Ururka Hormarinta Dhalinyarada Xamaro Hamaro Youth Development Association

  • Home
  • Ethiopia
  • Jijiga
  • Ururka Hormarinta Dhalinyarada Xamaro Hamaro Youth Development Association

Ururka Hormarinta Dhalinyarada Xamaro  Hamaro Youth Development Association HYDA only concern about community development and social walfere. URURKA HORMARINTA DHALINYARADA XAMARO. Waa Urur Samafal ah oo u Taagan Samafalka Bulshada.

waa urur utaagan hormarinta bulshada xamaro.
حسبن الله و نعمل و كيل .

🎉 I earned the emerging talent badge this week, recognising me for creating engaging content that sparks an interest amo...
17/08/2025

🎉 I earned the emerging talent badge this week, recognising me for creating engaging content that sparks an interest among my fans!

ASCM.Waxaa lasoogabagabeeyey Tartankii kubadacagta ahaa ee kasocday dagmada xamaro, kaas oo ay kuloolaMayeen Todoba koox...
31/07/2025

ASCM.
Waxaa lasoogabagabeeyey Tartankii kubadacagta ahaa ee kasocday dagmada xamaro, kaas oo ay kuloolaMayeen Todoba kooxood oo kajira dagmada xamaro ayaa wuxuu kusoo dhamaaday nabad waxayna guushu kuraacday kooxda horseed oo halkaas kalahoyatey koobkii.

Waxaa xidhintaankii iyo gudoonsiintii abaalmarinihii kaladuwanaa kasooqaybgalay maamulka dagmada xamaro oo uu ooguh**eeyo gudoomiye kuxigeenka, Madaxa arrimaha siyaasada ee xisbiga barwaaqo iyo madaxafiiseedka dhalinyarada iyo ciyaaraha dagmada xamaro.

Dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshada, waa lagamamaarmaan in dhalinyarta ladhiirigaliyo si looga hortago in dhalinyartu ay kumashuulaan wax kasta oo iyaga iyo bulshadaba dhib ukeenaya.

Bahda HYDA waxay leedahay Hanblyo kooxda koobka qaaday ee Horseed.

ASCM.Waxaan maanta booqanay macadka Barashada culuumta Diinta islaamka iyo Quraamka Kariimka ee sheekh mahad macalin Aaq...
30/07/2025

ASCM.
Waxaan maanta booqanay macadka Barashada culuumta Diinta islaamka iyo Quraamka Kariimka ee sheekh mahad macalin Aaqib, machadkaas oo ay dhigtaan ardayga gaadhaya 70 arday oo kujira heerarka kaladuwan ee cilmiga.

Macadkan oo dhawaan lafuray ayaa wuxuu dagmada kusookordhiyey isbadalwayn.

Waxaan bulshada qaybaheeda kaladuwan ee daljoog iyo Qurbajoogba kacodsanaynaa in ay kasooqayb qaataan Hormarinta machadka khayriga ah.

Qofkuu ILAAHEY khayr ladoono diinta ayuu fahansiiyaa.

ASCM.Waxaa isbadal lagadareemayaa Saylada magaalada xamaro oo baryahan danbe isbadal uu kuyimid iyadoo saylada ay baryah...
24/07/2025

ASCM.
Waxaa isbadal lagadareemayaa Saylada magaalada xamaro oo baryahan danbe isbadal uu kuyimid iyadoo saylada ay baryahan yimaadaan xoolo badan oo ubadan adhi taas oo bulsho badan u horseedakarta in ay shaqo kahelaan.

Waxaan dhamaan dadwaynaha kunool agagaarka dagmada xamaro kudhiirigalinaynaa in ay xoolahooda saylada keenaan oo ay hormariyaan sayladooda si ay unoqoto mid latartanta sayldaha kale ee deegaanka.

Dhanka maamulkana dagmada waxaa kacodsanaynaa in ay saylada hagaajiyaan oo ay kadhigaan meel munaasab ku ah in xoolaha noocyadiisa kaladuwan lakeeno, maadaama aynalahay meel ay dadku iyo duunyaduba hadhsadaan in loosameeyo hadh.

