Shilabo Charity Foundation

Shilabo Charity Foundation Shilabo Charity Is Non Governmental &Plotical Organization Only Works For Valunteering Programs

Asc Wr Wb Jimce Wanaagsan dhammaantiinBacdal Salaan sidaan Wada Ogsoonahay Inta Lagu Jiro Labada Bilood Ee Xagaaga Waxaa...
22/08/2025

Asc Wr Wb
Jimce Wanaagsan dhammaantiin
Bacdal Salaan sidaan Wada Ogsoonahay Inta Lagu Jiro Labada Bilood Ee Xagaaga Waxaa Guud Ahaan Dalka Iyo deegaanka Laga Sameeyaa Barnaamijka Tabarucaadka Oo Runtii Guulo La Mahdiyay Laga Soo Hooyiyay Mudadii Uu Jiray
Barnaamijkan Oo Ah Mid Joogto Ah oo Guud Ahaan Deegaanka Laga Sameeyo Labada Bilood ee Xagaaga (Sane iyo Hamle) Ayaa Magaalo Kasta Waxay sanadkiiba Kaga Faaiidaysataa Wixii Markaas U Baahan In Xooga La Saaro Waxaa Kamid Ah :-

1-Dhiig oo Loo Shubo dadka U baahan
2-Guryo Loo dhiso Danyarta
3-Barnaamijka Nadaafada
4-Cagaarinta/Dhirbeerista
5-Iyo Nooc kasta Oo Sadaqo ah imw ah

Hadaba Magaaladeena Shilaabo Waxaa Jirta Arin Inbadan Dadka Ayna ku Baraarugsanayn oo U Baahan in Maanta Barnaamijka Tabarucaadka Laga Sameeyo Kaasi oo Ah In La Dayactiro Lana oodo Xabaalaha Magaalada

Magaalada Shilaabo meelo Badan Oo Kamid Ah waxaa Ku Yaala Xabaalo Intooda Badan Ay aad u dayacan Yihiin waxaan soo Samaynay Daraasad Lagu ogaanayo Xabaalaha iyo sidoo Kale Cabirka Dhulka Ay Ku Fadhiyaan Si loogu xisaabtamo Shaqada Laga Qabanayo Baaxadda Ay Leedahay
Xabaalaha Waxaa Ka Jira Laba Dayac
1-xabaalo Dumay baa Jira oo u baahan In Dib Loo Buuxiyo Oo ciidda Lagu Celiyo
2- Dayrka Xabaalaha oo aan Ood Lahayn in Si fiican Loo oodo

Waxaan Jeclaan Lahaa Inaga Oo Iskaashanayna Maamul,Shaqaale Culimo iyo Dhammaan dadka Khayrka Jecel in Sanadkan Barnaamijka Tabarucaadka aan u leexino Dhanka Dayactirka Xabaalaha
Sawirada Hoose Waa Xabaalaha aan Soo ogaanay Xaaladooda oo 3Xabaalood Ka kooban

Waad Mahadsan tihiin πŸ™
Galab Wanaagsan

21/06/2025
December 25,2024 Shilabo Qoraxey DDSWaxaa Muuqata Inuu Guul Ku Soo dhamaaday Dadaalkii Xukuumadu U Gashay Deegaamada Mag...
25/12/2024

December 25,2024 Shilabo Qoraxey DDS

Waxaa Muuqata Inuu Guul Ku Soo dhamaaday Dadaalkii Xukuumadu U Gashay Deegaamada Magaalada Shilaabo Iyo Dadka Walaalaha Ah Ee Wada Dagaba Ay Nabadi Ka Dhex Dhalato.

Waxaa Kale Oo Sharaf Noo Ahayd In Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey Mudane Shafi Muhumed Abdi Aan Gudoonsiinay Shahaado Sharaf Ay So Diyaariyeen Ururka Samafalka Ee Ka Aas'Aasan Magaalada Shilaabo ( Shilabo Charity Foundation ) Isagoo Udub Dhaxaad U Ahaa Dadaalka Xukuumada Ee Nabadaynta Iyo Dib-U Hishiisiinta Deegaamada Magaalada Shilaabo.

"Gudoomiye Ku Mahadsanid Sida Wanaagsan Ee Aad Uga Shaqaysay Nabadda Deegaamada Magaalada Shilaabo Shahaado Sharaftana Waxay Marag Ka Tahay Sida Bulshada Magaalada Shilaabo Ay Ugu Wayn Tahay Shilaabo Nabad Ah Dareen Ahaana Waxay Nooga Dhigan Tahay Adiga Oo Ku Guulaystay Nobel Peace Prize"πŸ•ŠοΈ πŸ† β™₯οΈπŸ’―πŸ™

Raad Muuqda Oo Jiilka Danbe Marin U Noqon Doona Inshalah
ShilaboπŸ•ŠοΈβ™₯️

11/03/2024

π‘π€πŒπ€πƒπ€A𝐍 πŠπ€π‘π„π„πŒ.β˜ͺοΈπŸŽˆπŸŒ™.

