Cagaar TV

Cagaar TV 🌍 Latest World News
🩺 Health & Awareness
📚 Education & Information
💚 Cagaar TV.

xabibi birta iska eeg .       marwadu  hadaanay sidaas ahayn hakaa maqnaato
08/08/2026

xabibi birta iska eeg . marwadu hadaanay sidaas ahayn hakaa maqnaato

Puntland Ayaa digniin u dirtay maamulka waqooyi bari   kadib markii  xunbo PSF ahi baxsad ku galeen waqooyi  bari      p...
06/08/2026

Puntland Ayaa digniin u dirtay maamulka waqooyi bari kadib markii xunbo PSF ahi baxsad ku galeen waqooyi bari puntland ayaa sheegtay inay la xisaabtamayo. xubnaha baxsadka ah iyo cid kasta oo gabaad siisaba

Puntland Waa dowlad 28 sano jirsatay.oo leh Ciidan adag iyo Shacab MidaysanIn xamar laga soo diro Ciidan deegankoodii As...
05/08/2026

Puntland Waa dowlad 28 sano jirsatay.oo leh Ciidan adag iyo Shacab Midaysan

In xamar laga soo diro Ciidan deegankoodii Ass ka dhacsan kari waayay sow taas saaka Gaalkacyo ka dhacday oo kale uun ka dhici mayso

qolada Koonfurta Somalia waxaan odhan lahaa inta aydaan deegano nabad ah ku duulin bal horta deegaankiina Ass ka dhacdsada

caqligu ha shaqeeyo

Xogta Dagaalka Dhinaca Xuduudka Suudaan iyo ItoobiyaDagaal ayaa saaka ka billowday xuduudka Itoobiya iyo Suudaan, gaar a...
01/08/2026

Xogta Dagaalka Dhinaca Xuduudka Suudaan iyo Itoobiya

Dagaal ayaa saaka ka billowday xuduudka Itoobiya iyo Suudaan, gaar ahaan aagga Lugdi. Sida xogta lagu sheegay, dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada Milatariga Itoobiya ay qabteen afar askari oo ka tirsan ciidamada Suudaan oo la sheegay inay xadka soo gudbeen, kadibna halkaas uu ka bilowday isku dhac u dhexeeyay ciidamada labada dal.

Dagaalka ayaa isu beddelay mid culus oo la isku adeegsaday hubka culus, iyadoo uu socdo ilaa hada.

Dhanka kale, dagaalka ka socda Galbeedka Tigray ayaa ku fiday aagag kale, iyadoo ciidamada Dowladda Itoobiya ay ballaariyeen howlgallada.

War Deg Deg ah    kadib  Sanado hub urursi iyo Hanjabaado ah Oo u dhaxeeyey Ethiopia iyo TPLF  tigry Saaka Aroor H**e ay...
01/08/2026

War Deg Deg ah kadib Sanado hub urursi iyo Hanjabaado ah Oo u dhaxeeyey Ethiopia iyo TPLF tigry

Saaka Aroor H**e ayaa la is haleeley
Galbeedka Tigry Aaga shiraaro ayuu ka socdaa dagaalka uugu culus oo la maqlayo noocyada hubka ee la isku ridayo

Dowlada Dhexe ee ethiopia ayaa isticmaalaysa Diyaaradaha dagaalka oo noocyo kala duwan ah

dagaalkan wuxuu noqon doona mid ka duwan kuwii h**e oo dhan qola kastaana waxay rabtaa inay qolada kale meesha ka saarto

intaas waxaa sii dheer dagaalku waa mid ay kala taageerayaan dowaldo shisheeye

TPLF waxay taagaraya sudan masar iyo Erelariya

dowlada dhexena waxaa taageeraya imaaraadka carabta turki iyo dalal reer galbeed ah

xaalku.waa adagyay waqooyiga ethiopia

wixii soo kordha isha ku hay halkan

Cagaar TV

30/07/2026

Guuto Dhan Oo ciidanka Israiil ah kana cadhaysan dagaalada joogtada ah ayaa hubkoodii.daadiyay kana cararay xeradii ay ku jireen