Marka lahagaajiyo ee meel munaasab ku ah xoolaha iyo dadkuba ay gabaad kadhigtaan lagasameeyo, waxaa inagasii gali dakhki wanaagsan.

Dhanka bulshada aan kawada shaqayno kaabayaasha hormarinta ee bulshadeena sida Saylada oo aan xoolaheena keeno iyo Hormarinta magaaladeena iinshaaALAAH.

Hadii aan sifiican ugashaqaysiino sayladeena dadbadan ayaa shaqo abuur kahelaya oo laga yaabo in ay noloshooda wax kabadasho.

Iskutashiga bulshadu waa lafdhabarta Hormarka bulsho.

ASCM.Waxaa galabta kabilawday garoonka kubada cagta ee dagmada xamaro Tartankii ciyaaraha kubada cagta ee bilaha xagaaga...
16/07/2025

ASCM.
Waxaa galabta kabilawday garoonka kubada cagta ee dagmada xamaro Tartankii ciyaaraha kubada cagta ee bilaha xagaaga taas oo ay kutartamidoonaan 7 todoba kooxood oo kajira dagmada xamar.
Waxaa koobkan diyaariyey xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dagmada xamaro oo kudhirigalinaya dhalinyarada dagmada xamaro.

Waxaa tartanka koobka kasooqaybgalay furitaankiisii maamulka dagmada xamaro Qaybahooda kaladuwan oo uu ugu h**eeyo madaxa xafiiska ciyaaraha dhalinyarada iyo gudoomiyaha dagmada xamaro.

Dhiirigalinta dhalintu waa hormarinta bulshada.

ASCMWaxaa maanta Xaflad xidhitaan loo sameeyey dugsiga cumar binu khadhaab xafladan oo lagu abaalmariyay ardayda kaalmah...
27/06/2025

ASCM
Waxaa maanta Xaflad xidhitaan loo sameeyey dugsiga cumar binu khadhaab xafladan oo lagu abaalmariyay ardayda kaalmaha h**e gashay ayaa waxaa kasooqayb galay maamulka dugsiga, maamulka dagmada iyo walaidiinta xafladaas oo lagusoo gunaanaday xidhitaankii dugsiga ee sanad dugsiyeedka 2017 E.C
Ugu danbayn waxaan halkan uga mahad celinhaynaa qurbajoogta udhalatay degmada xamaro oo dhistey dugsigan miisaanka xasanaadka ILAAHEY ha usaaro
Ardaydana ILAAHEY hakadhigo kuwii anfaca Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda kuwa waxbarta oo waalidkood anfaca.

Dhismaha iyo hirgalinta dugsigan waxaa iskalahaa oo sameeyey Qurba joogta udhalatey dagmada xamaro ILAAHEY haka jirsiiyo Cidkasta kasta oo kaqayb qaadatey.

Dugsiga baahiyo badan ayuu qabaa oo wali ee uu t madhamaystirmin waxyaabaha ugu daran ee uu tabayo waxaa kamid ah Dayr la'aan, fasalada oo kuyar iskoolka iyo in vadan oo kale.

Intii uu iskuulkan jiray waxuu isbadalwayn kusoo kordhiyey bulshada kunool dagmada xamaro.

Aan kawada qayb qaadano Hormarinta iskoolka iyo dhamaan qaybaha kaladuwan ee Hormarinta bulshadeen.

ASCM.Waxaa saaka kaqabsoontay masjidka jaamaca degmada xamaro xaflad dhiirigalin iyo khatinka kitaab isoogu jirta Xaflad...
24/06/2025

ASCM.
Waxaa saaka kaqabsoontay masjidka jaamaca degmada xamaro xaflad dhiirigalin iyo khatinka kitaab isoogu jirta
Xafladan oo looqabtay gabdhaha riyaadul umah ee faraca machadka sheekh mahad macalin aaqib رحمه الله رحمةواسعة
Munaasabadan oo siqiimo badan loosoo agaasimay ayaa waxaa dhamaadkii lagudoonsiiyay gabdhihii dadaalka soo bixiyay shahaadooyin gabadhahaas oo dhan 35 gabdhod.
Wuxuu ururka hormarinta dhalinyarada degmada xamaro uhanbalyaynhayaa gabdhahaas dadaalka soo bixiyay waxaan ILAAHEYugu baryaynaa inay kasoo baxaan gabdho mudarisaad ah oo diinta faafiya.
Ugu danbayn waxaan kuladardaarmaynaa waalidiinta dhalay dhalinta soo kacaysa inay awlaadooda kubar baariyaan diinteena macaan
Midaas ayaan aakhiro iyo aduun kuliibaanaynaa.

