Finland-Galmudug Association

Finland-Galmudug Association Finland-Galmudug Association represents the Somalian population in Finland Specially Galmudug Community

18/08/2026

Guddoomiyaha Isboortiska ee Jaaliyadda Galmudug Finland, Mudane Daahir Jimcaale, ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ka soo qeyb gashay xafladda sanadguurada 20-aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug u soo bandhigay waxqabadka Jaaliyadda, gaar ahaan horumarinta ciyaaraha iyo taageeridda dhalinyarada.

Mudane Daahir Jimcaale ayaa si gaar ah uga hadlay dadaallada Jaaliyaddu ku bixiso dhiirrigelinta dhalinyarada, horumarinta ciyaaraha iyo ka shaqeynta badqabka iyo caafimaadka bulshada.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu ballanqaaday in dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 20 jir ee danaynaysa barashada dabaasha loo heli doono macallin khibrad leh, si ay u helaan fursad ay ku bartaan dabaasha, kuna horumariyaan xirfaddooda.

Ugu dambeyn, Mudane Daahir Jimcaale ayaa carruurta iyo dhalinyarada ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iideystaan fursadaha ciyaaraha iyo barnaamijyada horumarineed ee Jaaliyaddu u diyaarinayso bulshada.

18/08/2026

Mudane Sheekh Cali Baashe ayaa ammaanay kaalinta iyo maqaamka ay Maama Kiin bulshada ku dhex leedahay, isaga oo si gaar ah u tilmaamay dadaalka, waqtiga iyo juhdiga ay gelisay mideynta iyo isku xirka Jaaliyadda Galmudug.

Jaaliyadda Galmudug ee dalka Finland ayaa magaalada Helsinki ku qabatay xaflad lagu xusayay 20-guurada Dowladda Goboleed...
17/08/2026

Jaaliyadda Galmudug ee dalka Finland ayaa magaalada Helsinki ku qabatay xaflad lagu xusayay 20-guurada Dowladda Goboleedka Galmudug.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Finland, waxaana ka mid ahaa xildhibaano, aqoonyahanno, dhalinyaro, haween, odayaal iyo marti sharaf kale.

Xafladda ayaa ahayd mid lagu xasuusanayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay iyo marxaladihii kala duwanaa ee Galmudug soo martay. Waxaa sidoo kale laga hadlay doorka bulshada dibadda, gaar ahaan dhalinyarada iyo aqoonyahannada, ay ku yeelan karaan horumarka iyo mustaqbalka Galmudug.

Qaar kamid ah dadkii munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray shacabka Galmudug, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada, wadajirka iyo horumarka bulshada soomaliyeed dalka iyo dibada.

Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi wanaagsan, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ee Finland ay si weyn uga qeyb qaadatay xuska sanad guurada 20-aad ee Galmudug.

Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis  Dhamaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Helsinki-Finland iyo nawaaxigeeda waxaa nagu so...
26/07/2026

Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis

Dhamaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Helsinki-Finland iyo nawaaxigeeda waxaa nagu soo wajahan bari 27.07.2026 Abwaankii waynaa ahna Maareeyaha Tiayaatarka Qaranka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abdullahi Guure.
Waxaan si xushmad leh idin kaga codsananyaa inaad ka qayb-qaadataan soo dhawatiisa.

Soo dhawaw Mudane Maareeye

Mahadsanidiin

Työllistymistä tukevaa toimintaa Helsingissä 2026Suomi-Galmudug Seura ry tarjoaa maksutonta tukea työllistymiseen Helsin...
11/06/2026

Työllistymistä tukevaa toimintaa Helsingissä 2026

Suomi-Galmudug Seura ry tarjoaa maksutonta tukea työllistymiseen Helsingissä. Toiminta on suunnattu nuorille, työnhakijoille sekä kaikille, jotka haluavat vahvistaa työelämävalmiuksiaan ja edistää työllistymistään.

