10/04/2026
Laba Jeer Agoontoow – Qiso Murugo, Xusuus iyo Adkaysi
Laba Jeer Agoontoow ma aha buug keliya; waa qaylo qalbi oo ka soo baxday nolol laba jeer jabtay. Waa markhaati ka sheekaynaya gabar yar oo 10 bilood jir ah markii laga qaaday aabbaheed, isla markaana 4 sano jir ah markii laga dilay awoowgeed—oo u ahaa aabbe labaad. Waa sheeko ku saabsan ilmo laba jeer laga gooyay garabkii nolosha.
Buuggan wuxuu inoo muujinayaa in dulmigu dili karo jidhka, balse uusan dili karin xusuusta. In ilmo laba jeer agoontoobay haddana noqon karto qof cod u noqda dad badan oo aamusan.
Laba Jeer Agoontoow waa qiso murugo leh, balse waa sidoo kale qiso adkaysi iyo rajayn ah—farriin oranaysa: xanuunka la qoro wuu noolaadaa, xaqiiqaduna ma dhimato.
📍 Goobta: Jigjiga – Lotos Hotel
📅 Taariikhda: 19/4/2026
~ Kasoo qaybgal iyo Akhris Wacan.
Qoraaga Buugga: Naciima Dr. Cuuke C/qaadir