Hawlkar Media

Hawlkar Media So gudbinta xogaha xaqiiqda ah

27/06/2026

Hambalyo Dhamaan Ardeyda Maanta Ka qalinjabinaysa Jaamacadda Jigjiga
Congratulations 🍾🎊🎈

Madaxwayne Ku-xigeenka Deegaanka Soomaalida Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Dr. Muuse A...
24/06/2026

Madaxwayne Ku-xigeenka Deegaanka Soomaalida Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Dr. Muuse Axmed Ibraahim ayaa abaalmarin iyo shahaado sharaf guddoonsiiyay Wasiirkii ugu horreeyay ee loo magacaabo Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida, Dr. Muuse Soyan Adur, iyagoo ku maamuusay doorkii taariikhiga ahaa ee uu ka qaatay yagleelidda iyo dhismaha xafiiska kadib aas-aaskiisii.

Munaasabadda abaalmarinta ayaa lagu muujiyay qaddarinta iyo aqoonsiga dadaalladii uu Dr. Muuse Soyan Adur ku bixiyay hirgelinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka deegaanka, kuwaas oo saldhig u noqday koboca iyo guulaha maanta laga gaaray saktarka caafimaadka. Waxaa sidoo kale lagu bogaadiyay hoggaamintiisii, himiladiisii iyo kaalintii uu ku lahaa dhismaha hay’ad caafimaad oo bulshada si hufan ugu adeegta.

June 24, 2026

Hoggaamiyaha xisbiga Yisrael Beiteinu, Avigdor Lieberman, ayaa ku tilmaamay isku soo dhawaansho kasta oo dhexmara Mareyk...
22/06/2026

Hoggaamiyaha xisbiga Yisrael Beiteinu, Avigdor Lieberman, ayaa ku tilmaamay isku soo dhawaansho kasta oo dhexmara Mareykanka iyo Iiraan "musiibadii siyaasadeed ee ugu weyneyd tan iyo markii la aasaasay Israa'iil," isagoo ku nuuxnuuxsaday in ficilladu ay ku salaysnaadaan danaha Israa'iil, ee aysan ku salaysnayn qiimaha shidaalka adduunka.

FULL TIME. Qoraxay 4-3 Jarar.Gobolka Qoraxay oo soo laabo cajiiba sameeyay ayaa guul ka gaadhay Gobolka Jarar.
21/06/2026

FULL TIME. Qoraxay 4-3 Jarar.

Gobolka Qoraxay oo soo laabo cajiiba sameeyay ayaa guul ka gaadhay Gobolka Jarar.

21/06/2026

Wardheer inta dhimatay allaha ha unaxariisto inta kalana waxaan leeyahay iska naara shaydaanka oo isbadh qabta@

Aduun waa hadhka labada gelin iyo hooska wareega.1986 waxay u muuqan kartaa waqti dhow marka la eego tirada sanadaha, ba...
21/06/2026

Aduun waa hadhka labada gelin iyo hooska wareega.
1986 waxay u muuqan kartaa waqti dhow marka la eego tirada sanadaha, balse run ahaan waa waqti aad u fog markaad eegto isbeddelka nolosha. Taasi waxaa si cad looga fahmi karaa sawirka gabadh yar iyo aabbaheed—maanta gabadhii yarayd waa tii taagan booskii aabbaheed uu maalintaas ku taagnaa. Aabbuhu wuxuu taaganyahay manta qorax dhac iyo cadceed sii galbanaysa, sida noloshu u sii dhammaanayso.
Aduun waa hadhka labada gelin iyo hooska wareega.
Haddii Moowdku ku daayo ga-boow baan ku deeynayn oo isagaa ku helaya.
Dad badan oo waagaas noolaa maanta dunida way ka tageen, kuwa Alle cimrigooda u dheereeyeyna waxay la daalaadhacayaan waayeelnimo, isbeddel jir iyo cabashooyinka lafahooda ga-boobay.
Aduun waa sida uu Alle inoogu sheegay—waa raaxo yar iyo nolol khiyaano ah.
“وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ”

21/06/2026

: Go’aanka K**a Dambaysta ah ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka*

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aankiisii ugu dambeeyay ee la xiriira cabashooyinkii iyo dib-u-eegistii natiijooyinka doorashada ee laga sameeyay goobaha qaar.

*Goobaha dib loo tirinayo codadka:*

1. Degmada QALAAFE (Kursiga Federaalka)
2. Degmada Xarshin

*Goobaha dib loogu celinayo doorashada:*

1. Daratole
2. Awaare
3. Hargeele
4. Hadhagaale
5. Daroor

Dhamaan musharixinta kale sidaasay kusoo baxeen

Kuraasta sida loogu kala gulaystay
1. Xisbiga barwaaqo= 214
2. ONLF =20
3. Feb =13
4. Somali fedraalist party= 2
5. Giili= 1
6. Xisbiga Somali galbed=1
7. Xisbiga midnimada iyo iskaashiga= 1

16/06/2026

Horta indho la aantii siyaasadeed xagay ku danbaysay@

16/06/2026

Facbook buuqiisu yaraa wayahan

Address

America
Jigjiga
NO

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hawlkar Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hawlkar Media:

Shortcuts

Share