09/10/2026
🎉 HAMBALYO IYO BOGAADIN 🎉
Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Galmudug ee Finland, Marwo Fartuun Dhigax, oo loo doortay hoggaanka jaaliyadda.
Waxaan kuu rajaynayaa guul, horumar iyo hoggaan hufan oo ku dhisan wadajir, midnimo iyo iskaashi. Alle ha kuu fududeeyo masuuliyadda culus ee laguu igmaday, hana kaa dhigo hoggaamiye ka shaqeeya danta guud, isku xirka bulshada iyo horumarinta Jaaliyadda Galmudug ee Finland.
Waxaan rajaynayaa in hoggaankaaga cusub uu noqdo mid horseeda horumar, is-afgarad iyo guulo waaweyn oo ay gaarto jaaliyaddu.
Hambalyo mar kale, Guddoomiye Fartuun Dhigax! 🌹👏
Guul iyo gobannimo, midnimo iyo horumar Jaaliyadda Galmudug ee Finland. 🇸🇴🇫🇮