07/04/2026
Xuska maalinta tacadiyadii ka dhacay DDS oo loogu qabtay magaalada Jigjiga.
Munaasabaddan waxaa kasoo qaybgalay madaxda Golaha Wasiirrada iyo kuxigeennadooda, odayaasha dhaqanka, xisbiyada siyaasadda, hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah, culimada, dhibbanayaasha, haweenka, dhalinyarada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Munaasaddan ballaadhan waxay muujisay sida ay bulshada oo dhan uga go’an tahay in la xasuusto wixii dhacay, lagana dhigo xasuus taariikheed!
Hadaladii laga jeediyay munaasabadda ayaa si qoto dheer diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xusuusta taariikhiga ah, raadinta xaqiiqda, iyo dhisidda mustaqbal ku saleysan nabad, caddaalad iyo midnimo. Waxaa si gaar ah loo xusay in xusuustu aysan ahayn oo keliya dib u milicsi, balse ay tahay dariiq horseeda wacyi, toosin iyo ka hortag in tacadiyo kale oo dib u dhaca.
Ujeeddada xuskan ayaa ah kor-u-qaadidda codka dhibbanayaasha iyo bulshadii ay waxyeelladu kasoo gaadhay tacadiyadii ka dhacay deegaanka, si loo xaqiijiyo in sheekooyinkooda la maqlo, lana xuso, isla markaana laga dhigo cashar taariikheed oo jiilasha dambe ka faa’iidaystaan.
Sidoo kale, xuskan waxa uu xambaarsanaa dhiirrigelin ku wajahan geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, iyadoo si cad loo muujiyay garab istaagga iyo taageerada loo hayo dhibbanayaashii ay saameeyeen dhacdooyinkaas. Waxay ahayd fariin muujinaysa in bulshadu diyaar u tahay bogsiin, balse aanay marnaba iloobi doonin wixii dhacay.
Maalinta 6-da April ayaa si rasmi ah loogu asteeyay maalin sanadkiiba mar la xuso tacadiyadii iyo gabood-falladii ka dhacay DDS. Waa maalin xambaarsan xusuus, wacyi iyo digniin—si looga qaato cashar taariikheed, loona hubiyo in mar kale aan lagu xadgudbin sharafta iyo karaamada aadanaha.
Ugu dambayn, xuskan wuxuu ahaa iftiin muujinaya in xusuustu tahay awood lagu ilaaliyo runta, lagu xaqiijiyo caddaaladda, laguna dhiso mustaqbal ka wanaagsan kii h**e.
Tacaddigu cudur daar male!
By SRVN