Tarjolla olevat palvelut

📄 CV- ja työnhakupajat
Torstaisin klo 15.00–18.00
📍 Kastelholmantie 2

🤝 Mentorointi
Tiistaisin klo 12.00–15.00
📍 Kastelholmantie 2

💼 Kesätyö- ja työkokeilupaikkojen välitys
Maanantaista perjantaihin klo 10.00–14.00
📍 Kastelholmantie 2

🎓 Koulutukset ja urasuunnittelu
23.6. ja 10.8. klo 16.00–18.00
📍 Stoa, Itäkeskus

Toiminta on jo käynnissä, maksutonta ja avointa kaikille.
Hanke toteutetaan Helsinkin kaupungin työllisyysavustuksen tuella vuonna 2026.

Tervetuloa mukaan rakentamaan polkua kohti työelämää!

Inspiring days in Cervia, exploring how social media can be used to amplify youth voices, strengthen communities, and dr...
25/05/2026

Inspiring days in Cervia, exploring how social media can be used to amplify youth voices, strengthen communities, and drive positive change.

New skills, fresh ideas, and meaningful international connections made through Erasmus+.

Proud to have the Finland-Galmudug Association taking part in this impactful event and contributing to the exchange of ideas and experiences.

انا لله وإنا إليه راجعون كل نفس ذائقة الموت Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galmudug Finland waxay uga tacsiyaynayaa qaraabad...
22/05/2026

انا لله وإنا إليه راجعون
كل نفس ذائقة الموت

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galmudug Finland waxay uga tacsiyaynayaa qaraabada sxbada iyo ehelkaba geerida xanuunka leh ee ku timid walaalkeen oo ku geeriyooday Helsinki-Finland.

Cali AUN waxuu ahaan nin edeb badan akhyaar ah bulshada dhexdeedana laga jecelyahay ee Allaha u naxariisto qabriga Allaha u waasiciyo marti la jecelyahay Allaha ka dhigo kitaabkiisa midiga Allaha ka siiyo dhamaan intii ka baxayna samir iyo iimaan Alaha ka siiyo aamiin aamiiin aamiiiiiin.

Aan u wada ducayno walaalkeen.

Mahadsanidiin

Jaaliyadda Galmudug-Finland

Jaaliyadda Galmudug ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa qabatay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, oo lagu s...
19/04/2026

Jaaliyadda Galmudug ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa qabatay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, oo lagu sagootinayay laguna maamuusayay Guddoomiyaha Jaaliyadda Galmudug ee Finland, Mudane Cabdirashiid Zuber 🇸🇴🤝

Munaasabaddan qiimaha leh waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano, siyaasiin, ganacsato, culumo, xubno ka mid ah Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, iyo ururrada dhalinyarada sida Dhalinyarada Mustaqbal.

Ganacsade Ilix Owcali ayaa jeediyay hadallo dhiirrigelin leh, isagoo ku baaqay in la taageero hal-abuurka dhalinyarada iyo xoojinta midnimada bulshada Soomaaliyeed.💡✨

Ugu dambeyn, munaasabadda waxay kusoo dhammaatay is-faham, duco iyo rajo wanaagsan oo ku wajahan mustaqbal ifaya, waxuuna gudoomiyahu uga mahadceliyay dhamaan jaaliyadda soo dhawaynta iyo isku duubnaashahooda.🤲🌟

Osoite

Kastelholholmantie 3 DE
Helsinki
00900

Aukioloajat

Maanantai 08:00 - 16:15
Tiistai 08:00 - 16:15
Keskiviikko 08:00 - 16:15
Torstai 08:00 - 16:15
Perjantai 08:00 - 16:15

Hälytykset

Tiedä ensimmäisenä ja anna meille oikeus lähettää sinulle sähköpostitse uutisia ja promootioita Finland-Galmudug Association :ltä. Sähköpostiosoitettasi ei käytetä muihin tarkoituksiin, ja voit perua milloin tahansa.

Oikopolut

Jaa