KGS Community of Finland

Soita Reittiohjeet Verkkosivusto Ota yhteyttä: organisaatio

KGS Community of Finland Jaaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dalka Finland.

05/10/2026

Nebedaa naas la nuugu leh

Guddmiyaha Jaaliyadda KGS Muna Mursal Ibraahim ayaa waxay ka gashay munaasabadda xuska sannad guurada 10aad ee dhismaha ...
04/10/2026

Guddmiyaha Jaaliyadda KGS Muna Mursal Ibraahim ayaa waxay ka gashay munaasabadda xuska sannad guurada 10aad ee dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabadda ayaa ahayd fursad lagu xusayay taariikhda iyo horumarka Hirshabeelle, iyadoo sidoo kale lagu muujiyay doorka ay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Finland ka qaadan karto horumarinta nabadda, midnimada, dowladnimada iyo wada shaqaynta bulshada.

Hambalyo Hirshabeelle

02/10/2026

Baaqa nabadeed ee Jaaliyadda KGS Ee Finland

13/09/2026

Jaaliyadda KGS ee Finland ayaa waxay war saxaafadeed kasoo saartay iyo baaq nabadeed dagaalada ka soconaya Deegaanada KG Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Baydhabo…

“Jaaliyad xooggan waxay ka bilaabataa dad is aamina oo is taageera” waxay ka dhigan tahay in jaaliyaddu aysan xoog ku ye...
23/08/2026

“Jaaliyad xooggan waxay ka bilaabataa dad is aamina oo is taageera”

waxay ka dhigan tahay in jaaliyaddu aysan xoog ku yeelan karin oo keliya tirada dadka ku nool, balse ay xoog ku yeelato marka xubnaheedu ay isku kalsoonaadaan, is ixtiraamaan, is garab istaagaan, oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danta guud.

Kalsoonidu waa aasaaska xiriir wanaagsan. Marka xubnaha jaaliyaddu isku kalsoonaadaan, waxay si fudud u wadaagi karaan fikrado, u xallin karaan khilaafaadka, una samayn karaan qorshayaal horumarineed oo wadajir ah.

Is-taageeriddu waxay ka dhigan tahay in qof walba uu diyaar u yahay inuu caawiyo qofka kale marka uu u baahan yahay. Taageeradu waxay noqon kartaa mid ku saabsan waxbarasho, shaqo, ganacsi, talo, dhalinyaro, qoysas, dhaqan ama xaalado adag.

Maxay muhiim u tahay?

Waxay xoojisaa midnimada jaaliyadda.

Waxay abuurtaa kalsooni iyo xiriir wanaagsan.

Waxay dadka ku dhiirrigelisaa inay si firfircoon uga qaybqaataan jaaliyadda.

Waxay fududaysaa in la xalliyo dhibaatooyinka bulshada.

Waxay abuureysaa fursado waxbarasho, shaqo iyo horumar.

Waxay dhalinyarada siinaysaa tusaale wanaagsan oo ku saabsan wada shaqaynta.

Waxay ka dhigtaa jaaliyadda meel qof walba uu dareemo inuu ka tirsan yahay.

Waxaa Qoray : Maxamed Cali
Xoghayaha Guud ee JKGS ee Finland

“Is-caawintu Waa Saldhigga Bulsho WanaagsanOraahdaan ayaa waxay ka dhigan tahay in bulsho xooggan aysan ku dhisnayn qof ...
16/08/2026

“Is-caawintu Waa Saldhigga Bulsho Wanaagsan

Oraahdaan ayaa waxay ka dhigan tahay in bulsho xooggan aysan ku dhisnayn qof walba inuu naftiisa oo keliya ka fikiro, balse ay ku dhisan tahay in dadku is taageeraan, is garab istaagaan, oo ay ka shaqeeyaan danta guud.

Marka qof bulshada ka mid ah uu la kulmo dhibaato, waxaa muhiim ah in dadka kale ay u muujiyaan taageero iyo garab. Is-caawintu waxay noqon kartaa in qof loo caawiyo marka uu shaqo raadinayo, waxbarasho, caafimaad, arrimo nololeed ama xaalad adag oo uu wajahayo. Sidoo kale, qof aqoon ama xirfad leh wuxuu aqoontiisa la wadaagi karaa dadka kale si ay iyaguna uga faa'iidaystaan.

Muhiimadda is-caawintu leedahay
Waxay xoojisaa midnimada bulshada.
Waxay abuurtaa kalsooni iyo xiriir wanaagsan.
Waxay dadka dareensiisaa inay bulshada ka tirsan yihiin.
Waxay caawisaa dadka nugul ama u baahan taageero.
Waxay dhiirrigelisaa wada shaqeyn iyo masuuliyad wadaag.
Waxay dhalisaa fursado cusub oo waxbarasho, shaqo iyo horumar ah.
Waxay xoojisaa xiriirka jiilasha kala duwan.
Jaaliyad ahaan

Jaaliyaddu waxay si gaar ah ugu baahan tahay is-caawin. Haddii xubnaha jaaliyaddu ay isku taageeraan waxbarashada, shaqada, ganacsiga, dhalinyarada, haweenka, waayeelka iyo dadka cusub, jaaliyaddu waxay yeelan kartaa awood ay ku xalliso caqabadaheeda oo ay ku horumariso nolosha xubnaheeda.

“Bulsho wanaagsan waxay ka bilaabataa qof diyaar u ah inuu qof kale caawiyo. Marka aan is garab istaagno, aqoonteenna wadaagno, fursadaha isku furno, oo aan danta guud ka shaqeyno, waxaan dhiseynaa jaaliyad mideysan, isku kalsoon oo horumar leh.”

Waxaa qoray : Maxamed Cali Xoghayaha Guud ee Jaaliyadda

11/08/2026

KGS iyo Dalxiiska SuomenLinna

09/08/2026

Qaar ka mid ah madaxda iyo xubnaha Jaaliyadda KGS ayaa dalxiis aad u qurux badan ku tagay SuomenLinna ee gudaha Finland....
09/08/2026

Qaar ka mid ah madaxda iyo xubnaha Jaaliyadda KGS ayaa dalxiis aad u qurux badan ku tagay SuomenLinna ee gudaha Finland. SuomenLinna ayaa ah goob dalxiis oo maalin kasta kumaan dad ah u dalxiis taga. Dalxiiskan ayaa waxa uu ka mid yahay howlaha joogtada ah ee ay jaaliyaddu qabato

Osoite

Helsinki
00940

Ilmoitukset

Saat tiedon ensimmäisenä: lähetämme sinulle sähköpostia, kun KGS Community of Finland julkaisee uutisia ja tarjouksia. Sähköpostiosoitettasi ei käytetä muihin tarkoituksiin, ja voit perua tilauksen milloin tahansa.

Ota Yhteyttä: Organisaatio

Lähetä viesti: KGS Community of Finland:

Oikopolut

Jaa