara haddii Xamaas ka adkaato yuhuudda? Waxaa dhacaysa in ay yuhuuddu ka guurto bariga dhexe waayo abaal uma yaallow ay kula noolaato carabta! haddii yuhuuddu ka guurto bariga dhexena nabad iyo degganaan waarta ayaa ka dhacaysa lkn yuhuuddu guuri meyso haddii Xabasho Saylac soo degto waayo waa muhiim istiraatiji ah oo dagaalkaas khuseeya.
Maxaa ku waajib ah marka Yuhuud iyo Mareykan si ay yuhuuddu u sii joogto bariga dhexe? Waa in xamaas laga adkaado wax kasta oo suurto gelinaaya taas ayaana la sameynayaa haddii ay kalifeyso in magaca soomaaliya khariiddada caalamka laga masaxo waa la sameynayaa shakina ma leh taasi lkn si aan waqti badan loo lumin ayaa ciidan deg deg ah oo Saylac soo dega loogu baahan yahay si ciidankaas loo helo waa in Ethiopia rabitaankeeda loo yeelo oo ah in ay soomaaliya qaadato.
Xuuthiyiintu waxay ciriiri geliyeen Baab-al mandab waxayna taasi dhabar jab ku tahay jiritaanka rajada yuhuudda oo ah in ay Xamaas ka guuleysato. Taxaalufaad badan baa loo baahday waxaana muhiim noqotay in laga faa,iideysto cududda ciidan ee Ethiopia oo aan ka fogeyn baab-almandab markii codsiga loo dirayna Ethiopia waxay miisaanka saaratay warqadihii cuslaa ee u yiiley oo laga yaabo in dhowr jeer oo h**e lagu soo celiyey. Taas ayaa keentay in Shir lagu qabto Djibouti kadibna Muuse loo diro Adis-Ababa si loo hirgeliyo rabitaanka Ethiopia sidaas ayuuna saxiixu ku dhacay.
Carabta iyo Muslimiinta maxaa kala gudboon arrinkan? Waxay ila tahay in ay meel xasaasi ah mareyso qadiyadda Muslimiintu! 1,7 Billion muslim ah ayaa waxay marayaan marxalad xasaasi ah oo laba mid dooro ah. u dhimo oo difaac Masjid-Al-aqsaa ama ka tanaasul oo beeni diinta Islaamka oo dheh waajib ma aha jihaadka ay Xamaas ku jirto iyo Duufaan-al-aqsaa! Waxaa intaas kuu raacaysa in yuhuuddu haddii ay ka adkaato Xamaas aysan ku ekaanayn Falastiin ee talaabada ku xigta waxa ay dalbanayaan ceelkii bi,ir al-rumaax ee uu Cusmaan Bin Cafaan u iibiyey mu,uminiinta oo weli shaqeeya lagana quudiyo agoon farabadan oo muslimiin ah meel kasta oo adduunka muslim degan yahayna lacag ku magacaaban Cusmaan Bin Cafaan radiyallaahu canhu ayaa gaarta bil kasta. Yuhuuddu haddii ay Madinah-Al-Munawarah tagto ma jirayaan wax kale oo muslimku ku tashanaayo ama qadiyad kale oo ay muslimiintu difaaci lahaayeeni ma jirto..
Anigu marka aan ka hadlaayo arrimaha bariga dhexe ujeedadeydu waxa waaye in aan soomaalida u helo waalaalo badan oo muslim ah oo aan isku qadiyad nahay oo aan isku cadow nahay oo aan la saaxiibi karno. Badda-Cas iyo gacanka carbeed yuhuuddu haddii ay gacanta ku dhigto maamulkeeda qof muslim ah oo Xaj ama cimro u socda oo aan bixin doonin (Jisyah) ma jiri doono! Daliilka waxaa kuu haya ganacsatada Containers ku uga soo degi jireen Dubai ka 2002 iyo kadib isbedelka dhacay iyo lacagta lagu kordhiyey oo la yriri waxaa iska leh ciidanka mareykanka oo ilaaliya badda-cas iyo gacanka Cadmeed si looga ilaaliyo argagixisada(islamist)Adigaa lagu dilayaa qarashkana adigaa bixinaaya!
Magac cusub baa soo bixi doona haddii Xamaas laga adkaado waxana xamaas kadib si sahlan lagu bur burin doonaa Xisbullaah kadibna waxaa loo soo laaban doonaa urdun si xadka woqooyi ee sucuudiga looga soo galo. Caqabah oo urdun ah iyo Tabuk oo sucuudi ah waa isi saaran yihiin maxaaba kaa xiga madiinah-almunawarah waa Alwajh iyo Khaybar. Soomaaliyeey Xasuusnow in aad tahay xubin muhiim ah oo ay muslimiintu ku tashadaan ayna filayaan in aan meel soomaali joogo diinta islaamka lagula xadgudbi karin. Taladeydu waa in la difaaco dhulka soomaaliya waxanna u arkaa anigu in ay cibaado tahay difaacidda ciidda soomaaliya waayo waxannu nahay muslimiin waxanna nahay gaashaan difaacaya Qabriga Nabi Maxammed (SCW)
In Saylac Xabashidu qabsato waxay la mid tahay in aan soomaaliya waxba u tari karin difaaca diinta islaamka iyo muslimiintaba waxay la mid tahay in saylac xabashidu degto in aan soomaaliya rajo dambe ka yeelan karin in dowlad soomaaliyeed sii jirto! Waxay la mid tahay in uu hirgalay hammigii Ethiopia iyo codsigeedii 1884 ee Barlin. Waxay la mid tahay in qofka soomaaliga ah ee dalkii uu ku dhashay ee uu u dhashay joogaahi uu ku noolaan doono cagaha xabashida hoostooda wuxuuna qofku dareemi doonaa waxa aan dareen sanahay hadda anigoon weliba cid wax muuqda i yeeleysaa aysan jirin. haddii aan bas raaco in kursiga banaan ee qof caddaan ahi fadhiyo uu boorsadiisa saaro markuu arko in aan u soo socdo si aan u fariisto si uu iigu diido isagoon ila hadlin ayuu wax uu gacanta ku haystey saarayaa oo wuxuu i tusayaa in uusan rabin in aan aktiisa fariisto. Sharciga ay ayaku sameysteen ayaa ii ogol lkn qofku ima ogola. Taas oo kale ayaa dhici doonta haddii ay Xabasho Saylac soo degto ee aan is difaacno inta ay goori goor tahay.
Qoraalkan waxaa qoray aniga oo ah C/qaadir Cali Yarow
Qurba joog ah in ka badan 40 sano lana soo shaqeeyey Carab iyo Cajam intaba muslim iyo gaal intaba caddaan iyo madow intaba. Waxan ku hadli karaa luuqado dhowr ah oo aan si fiican u fahmikaro una fahamsiin karo qaarna shahaadooyin baan u haystaa qaarna uma haysto lkn si waafi ah ayaan u aqaan aqoon igu filanna waan leeyahay. Sababta aan u soo qorayo waxaan oo hadal ahina waa in aan aad uga murugoodey warka ka soo yeeray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.
Mahadsanidiin.