21/03/2023
Horumarinta waayo-aragnimada dhalinyarta ka soo jeeda Bariga Africa siddii ay ula dhaqan-geli lahaayeen Boqortaayada Midowday ee UK, dhinaca jinsiga, u hanuunsanaanta galmada iyo baraarujinta xidhiidhada iyo xasaasiyada dhaqamada.
Tartanka Qorida Sheekooyinka
Waxa Abaabulay PENHA waxaana taageertay Hay’ada Bakhtiyaanasiibka Qaranke ee Boqortooyada Midowdey UK.
Luqadaha: Amxaariga, Carabiga , Oramada, Ingiriisga, Soomaali, Tigranya Iyo Luqudaha kale ee Geeska Afrika.
Sheekooyinka qabashadoodu waxa ugu dambaysaa: 30.04.2023
https://www.penhanetwork.org/news/call-for-story-competition-improving-the-experience-of-young-east-african-migrants-integration-in-the-uk-through-gender-sexual-orientation-and-relationships-awareness-and-cultural-sensitivity/
Soo galootiga Bariga Afrika, badanka Qaxootiga ka soo jeeda Geeska Afrika, waxa imaatinkooda Boqortooyada midowday UK, la soo darista caqabado dhaqan-dhaqaale, luqada oo ku adag, kala duwanaansha dhaqan iyo iyaga oo aan fahansanayn qawaaniinta UK, Qaar badan oo ka mida waxa la soo darista dhibaatooyin culculus, kuwaas oo oo ey ka mid yihiin in ey noqdaan dhibanayaal tacadiyo galmo ama lagu eedeeyo in ey sameeyeen fal-dambiyeed galmo. Haddii dambi lagu helo, iyada oo ku xidhan nooca fal-dambiyeed ee lagu soo oogay, waxa suurtagala ah in lagu xukumo xabsi dheer. Waxa kale oo Iyana suurtagala in magacooda lagu daro diiwaan-gelinta dambiilayaasha galmada, taas oo saameyn ku yeelanaysa nolashooda iyo sumcadoodaba. Anaga oo tix-raacayna caqabadaha noocaasa iyo dhibaatooyinkaas, ujeedadayadu waxa weeye in aan soo saarno sideed sheeko oo la xidhiidha tacadiyo galmo, da’da sharciga isla-ogalida galmo iyo faraqa u dhexeeya in la fahmo xidhiidhada galmo, galmo iyo jinsiga ee u dhaxaysa wadamada ey ka soo jeedaan soo galaytiyadu iyo kan wadankan UK.
Tartankan waxa loogu talo galay dhalinyarta degan UK, ee xiisaynaya in kor loo qaado baraarujinta xasaasiyada dhaqamada si wax ugu kordhiso Wax ka dambeeya maareynta filan waaga: Taageerida dhexgal ee Qaxootiga Mashrruca Kent.
Dhalinyartu waxay haystaan fursado si ey mustaqbal wanaagsan u dhistaan, markaa Tartankani wax loogu talo galay in uu siiyo fursadaha iyo saaxada ku fahmi lahaayeen waayo-aragnimadooda shakhsi ee dhinaca jinsiga, xidhiidhada galmood, caawina lahayd in ey kor u qaadaan baraarauinta dhaqan iyo xasaasiyada bulshooyinkooda. Hawshani waxay siinaysaa fursdo gudbin oo xidhiidh qoraal oo shookiyinkooda iyo sheekooyin kaleba, kuwaas oo jawaab u noqon lahaa kala duwanaanshaha dhaqan iyaga oo kor u qaadi lahaa baraarujinta dhinacyada jinsiga iyo xidhiidhada galmood, kana horjoogsan lahayd in ey galaan fal-dambiyeedo, maareyn lahaana caqabadaha caadifadaku dhisan ee la soo darisa, dhiirina-gelin lahayd in ey doontaan talo sharci markay u baahdaan.
Sharciga iyo tilmaamaha Tartanka
• Cida loo ogal yahay: Tartankan waxa u faran yahay dhalinta soo galaytiga ee ka soo jeeda Bariga Afrika, Da’adoodu u dhexayso 16 ilaa 25 jir. Qoraagu da’diisu tahay ta kor lagu xusay; haseyeeshee taageerayaasha la shaqeeya dhalintaa wey soo gudbin karaan sheekooyinkooda ama waayo-aragnimadooda iyaga oo iyaga wakil ka ah.
• Tuducu: waa in uu xidhiidh la yeeshaa mawduuca kor ku xusan:
• Nuxurada kuu bannaan:
Waxbarashada Galmada, Tacadiga Galmada, Da’da isla-ogalka galmada, Fahamka guud ee jinsiga, u hanuunsanaata galmo iyo xidhiidhadada, kala duwanaanshaha dhaqanka, galmada iyo xaasaasiyadeeda. Sheekooyinkoodu waxay noqon karaan kuwo la xidhiidha socdoolkoodii dalkan UK, ama markay soo gaadheen UK.
• Balaca: 1 ilaa 2 –bog (1000 eray ugu badnaan). Cinwaanku kuma jiro erayada la tirinayo.
• Wixii 2 bog ka badan guddudida dib-u –eegistu tixgelinmayso. Sheekadu waa in ey koobnaataa kuna xadidi naataa tuducyada kor ku xusan.
• Qaabka Loo gudbinayo: Sheekadu waxa lagu gudbin karaa Ingiriisi, Amxaari, , Carabi, Orama, Tigrinya, Soomaali iyo luqadaha kale ee lagaga hadlo Geeska Afrika.
• Qabashada ugu dambaysa: Sheekooyinka oo dhami waa in la helaa saqda-dhexe ee 30 Abril 2023.
• Sheekooyinka la soo xulo waxa lagu daabacayaa iyaga oo dhijital boog-yare ah bisha May 2023.
• Sheekooyinka ugu wacani waxa lagu helaayaa abaalmarino iyo garwaaqsi. Sheekaada guuleysata waxa lagu abaalsiinayaa 100 Giniga ama lacagta ingiriiska. Guulaystayaasha waxa natiijada loogu soo gudbinaayaa email.
• Sheekooyinka dib loo soo celinmaayo, markaa fadlan nuqul reebo. Sheekooyinkana lama bedeli karo marka la qoro.
• Qorista waxa la ogol yahay kuwa UK.
• Xuquuqda qoraha: Qoraagu isagaa xaqle sheekadiisa ah (Sheekada gaaban ama hal-abuur khayaala ah ba ha ahaatee)
• Looma baahna lacag lagu galayo.
(PENHA Migration &Development Programme) Hay’ada PENHA ,dhalinta, barnaamijka horumarinta
Sanduuqa Bulshada
• Wixii Suaale ah ama soo gudbinta sheekooyinka la xidhiidh
Bereket (PENHA): [email protected]
https://www.penhanetwork.org/wp-content/uploads/2023/03/Somali_Story-Competition-2023.pdf
Story Writing Competition Organised by PENHA and Supported by the UK National Lottery Languages: Amharic, Arabic, Afan Oromo, English, Somali, Tigrigna and other languages of the Horn of Africa Submission deadline: 30.04.2023 To download the call in other languages: Afan Oromo, Amharic, Arabic, Engl...