Khayr iyo xasanaad badan ILAAHEY hakasiiy macalinkii ardaydaas waxbaray, iyagana ILAAHEY hakadhigo kuwii ku anfaca Naftoida, Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda.

ASCM.Aan bulshadeena kawada wacyigalino dhibaatooyinka ay leeyihiin Mukhaadaraadku.Sida Jaadka, Sigaarka I.W.M.Waa labad...
11/06/2025

ASCM.
Aan bulshadeena kawada wacyigalino dhibaatooyinka ay leeyihiin Mukhaadaraadku.
Sida Jaadka, Sigaarka I.W.M.
Waa labada shay ee dhibaatada ugu badan kuhaysa bulshadeena.

■Dhibaatooyinka uu leeyahay Jaadku
◇ wuxuu tayada iyo awooda kaqaadaa shahwada raga oo shahwadu waxay noqotaa mid aad tayo lahayn oo badjax ah.
◇ Wuxuu burburiyaa dhaqaalaha qofka isagoo qofka kadhiga mashaqayste ku nool shaxaad, suaal, xishood la'aan, ixtiraam daro.
◇ Cibaafo yaraan iyadoo lagabayaaba in uu katago wixii ILAAHEY kufaralyeelay sida Salaada iwm
◇ Dhaqasho la'aan dharka reeraha ah oo aad moodi ninkii in ayna masuuliyadsaarnayn oo dhaqaalaha uu helo uu caruurtiisa kadoorbidayo jaadka.
◇ Dhibaato caafimaad sida gaastariig, Hurdo la'aan, awood la'aan dhank jidhka ah oo sababta in qofku unuglaado xanuun walba.

■ DHIBAATOOYINKA SIGAARKA
◇ Sgaarku wuxuu keena dhamaan xanuunada kudhaca habdhiska neefsiga.
◇ Sigaarku wuxuu keena kansarka kudhaca beerka, waxaa kale oo uu keenaa wadno xanuun iyo dhamaan xanuunada kudhaca uurkujirta jidhka.
◇ Waxaa intaas kadaran quhmuunka qofka caba iyo kamkamka kasoo uraya oo bulshada sasmaynaya sida wakhtiyada salaada latukanayo.

Hadaba bulshay haday dhibaatada sigaarka iyo jaadku ay inaguhayaan yihiin intan iyo inkale oo kabadan soomawanaagsano in aan bulshadeena kawacyigalino gaar ahaan dhalinyarta hada kuwacusub iyo kuwa aan wali isticmaalin.

Waa masuuliyad inawada saaran in aan kawada shaqayno wax walba oo bulshadeena dhibaa iinshaaALAAH

ASCM.Waxaa soogabagaboobey tartankii udhaxeeyey 5 kooxood oo kuciyaarayey dagnada Xamaro, Tartankaas oo ay soo agaasimee...
09/06/2025

ASCM.
Waxaa soogabagaboobey tartankii udhaxeeyey 5 kooxood oo kuciyaarayey dagnada Xamaro, Tartankaas oo ay soo agaasimeen ururuka Hormarinta dhalinyarada Xamaro taas oo ay daadihinayeen garsoorayaasha kubada cagta ee dagmada xamaro.

Ujeedka koobkan oo ahaa dhiirigalinta dhalinyarasa dagmada ayaa waxay guushii kuraacday koox kamid ah kooxihii tartanka kujiray.

