06/06/2024
Tobanka maalmood ee Adduunka ugu fadli badan. !!!
1-Rabbi sw dadka wuu kala fadilay oo Nabi Muxammed ﷺ ayaa ugu fadli badan, dhulkana wuu kala fadilay oo Makka iyo madiinaa ugu fadli badan, sidoo kale wakhtiga Alle wayne wuu kala fadilay waxaa maalmaha ugu fadli badan maalinta Jimce, sidoo kale habeenka laylatul-qadriga ayaa ah habeen ka fadli badan kun bilood, waxaa kamida wakhtiyada ugu fadli badan tobanka maalmood ee ugu h**eeya bisha Carrafo. ( dul xijah )
2-Markuu Allaah sw adoomadiisa jeclaysiiyay inay booqdaan gurigiisa sharafta leh waxaa iska caadi ah in qof kasta Karayn inuu tago xaramka ayuu Allaah sw qofka karaya cimirigaiisa dhan hal mara xajka ku waajibiyay. Tobanka maalmood ee ugu fadli badan aduunkana dhextaal ooga dhigay ka xajinaya iyo kan kale ee kari waayayba, qofkii Kari waaya inuu xajiyo wuxuu awoodaa isagoo gurigiisa jooga inuu shaqasto camalka fadli badan ka muujihidka soo laabtay xataa.
3-Allaah sw maalmahan wuu ku dhaartay waxaan qiimo wayn lahayna Alla Wayne Kuma dhaarto.
{ وَالْفَجْرِ ○ وَلَيَالٍ عَشْرٍ ○ وَالشَّفْعِ وَالْوَتْرِ . }
Sidoo kale Alla Wayne maalmahan wuxuu ina faray inaan xuskiisa badina badino wuxuuna ku tilmaamay maalmo laysla yaqaano.
{ وَيَذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ فِي أَيَّامٍ مَعْلُومَاتٍ. } -4
Waxuu yidhi Nabi Muxammed ﷺ: "Ma jiraan maalmo camal la qabtaa ka fadli badanyahay maalmahan " Waxaa la waydiyay suubanaha ﷺ : Ma xataa Jihaadka!? " haa xataa jihaadka marka laga reebo nin naf iyo maalba la baxay oon waxba lasoo laaban." ( shahiiday hantidiisiina la qaatay )
5-Sidoo kale wuxuu yidhi Nabi Muxammed ﷺ: Xadiith uu warinayo Jaabir: " maalmaha adduunka waxaa ugu fadli badan tobankan maalmood "
6-Wuxuu Abuu qataada wariyay xadith uu soo saaray Muslim inuu yidhi Nabi Muxammed ﷺ : "Soomitaanka maalinta carafo waxaan rajaynayaa in lagu dhaafo danbiga sanadkii tagay iyo sanadka soo socda" waa maalinta 9aad waxaana soomitaanka maalintan loo sunneeyaa qof kasta oon acmaasha xajka ku guda jirin.
7- Wuxuu yidhi Anas ibnu maalik rc: Maalmahan tobankaa maalin walba oo kamida waxay u dhigantaa xagga fadliga 1000 maalmood maalinka carafana ( 9aad ) 10,000 maalmood. Shucabul-iimaan 3/358📓
8-Abuu hurayra iyo Cabdullaahi ibnu cumar maalmahan marka la gaadho suuqa intay usoo baxaan ayay kor takbiirta u qaadi jireen. ( Allaahu akbar, Ahlaahu akbar, Allaahu akbar)
Wuxuu yidhi Xassan Al basri: Hal maalin oo laga soomo tobanka h**e ee carafo waxay u dhigantaa labo bilood soonkood. Addurar-Al-manthur 8/501📓
9-Wuxuu yidhi Abu cuthmaan An-nahdi: Waxay salafku waynayn jireen Afar Tobnaad: tobanka danbe ee bisha Ramadaan, tobanka h**e ee bisha Carafo, iyo tobanka h**e ee bisha Muxarram.
10-Waxaa la waydiiyay Shaykhul islaam Ibnu taymiyah : Midkee fadli badan Tobanka ugu h**eeya bisha dul-xijah ( carrafo ) iyo tobanka u danbeeya bisha Ramadaan ? Wuxuu yidhi sheekhu: Haday noqoto habeenkii waxaa fadli badan tobanka danbe ee ramadaan, haday maalinka noqotana waxaa fadli badan tobanka h**e ee bisha dul-xija. ( carrafo ) 📓 Majmuucul Fatawa 25/154.
11-Waxaa kamida waxyaabaha layna faray maalmahan qofka doona inuu udxiyo gawraco inuusan tintiisa iyo cidiidisa jarin tobankan cisho. Umu salama waxay ka warisay Nabiga ﷺ inuu yidhi: " Markii tobankan la galo ee midikiin doono inuu udxiyaysto uusan taaban tintiisa iyo cididiisa toona. "
12-Waxaa layna Faray maalmahan inaan gabiba khayrka badino, hadday Salaad noqto, soon, sadaqo, qur'aan akhris, saaltu-layl, udxiyo, badinta saliga nabiga ﷺ qaraabo xiriirin, marti sooridda, tasbiixda ( Subxanallah ) taxmiidda ( Alxamdullilaah) tahliisha ( Laa ilaaha Illa-Allaah ), takbiir (Allaahu akbar. ) iwm
13- Ka dheeroow xumaanta mar walba gaar ahaan wakhtiyada fadliga badan iyo bilaha xurmada leh, waayo xumuhu wuu ka danbi badanyahay wakhtiyada kale.
Laasii wadaag walaalahaa
✍️ Maxamed Shekh Axmednur