Ururka Horumarinta Soomaalida

Call Directions Website Contact the organization

Ururka Horumarinta Soomaalida ESDA Was established 2012, To promote inclusive development in the Somali Region, through innovative
programs and partnerships.

ESDA aims to enhance education, healthcare, water access,
economic empowerment, and environmental sustainability.

Ururka Horumarinta Soomaalida oo Toddoba Iskaashato ku Wareejiyay 133 Neef oo Adhi ahUrurka Horumarinta Soomaalida ayaa ...
08/08/2026

Ururka Horumarinta Soomaalida oo Toddoba Iskaashato ku Wareejiyay 133 Neef oo Adhi ah

Ururka Horumarinta Soomaalida ayaa toddoba ka mid ah iskaashatooyinka ka dhisan maamulka magaalada Jigjiga ku wareejiyay 133 neef oo adhi ah, taas oo qayb ka ah taageerada lagu horumarinayo iskaashatooyinka iyo fursadaha shaqo-abuurka.

Mashruuca shaqo-abuurka beeraha ee loo yaqaan ADEY ayaa ah mashruuc loogu talagalay in dhalinyarada loogu abuuro fursado shaqo iyo ilo dhaqaale, iyadoo dhalinyarada lagu xoojinayo nidaamka iskaashatooyinka.

Mashruucu waxa uu si gaar ah xoogga u saarayaa ka faa’iidaysiga khayraadka xoolaha iyo beeraha, si loo kobciyo nolol-maalmeedka dhalinyarada, loona taageero horumarinta dhaqaalaha bulshada.

06/08/2026

Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida Mudane Maxamed Xuseen Xasan ayaa kormeer shaqo ku tagay mashruuca dhismaha guryaha dib u dejinta ee ka socda Maamulka Magaalada Qabribayax.

Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida Oo Kormeeray Mashruuca Dhismaha Guryaha Dib-u-dejinta ee QabribayaxMaareeyaha U...
06/08/2026

Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida Oo Kormeeray Mashruuca Dhismaha Guryaha Dib-u-dejinta ee Qabribayax

Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida, Mudane Maxamed Xuseen Xasan, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay mashruuca dhismaha guryaha dib-u-dejinta ee ka socda magaalada Qabribayax.

Mashruucan oo ay maalgelinayaan UNHCR iyo Midowga Yurub (EU), isla markaana uu fulinayo Ururka Horumarinta Soomaalida, ayaa loogu talagalay dib-u-dejinta qoysaska uu saameeyay qorshaha Master Plan-ka ee magaalada.

Maareeyaha Ururka ayaa sheegay in wejiga koowaad uu ka kooban yahay 36 guri, halka guud ahaan la qorsheeyay in la dhiso 875 guri. Dhankiisa, Maareeyaha Adeegbixinta Maamulka Magaalada Qabribayax, Eng. Ilyaas Muxumed Xuseen, ayaa xaqiijiyay in maamulku si dhow ula shaqaynayo Ururka Horumarinta Soomaalida iyo Bahwadaagtiisa si loo dardargeliyo hirgelinta iyo dhamaystirka mashruucan.

ESDA

Ururka Hormarinta Somalida oo gacanta ku hayaMashruuca YIELD (Youth Initiatives for Employment, Livelihood and Dignity) ...
03/08/2026

