Siman Charity

Siman Charity ilaahayoow ii naxariiso maanta iyo maalinka aan firaaqeeyo dunidan ee ay noqoto taydii

09/10/2025

Walaaladeena ku nool leey oo u jirta 30km moyale walaal aan caawino qof kasta wuxuu awoodo

+251905022646 Siman Elmi

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaan maqlay geeri xanuun badan oo ku timid wiilkaygii 😢mubashir carab oo kamid ah...
02/10/2025

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaan maqlay geeri xanuun badan oo ku timid wiilkaygii 😢mubashir carab oo kamid ahaa ardey deegaanka kaaso dhiganayay dugsiga sare ee gobolka erer.

Mubashir wuxuu ku koray magaalo la dhaho dudumacad oo ku taala gobolka erer halkaa ayuuna kasoo bilaabay waxbarashadiisii hoose

walaalken wuxuu kamid ahaa dadka baahiyaha gaarka ah lkn taasi mayna noqon mid ka hakisa hayaankiisi waxbarasho wuxuu gurgurasho iyo kaaryon iyo rafaad uu ku so dhiganayay ilaa heer dugsi sare

Sanadkii 2023 ayay iso gaadhay xaalada mubashir wax ku barto kadib baraha bulshada ayaan soo dhigay deedna wiil muxsin ah oo qurba joog ah ayaa ila soo xidhiidhay qiimaha gaadhiga i waydiiyay isla markiiba wuxuu uso diray lacagtii gaadhiga

Kadibna waan u iibiyay waana u sii dhiibay isagoo markaa jooga magaalada fiiq aniga aad ayaan ugu farxay inuu mubashir dhulka ka kaco oo uu si fudud u tago goobaha waxbarashada iyo sido kle goobaha bulshadu ku kulanto si uu hamigiisa uga rumeeyo

Waxaa intaa ii dheeraa inaan isbaranay mubashir walaaladii oon isla hadli jiray anigoo ka waraysanaya waxbarashada iyo inuu gaadhiga ilaashado

halkaa ayaa arinkiisa iigu danbaysay shalay ayaa laii sheegay in mubashir geeriyoodey oo mawtul qafle ay ahayd geeridiisu 😢😢

Mubashirow hooyo ilaahay naxariis waasac ah haku siiyo qabrigana hakuu nuuro

Walaal aan u wada ducayno wiilkeena

Alxamdulilaah asma yar qalitaankii way ka soo nabad baxdey birihiina waa laga saaray ilaahay ayay mahad dhamaanteed u su...
01/09/2025

Alxamdulilaah asma yar qalitaankii way ka soo nabad baxdey birihiina waa laga saaray ilaahay ayay mahad dhamaanteed u sugnaatay mudo dheer ayay xanuunsanayd ee caafimaad allaha ka raaciyo

lugta way bogsan waydey ilaahay amarkii way dheecaamaysaa way daloosha qaybta bog cadka ah xataa way yaraatay lugtu waa xanuun yaraan ugu dhacay oo dhabarka ka bilawdey 😢

Dhamaan dadkii caawiyay na ajir iyo xasanaad allaha ka siiyo uso duceeya wll

Xaaladeeda wixii kaso kordha wan idinla socodsiin qalitaanka kadib insha allh faataxada so mara

Asma yar oo kamid ah "baahana buka "inbadana xanuunsanayd ayaa saaka la ii qalayaa iigu so duceeya walaal in ilaahay caa...
31/08/2025

Asma yar oo kamid ah "baahana buka "inbadana xanuunsanayd ayaa saaka la ii qalayaa iigu so duceeya walaal in ilaahay caafimaad ka raaciyo faataxada so mara

Naxariis waasac ah allaha siiyo aadan omar mohamed oo ahaa ardey ka mid ah ardey da deegaanka aadan wuxuu dhiganayay lab...
04/08/2025

Naxariis waasac ah allaha siiyo aadan omar mohamed oo ahaa ardey ka mid ah ardey da deegaanka aadan wuxuu dhiganayay laba jaamacadood wuxuu wiil kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah lkn baahidaa gaarka ahi ma aysan noqon mid mustaqbalkiisa ka hor istaaagta ee wuxuu ahaa qof dadaal badan ilaahay wuxuu qadaray inaan isku barano gaadhi aan gudoonsiinay oo uu bixiyay walaalken ahmed tajir aniguna waxaan la bixin jiray labada jaamacadood mid kamid ah oo lacag ahayd wuxuu ahaa wiilkaygii wuu ii imaam jiray

Geeridiisa aad ayaan uga naxay ilaahay jannatul firdaws al aclaa haka waraabiyo xataaa passbort ka anigaa la qaaday maalinkuu qaadanayay aden 😢😢😢Usoo duceeya walaal aduunyada qofna baaqi kuma noqonayo

wuxuu ahaa qof hami sare leh wuxuu dhihi jiray meel kastoo nin gaadho waan gaadhi karaa waana maamuli karaa

18/03/2025

Wali waxaan ku guda jiraa barnaamijkii afuri walaalkaa maanta waxaan gaadhsiinay hooyo sahra oo haysata caruur agoon ah hooyo sahra inbadan ayaaad halkan ka aragteen gacanta ayay ka jabtay allaha caafiyee uso duceeya wll
Wali waxaan ku guda jiraa barnaamijkii afuri walaalkaa maanta waxaan gaadhsiinay hooyo sahra oo haysata caruur agoon ah hooyo sahra inbadan ayaaad halkan ka aragteen gacanta ayay ka jabtay allaha caafiyee uso duceeya wll

27/02/2025

Waa Qaylo dhaan biyo la'aneed waa qabalaha wayla salaam ee degmada dhaka suufti ee gobolka liibaan walaaladeen waxay codsanayaan gurmad degdeg ah waxaan ka codsanayaa xukuumada maamulka hobolka iyo ganacsatada ba inay gurmad gaadhsiiyaan walaaladen Cidii Caawinaysa waxay ugu so hagaajinkaran waxay awoodan +251905022646 Siman Cilmi

Please U share gareeya si loo so caawiyo

Address

Jijiga

Telephone

+251929255180

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Siman Charity posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Siman Charity:

Share