DAWLADNIMO MISE KAWAANKII DANYARTALaba qoys oo danyar ah, oo kala deggan Hargeysa iyo Jigjiga, mid kastana dakhliga bish...
24/07/2026

DAWLADNIMO MISE KAWAANKII DANYARTA

Laba qoys oo danyar ah, oo kala deggan Hargeysa iyo Jigjiga, mid kastana dakhliga bishii soo galaa uu yahay $150, haddii qof ka xanuunsado oo ay u baahdaan in baadhitaan loo sameeyo, siduu u kala duwan yahay culayska maaliyadeed ee ku dhacayaa?

Bal aynu eegno haddii labadaas bukaan mid kasta X-Ray iyo Ultrasound la saaro.

BUKAANKA HARGEYSA

(50/150)*30 = 10 maalmood.

BUKAANKA JIGJIGA

(1.35/150)*30 = 0.27 maalmood ≈ 6.5 saac.

Bukaanka reer Hargeysa, wuxu hurayaa 10 maalmood dakhligii uu ku noolaan lahaa si loo saaro Sawir X-ray ah iyo mid Ultrasound ah, halka ka reer JIGJIGA aanay xataa ka baxayn hal maalin oo qudha dakhligeedii.

Qofka Miyiga Sanaag ka yimi, imisa neef buu u baahan yahay inu xeradiisa ka iibiyo, si Burco ama Hargeysa MRI loogu saaro?

La soco…..

ABWAAN weedhsane

DEG DEG XAALADA TURKEY IYO ISRAIL OO DAGAAL KU DHOWMadaxwaynaha Dalka Turkey Erdogan  oo u hanjabaya Israil ayaa yidhi  ...
10/06/2026

DEG DEG XAALADA TURKEY IYO ISRAIL OO DAGAAL KU DHOW

Madaxwaynaha Dalka Turkey Erdogan oo u hanjabaya Israil ayaa yidhi Amaarka qaranka Turkey wuxuu ka bilaabmaa dimishiq Syria iyo beirut lubnaan hadii Israil ay joojin waydo dagaalka ay ku hayso 2 daas dal turkey wuxuu ku qasbanyay inuu jawaab bixiyo

FG turkey wuxuu dareemay in marka lasoo dhaafo Syria iyo lubnaan meesha loo .socdaa ay tahay isaga

Cagaar TV

DAGAALKA SIRDOONKA: Wejiga Cusub ee Loolanka Muqdisho iyo Hargeysa?Dagaalka dhanka sirdoonka iyo xog-ururinta ee u dhexe...
08/06/2026

DAGAALKA SIRDOONKA: Wejiga Cusub ee Loolanka Muqdisho iyo Hargeysa?

Dagaalka dhanka sirdoonka iyo xog-ururinta ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Somaliland wuxuu hadda galay heerar aad u xasaasi ah. Isbaheysiyada cusub ee gobolka iyo xiriirka caalamiga ah ee soo kordhay ayaa loolankan ka dhigay mid ka gudbay gudaha, una gudbay sirdoonka caalamiga ah.

Haddaba, sidee u shaqeeyaan afarta dhidib ee ugu waaweyn ee dagaalka sirdoonka hadda?

Sirdoonka Somaliland iyo Garabka Casriga ah ee Tel Aviv

Ka dib xiriirka iyo iskaashiga cusub, hay'adaha ammaanka ee Somaliland waxay iskaashi dhanka sirdoonka iyo farsamada ah la yeesheen saaxiibo caalami ah, oo ay ku jirto Israa'iil (Mossad).

Faa'iidada Hargeysa: Waxay helayaan qalabka casriga ah ee dhegeysiga, raadraaca internet-ka (Surveillance), iyo xog-ururinta dayax-gacmeedka.

Hadafka: In lala socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, gaar ahaan awoodaha reer Carbeed iyo saamaynta Iiraan ee gobolka.