Asc Dhammaan Bulshada Magaalada Shilaabo,Ramadaan Kareem Allaa Mahad Iska Leh Nabad Inagu Gaadhsiiyay Bisha Barakaysna Ee Ramadan.

Shilaabo Waxay Hoy U Tahay Qoysas Danyar Ah Oo Ka Warqab Inooga Baahan Markasta Gaar Ahaan Inta Lagu Jiro Bisha Barakaysan Ee Ramadan Sidaas Darteed Waxaan Isku Baraarujinaynaa In Qofkastaaba Dariskiisa Ka Warqabo Insha Allaah.

"Soonka,Salaada Iyo Dhammaanba Acmaasha Wanaagsan Allaha Inaga Aqbalo"



Habayn wanagsan jimcaha caawa ah mid wanagsan oo roob iyo barwaqo nabad iyo xasilooni keena allaha inooga dhigo amin Wax...
13/10/2023

Habayn wanagsan jimcaha caawa ah mid wanagsan oo roob iyo barwaqo nabad iyo xasilooni keena allaha inooga dhigo amin

Waxa kale oo an raba inaan wax yar ka dhaho appkan la dhoho 1xbet oo aad samayn wayn ugu leh bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba somalida oo ah mid logu tala galay in lagu fasahadiyo ama lagu faafiyo xaaranta
Tusale appkanu waa mid ku salaysan khamaar kaas oo ah ama lacagtaadi waa/guldaro oo khasaar ama lacag xaaran ah hel/gulayso iyo wakhtigaadi oo aad dayacdo midki cibadada iyo danahagi kalaba
Tasale kale waxa u yar eed dhigato hadu yahay 20$*112=2,240 ayad khasaraysa hadi ka badan aad dhigatana .....
Waxan kuso kobi lahaa appkan ama khamaarkan naftaada,ehelkaaga iyo diintaadaba uma roonee aan si wada jira uga hortagno inta isticmaashana aan kula talino inay daayaan

F.g appkan waxa sameyay sadex nin oo rashiyan ah isla wadankodi rashiya aya waran qabasho uso jaray
Sido kale wadamada carbeed ee islamka lagama ogolo

Ololaha Nadaafada Ee Shilaabo Nadiif Ah Todobaadkii 4aad.Waxaa Sidoo Kale Saaka La Daahfuray Barnaamijka Tabarucaadka Bi...
13/08/2023

Ololaha Nadaafada Ee Shilaabo Nadiif Ah Todobaadkii 4aad.

Waxaa Sidoo Kale Saaka La Daahfuray Barnaamijka Tabarucaadka Bilaha Xagaaga Oo Ah Mid Si Guud Uga Socda Deegaanka Kaasoo Ah Mid Laga Faaiidaysanayo Cududa Dhalinyarada Iyo Shaqaalaha Dawlada Mudada Fasaxa Ah
Waxaa Saaka Barnaamijka Ka Qaybgalay Xubno Ka Socday Liiga Dhalinyarada Xisbiga Barwaaqo Ee Heer Deegaan,Isuduwaha Xafiiska Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Gobolka Qoraxay,Maamulka Iyo Shaqaalaha Dagmada Shilaabo,Ururka Samafalka Ee Shilabo Charity Iyo Dawlada Hoose Ee Dagmada Shilaabo.

Inta Uu Qashinku Kuu Jiro Ayuu Xanuunkuna Kuu Jiraa
Dawlada Hoose Ee Shilaabo-αˆ½αˆ‹α‰¦ α‹ˆαˆ¨α‹³ αˆ›α‹˜αˆ«αŒƒ ቀቡ

CongratulationπŸ’πŸŽŠπŸ’Bahda Shilaabo Charity Waxay Si Guud Hambalyo Ugu Diraysaa  Ardayda Dagmada Shilaabo Ee Ka qalinjabisay...
22/07/2023

CongratulationπŸ’πŸŽŠπŸ’

Bahda Shilaabo Charity Waxay Si Guud Hambalyo Ugu Diraysaa Ardayda Dagmada Shilaabo Ee Ka qalinjabisay Jaamacadaha Kala Duwan Deegaanka Iyo Dalka Si Gaar Ah Waxaan U Hambalyaynaynaa WalaAbdifatah Abdirahman Dhonkow- አα‰₯α‹²αˆα‰³αˆ… አα‰₯α‹²αˆ¨αˆ…αˆ›αŠ•αˆ…αˆ›αŠ•
Oo Kamid Ah Aas-Aasyaashii Haayada Samafalka Ee Shilabo Charity Isla Markaana Ka Soo Qayb-Qaatay Hawlo Badan Oo Tabarucaad Ah

Hambalyo Wll

29/06/2023

Shilabo Charity Education Valunteering Programe

Eid Mubarak
28/06/2023

Eid Mubarak

Address

Jijiga

Telephone

+251985208698

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shilabo Charity Foundation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Shilabo Charity Foundation:

Share