Galmudug Community of Finland

Galmudug Community of Finland Jaaliyadda Galmudug ee Finland waxay
u taagan tahay u adeegida bulshada reer galmudug ee ku nool dalka iyo dibada.

War Saxaafadeed
04/08/2026

War Saxaafadeed

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee Finland Abdulkarim Karshe ayaa xalay ka qayb galay munaasabadda loogu dabaaldegayay ...
02/08/2026

Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee Finland Abdulkarim Karshe ayaa xalay ka qayb galay munaasabadda loogu dabaaldegayay sannad-guuradii 28-aad ee aasaaska Dowlad Goboleedka Puntland, taas oo ay si heer sare ah u soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Puntland ee Finland, isla markaana ay sanad kasta si joogto ah u qabtaan, iyadoo uu hoggaaminayo Guddoomiye Hanad Boqor.

Jaaliyadda Galmudug ee Finland waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Bulshada reer Puntland ee ku dhaqan Dalka Finland iyo caalamka intiisa kale Munaasabada Sanad guuradii Aasaaskii dowlad goboleedka Puntland, Jaaliyada waxay hoosta ka xariiqaysaa munaasabadaha noocan oo kale ah wuxuu xoojinayaa wadajirka, is-ixtiraamka iyo iskaashiga ka dhexeeya dhammaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Finland.

Hambalyo Puntland 28 sano guul iyo horumar joogto ah. 🇸🇴

Ku Soo Dhawaaw Helsinki, Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure.Farxad iyo sharaf weyn ayay noo tahay inaan magaalada Helsinki...
27/07/2026

Ku Soo Dhawaaw Helsinki, Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure.

Farxad iyo sharaf weyn ayay noo tahay inaan magaalada Helsinki ku soo dhoweyno Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaan kuu rajaynaynaa booqasho guul iyo barwaaqo leh, oo aad kula kulanto bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland, gaar ahaan haldoorka, bahda fanka, iyo guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee aad muddada dheer u adeegtay.

Waxaan si diirran kuugu soo dhoweynaynaa kulanka habeenka Axadda, halkaas oo bulshada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay si kalgacal iyo maamuus leh kuugu soo dhaweeyaan, isla markaana ay ka faa’iidaystaan la kulankaaga iyo waaya-aragnimadaada.

Mar labaad, ku soo dhawaaw Helsinki.

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Helsinki, Finland in berri oo ku beegan Isniin, 27.0...
26/07/2026

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Helsinki, Finland in berri oo ku beegan Isniin, 27.07.2026, uu inoo imaanayo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Abwaan Guure.

Soo dhoweynta martida waxay ka dhici doontaa Vantaa Airport saacadda 18:00 fiidnimo.

Waxaan si xushmad iyo sharaf leh ugu baaqeynaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay ka soo qaybgalaan soo dhoweyntiisa, si aynu ugu muujinno qadarin iyo taageero.

Mahadsanidiin 🙏🏼.

26/07/2026

Waxaa farxad weyn noo ah inaan idinku casuunno dabaal-degga 20-guurada Aasaaska Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay si wadajir ah u qabanayaan Jaaliyadaha Galmudug ee Yurub.

Munaasabaddan waxaa lagu qabanayaa UK, Finland, Belgium, iyo Switzerland, iyadoo ay ka soo qeyb geli doonaan bulshada Soomaaliyeed iyo marti sharaf kala duwan.

Kaalaya aan si wadajir ah ugu dabaaldegno 20 sano oo ay Galmudug ku tallaabsanaysay midnimo, wadajir iyo horumar.

Jaaliyadda Galmudug ee Finland (Suomen Galmudug Verkosto ry) waxay si sharaf iyo farxad leh ugu casuumaysaa dhammaan bul...
09/07/2026

Jaaliyadda Galmudug ee Finland (Suomen Galmudug Verkosto ry) waxay si sharaf iyo farxad leh ugu casuumaysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Finland inay nagala soo qaybgalaan xafladda weyn ee lagu xusayo sanad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Dowlad Goboleedka Galmudug.

📅 Taariikh: 14 August 2026
🕖 Saacadda: 19:00 – 02:00
📍 Goobta: Kutojantie 3, Espoo

Midnimo • Wadajir • Horumar



Ciid Wanaagsan dhamaan bulshada iyo guddiga Jaaliyadda Galmudug ee Finland.Waxaan idin leeyahay hambalyo Ciidul Adxaa, c...
26/05/2026

Ciid Wanaagsan dhamaan bulshada iyo guddiga Jaaliyadda Galmudug ee Finland.

Waxaan idin leeyahay hambalyo Ciidul Adxaa, ciid wanaagsan, farxad ku ciida.

Ilaahay ha naga aqbalo acmaasha wanaagsan, hana inagu gaarsiiyo bashbash, nabad iyo barwaaqo.

Ciid Wanaagsan 🌙✨

إنا لله وإنا إليه راجعونJaaliyadda Galmudug ee Finland waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan qaraabadii, ehelkii...
22/05/2026

إنا لله وإنا إليه راجعون

Jaaliyadda Galmudug ee Finland waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Xuseen Maxamed (Cali Madoobe) oo ku geeriyooday magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu janatul firdowsa ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, kana yeelo kuwa kitaabkooda midigta laga siiyo maalinta qiyaame.

Sidoo kale waxaan samir iyo iimaan Alle uga baryeynaa dhammaan qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Aamiin 🤲🏻.

17/05/2026

Osoite

Pakilantie 12 C 119
Helsinki
00630

Hälytykset

Tiedä ensimmäisenä ja anna meille oikeus lähettää sinulle sähköpostitse uutisia ja promootioita Galmudug Community of Finland :ltä. Sähköpostiosoitettasi ei käytetä muihin tarkoituksiin, ja voit perua milloin tahansa.

Oikopolut

Jaa