2️⃣ NISA iyo Isbaheysiga Sirdoonka ee Qaahira

Dhanka kale, Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) waxay xiriir qoto dheer oo dhanka wadaagista xogta ah la yeelatay Sirdoonka Guud ee Masar (GIS).

Qorshaha Counter-Intelligence: NISA waxay kordhisay daba-galka shaqsiyaadka, ganacsiyada, iyo xawaaladaha xogta ama dhaqaalaha u kala gudbiya Muqdisho iyo Hargeysa.

Hadafka: Masar waxay DFS ka caawisaa tababarada sirdoonka heerka sare ah si looga hortago in saamaynta dibadda ee ka dhalatay aqoonsigii Somaliland ay usoo gudubto koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka Maanka iyo Internet-ka (Cyber & Psychological Warfare)

Maadaama labada dhinac aysan si toos ah u wajihi karin dagaal military oo fool-ka-fool ah, sirdoonka labada dhinac waxay hadda isticmaalaan dagaal dhanka tiknoolajiyada ah:

Dhinaca DFS: Waxay adeegsataa sirdoonka dhanka isgaarsiinta si ay u go'doomiso adeegyada caalamiga ah ee Somaliland rabto inay si madax-bannaan u maamusho (sida lambarada dalka, maamulka hawada, iyo isgaarsiinta baasaboorka).

Dhinaca Somaliland: Waxay adeegsataa sirdoonkeeda si ay u muujiso in gobollada bariga (Sool iyo Sanaag) ay dowladda Muqdisho ka waddo khalkhal-gelin, iyadoo xogtaas la wadaagta reer Galbeedka si DFS loogu muujiyo mid xasillooni-darro wadata.

Ilaalinta Xogta "Gudaha iyo Dibadda"

Xakamaynta Amniga ee Muqdisho: NISA waxay hadda diiradda saaraysaa la socoshada iyo hubinta kalsoonida saraakiisha dowladda ee qoysaskoodu degan yihiin Somaliland, si looga hortago in xogta dowladda loo dusiyo dhanka Hargeysa
Amniga Diblamaasiyiinta Hargeysa: Sirdoonka Somaliland wuxuu si weyn u adkeeyay ilaalinta xogta ajaanibta, diblomaasiyiinta, iyo safaaradaha ka furan Hargeysa si aysan xogtooda u dhex-gasho sirdoonka Masar ama kan Soomaaliya.

Guntii iyo Gabagabadii: Loolanka sirdoonka ee Soomaaliya iyo Somaliland hadda maahan mid qarsoon; wuxuu isu bedelay mid caalami ah oo ay ku lug leeyihiin quwado shisheeye, qof walbana wuxuu isku dayayaa inuu dhanka kale ka helo xogta ugu dambeysa si uu miiska wadahadalka ama difaaca ugu guuleysto.

Aragtidaada Nala Wadaag: Sidee u aragtaa saameynta isbaheysiyadan shisheeye (sida Masar iyo Israa'iil) ku yeelan karaan amniga guud ee dalka iyo xasiloonida dadka Soomaaliyeed? Noo reeb fikirkaaga.

Cagaar TV

WAR DEG DEG AH    Iiran ayaa weerar ku qaaday IsraiilDhawaqa Qaraxyada ayaa laga maqlayaa Magaalooyin kala duwan oo  ISR...
07/06/2026

WAR DEG DEG AH Iiran ayaa weerar ku qaaday Israiil

Dhawaqa Qaraxyada ayaa laga maqlayaa Magaalooyin kala duwan oo ISR--iil ah

Sida Warbaahinta Isr-- iil ay tabisay Duqaymo Culus ayaa ku socda Inta badan magaalooyinka Isr-iil

Sido kale Garoonka Ben Gurion ayaa xidhmay Dadkuna waxay ku yaaceen Goobaha Gabaadka qh

Iraan ayaa dagaalkan kaga jawaabaysa kadib markii maanta Ay isr-iil weerartay magaalada Beirut taasoo Iiraan ay ku sheegtay khad cas oo la gaadhay

Cagaar TV

Address

123 Main Street Ohio

44101

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cagaar TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your organization to be the top-listed non profit organization?

Share