04/08/2026
OGAYSIIS
Dhamaan Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Hindiya, waxaa la idin ogeysiinayaa in la gaaray waqtigii la qaban lahaa Xafladda Qalin-jabinta Ardayda Soomaaliyeed ee Sanadkan.
Xafladdan oo ah mid sanad walba ay soo qabanqaabiyaan Ururka Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee SURAD, ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu maamuuso ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay dhammeystirka waxbarashadooda.
Sanadkan, xafladdu waxay yeelan doontaa muhiimad gaar ah, iyadoo ay kasoo qayb geli doonaan masuuliyiin ka socota Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Hindiya, marti sharaf, madax ka socota hay'adaha waxbarashada, iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed.
Sidaa darteed, dhammaan ardayda qalin-jabisay waxaa lagu wargelinayaa inay is-diiwaangeliyaan si ay uga mid noqdaan ka qaybgalayaasha xafladda.
F.G: Ardayda ku sugan gobollada kala duwan ee dalka Hindiya waxay iska diiwaangelin karaan hab online ah.
Wixii faahfaahin dheeraad ah iyo is-diiwaangelin ah kala xiriira Guddiga Qabanqaabada:
Waad ku mahadsan tihiin wada shaqeyntiinna.