03/12/2024
Admo Foundation waxay ku faraxsan tahay inay taageerto Admo Institute Of Languages & Computer Studies si kor loogu qaado waxbarashada tayada sare leh iyo horumarinta mustaqbalka ardayda. Admo Institute waa halka ay ardaydu ku heli doonaan fursado cusub, agab tayo sare leh, iyo xirfado ay ku dhistaan mustaqbalkooda Insha Allah.
Iskaashigan wuxuu astaan u yahay hal-abuurka wadajirka ah ee lagu taageerayo jiilka soo socda. Admo Foundation iyo Admo Institute waxay si wadajir ah ugu taagan yihiin dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo adeegyada bulshada.
Admo Institute—Hal-abuur Waxbarasho!
Admo Foundation—Tiirka Horumarka!