Ururka Hormarinta Somalida oo gacanta ku haya
Mashruuca YIELD (Youth Initiatives for Employment, Livelihood and Dignity) oo uu fundigiisa bixiyey Mastercard Foundation, oo ay heer deegaan ka hirgelinaya saddex hay'adood oo kala ah
CAAP,
AID,
iyo PARDI.
Mashruucan oo ay ujeeddadiisu tahay horumarinta nolosha dhallinyarada iyadoo loo abuurayo fursado shaqo, kor loogu qaadayo xirfadaha shaqo ee uu suuqu u baahan yahay, isla markaana lagu taageerayo ganacsiyada yaryar si ay u gaaraan isku-filnaansho dhaqaale iyo nolol sharaf leh.
Xafladda Qalin-jabinta
Iyadoo laga duulayo ujeeddooyinka mashruuca, 30-kii Luulyo 2026, saacaddu markay ahayd 9:00 subaxnimo, hay'adda Community in Action Against Poverty (CAAP), iyadoo kaashanaysa Degahbur Polytechnic College, ayaa si guul leh u qabatay xafladda qalin-jabinta 48 dhallinyaro ah oo dhammaystay tababar socday 45 maalmood oo ku saabsanaa Xirfadaha Ku Saleysan Baahida Suuqa (Market-Driven Skills Training). Tababarkan wuxuu qayb ka yahay Barnaamijka YIELD (Youth Initiatives for Employment, Livelihood and Dignity).
Xafladda waxaa ka soo qaybgalay mas'uuliyiin ka socday maamulka magaalada, maamulka kulliyadda farsamada gacanta, wakiillo ka socday hay'adaha fulinaya mashruuca, odayaal dhaqameed, marti sharaf iyo bulshada deegaanka.
Xirfadaha La Bixiyey
Intii uu socday tababarku, ka qaybgalayaashu waxay barteen xirfado kala duwan oo si toos ah u khuseeya baahida suuqa shaqada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
• Qurxinta dumarka (Makeup)
• Qurxinta timaha (Beauty Salon)
• Farshaxanka xinnada (Henna Application)
• Harqaanka iyo tolista dharka (Garment Making/Tailoring)
• Tuubo-galinta (Plumbing)
• Samaynta alaabta guryaha (Furniture Making)
• Alxanka (Welding)
• Qurxinta iyo dhamaystirka guryaha (House Decoration and Finishing)

12/07/2026

Ururka Horumarinta Soomaalida oo kaashanaya mac’hadka casriyaynta beeraha ee dalka ayaa 533 neef oo adhiya u qaybiyay barakacayaasha ku dhaqan degmada Doollo-Addo

Ururka Horumarinta Soomaalida oo 809 neef oo Adhi ah u qaybiyay 200 qoys oo barakacayaal ah oo ku dhaqan degmada Afdem.U...
28/06/2026

Ururka Horumarinta Soomaalida oo 809 neef oo Adhi ah u qaybiyay 200 qoys oo barakacayaal ah oo ku dhaqan degmada Afdem.
Ururka Horumarinta Soomaalida ayaa 200 qoys oo ku midaysan 50 iskaashato oo ka tirsan qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaqan degmada Afdem ee gobolka Siti u qaybiyay 809 neef oo adhi ah, si loo xoojiyo noloshooda iyo isku-filnaanshahooda dhaqaale.
Mashruucan waxaa fulinaya Ururka Horumarinta Soomaalida, waxaana maalgelinaya Mac'hadka Casriyeynta Beeraha (ATI) oo kaashanaya deeqbixiyaha dunida. Wuxuu ka socdaa 12 degmo oo ku kala yaalla shan gobol oo ka tirsan DDS, wuxuuna soconayaa muddo shan sano ah, isagoo taageero gaadhsiin doona in ka badan 100kun oo qoys.
Dhankooda, qoysaskii ka faa'iidaystay deeqdan ayaa uga mahadceliyay Ururka Horumarinta Soomaalida, iyagoo sheegay inay xoolahani wax weyn ka tari doonaan horumarinta noloshooda iyo dhaqaalahooda.