Dhiirigalinta dhalinyaradu waa muhiim

اسلام عليكم ورحمةالله وبركاته عيدمبارك كل عام وانتم بالخير Waxay Bahda ururka Hormarinta Dhalinyarada xamaro  lawadaagay...
05/06/2025

اسلام عليكم ورحمةالله وبركاته
عيدمبارك كل عام وانتم بالخير
Waxay Bahda ururka Hormarinta Dhalinyarada xamaro lawadaagayaan dhamaan bulshada islaamka meelkasta oo ay joogaan daafaha caalamka, waxaan ILAAHEY kabaryeynaa in Ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo Nabadgalyo, Caafimaad qab bashbash iyo barwaaqo.

Dhamaan ummada islaamka ee dhibaateysan in uu ILAAHEY kadulqaado Dulmiga iyo dhibta laguhayo gaar ahaan walaalaheen Ree Falastiin waxaan ILAAHEY uwaydiinaynaa in Nasridagdag ah siiyo iinshaaALAAH.
Aaaaaamiiiin.

CIID MUBAARAK KULCAAM WA ANTUM BILKHAYR.

CIIDUL ADHXA

اسلام عليكم ورحمةالله وبركاته Waxaa magaalada xamaro laga hirgaliyeyey Machad Diini ah oo lagu baranayo Culuumta shareec...
18/05/2025

اسلام عليكم ورحمةالله وبركاته

Waxaa magaalada xamaro laga hirgaliyeyey Machad Diini ah oo lagu baranayo Culuumta shareeca islaamka sida.
●.Cilmiga fiqiga
● Cilmiga Axaadiista
●Cilmiga Naxwaha
● cilmiga Caqiidada
●Culuumta Quraanka Kariimka ah
● Barashada Luuqada Carabiga
● Barashada Culuumta koombiyuutarka
● Barashada Culuumta Xisaabta

Waxaa machadkan qaaliga ah loogu magacdaray ALE ha u naxariistee Sheekheenii Qaaliga ahaa Sheekh Mahad Macalin Aaqib.

Sheekhu wuxuu in badan wakhtigiisa galiyey arimaha diinta isagoo arday badan kiciyey oo baray culuumka diinta qaybaeeda kaladuwan iyadoo maanta aan midhaheedii guranayno ama ay kamuuqato bulshadeena ILAAHEY Sheekheena waxaan uwaydiinaynaa in uu kucasuumo Janada qaaliga ah ee janatulfirdawsal aclaa.

Mudadii isbadalka kadib waxay dagmada xamaro kutalaabsatey isbadalwayn oo dhanka Diinta ah iyadoo ay dagmadu ay dhalinyaradu rag iyo dumarba ay u istaageen sida xooga usaarilahaayeen barashada culuumta diinta.

Haba waxaa shalay hoolka shirarka ee dagmada xamaro lagu Qabtey xaflad lagu daahfurayey furitaanka Machadkan qaaliga.

Waxaan waalidiinta kuboorinaynaa in ay caruurtooda kugarabistaagaan barashada cilmiga diinta islaamka.

Waxaa kasooqaybgalay daahfurkii machadka sheekh mahad macalin Aaqib qaybaha kaladuwan ee bulshada sida Maamulka dagmada, culimada, odayaasha, hooyooyinka, dhalinyarada iyo ardayda machadka.

Waxaa qayb wayn kaqaatay girgalinta iyo yagleelka Machadkan Ururka Hormarinta Dhalinyarada Xamaro oo maanta suuragaliyey in ay kadhabeeyaan Hindisihii iyo fikirkii sheekheena oo ah in xamaro machad diimi ah laga hirgaliyo.

Way mahadsanyihiin dhalinyaradaas shaqadaas wanaagsan isuxilqaamay.

Dhaxalkan maanta waa midkii sheekheena dhamaanteen aan kawadaqayb qaadano Hormarinta bulshadeena iinshaaALAAH.

Hormarinta Bulshadeena waa mid inoo wada taala aan kawada qayb qaadano dhamaanteen iinshaaALAAH.

Qofkuu ILAAHEY khayr ladoono diinta ayuu fahansiiyaa.

Address

Jijiga

Telephone

+251911955213

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Hormarinta Dhalinyarada Xamaro Hamaro Youth Development Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share