ESDA
==============================
Somali Development Association distributes 809 sheep/goats to 200 displaced families in Afdem district. The Somali Development Association distributed 809 sheep/goats to 200 families, comprising 50 cooperatives of displaced families in Afdem district, in Siti Zone, to strengthen their livelihoods and economic self-sufficiency. The project is being implemented by the Somali Development Association, and is funded by the Agricultural Transformation Institute (ATI). It is being implemented in 12 districts across five Zone of the SRS, and will last for five years, reaching more than 100,000 families. For their part, the families who benefited from this donation thanked the Somali Development Association, saying that these animals will greatly contribute to the development of their lives and economies.
ESDA

Waxaan kaqayb galey Xadhig jarka Xarunta Xanaanada Hooyada iyo Dhalaanka ee degmada Araarso ayaa maanta si rasmi ah xadh...
15/05/2026

Waxaan kaqayb galey Xadhig jarka Xarunta Xanaanada Hooyada iyo Dhalaanka ee degmada Araarso ayaa maanta si rasmi ah xadhiga looga jaray, mashruucan muhiimka ah waxaa maalgeliyey Ururka Horumarinta Soomaalida.

Waxa uuna kakooban yahey in kabadan labaatan Qol oo isoogu jira
*_Main MCH block_*
- Waiting Area
- Registration and Card Room
- Nurse Stations
- Laboring Room
- Normal Delivery Room
- OR Room Complete with Anesthesia, Sterile store, Autoclave and disinfection rooms.
- OR Recovery Room
- Post Surgery Clinical room
- Staff Locker room with bath & Common toilet
- Staff duty rooms
- Doctors Examination Room

*_Auxiliary works:_*
- Pharmacy block
- Dry latrine block
- Incinerator
- Ground water tankers and Elevated water tower
Munaasabada waxaa kasooqayb galey

Waxaa xadhiga kawadajarey Af-Hayeenada Golaha barlamaanka DDS, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Iyo Maareeye Kuxigeenka Ururka Horumarinta Soomaalida Mudane Khadar Axmed Caaqib.

27/03/2026

Masuuliyiinta Ururka Horumarinta Soomaalida oo kormeeray dhismaha Maktabadda Dadweynaha Jigjiga.

Masuuliyiinta Ururka Horumarinta Soomaalida ayaa maanta kormeer ku sameeyay dhismaha Maktabadda Akhriska Dadweynaha ee magaalada Jigjiga oo maraya heer dhisme oo dhan 70%.
Maareeyaha Ururka, Mudane Maxamed Xuseen Xasan ayaa sheegay in mashruucu si habsami leh u socdo, isla markaana mudo kooban lagu soo gaba gabayndoono

Maktabaddan oo ah dhisme casri ah (G+2) ayaa ka koobnaan doonta hoolal shirar, kafateeriya, goobo akhris oo kala duwan iyo qaybo gaar ah oo loogu talagalay carruurta, diinta, dhaqanka iyo taariikhda deegaanka.

Masuuliyiinta Ururka Horumarinta Soomaalida oo kormeeray dhismaha Maktabadda Dadweynaha Jigjiga.Masuuliyiinta Ururka Hor...
26/03/2026

Masuuliyiinta Ururka Horumarinta Soomaalida oo kormeeray dhismaha Maktabadda Dadweynaha Jigjiga.

Masuuliyiinta Ururka Horumarinta Soomaalida ayaa maanta kormeer ku sameeyay dhismaha Maktabadda Akhriska Dadweynaha ee magaalada Jigjiga oo maraya heer dhisme oo dhan 70%.
Maareeyaha Ururka, Mudane Maxamed Xuseen Xasan ayaa sheegay in mashruucu si habsami leh u socdo, isla markaana mudo kooban lagu soo gaba gabayndoono

Maktabaddan oo ah dhisme casri ah (G+2) ayaa ka koobnaan doonta hoolal shirar, kafateeriya, goobo akhris oo kala duwan iyo qaybo gaar ah oo loogu talagalay carruurta, diinta, dhaqanka iyo taariikhda deegaanka.

16/02/2026

Ururka Horumarinta Soomaalida ayaa mashaariico kor loogu qaadayo nolosha bulshada ka fulinaya degmada Bayaxaw ee gobolka Shabeelle.

Address

Jijiga

Telephone

+251257752640

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka Horumarinta Soomaalida posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ururka Horumarinta Soomaalida:

Shortcuts

Share