Jarar Relief Organization JRO"

Jarar Relief Organization JRO" U adeegida dadka danyarta ah waa dhiirigalinta dadkeena

Bismillaah Illaahay baa mahadleh Waxaa inoosuurta gashay qabashada barnaamijkii afuri walaalka kaas oy siqurux badan udi...
26/02/2026

Bismillaah
Illaahay baa mahadleh Waxaa inoosuurta gashay qabashada barnaamijkii afuri walaalka kaas oy siqurux badan udiyaariyeen dhalinyarta garab walaal, jarar releif organisation iyo maamulka magaalada dhagaxbuur

Waxaa raashin la gaadhsiiyay tiro #400 oo qoys ah
Waxaan umahadnaqaynaa cidkasta oo kaqayb qaadatay maal iyo muruqba uguna horeeyaan qurba joogta gobolka minnesota
Iyo ganacsatada magaalada dhagaxbuur Illaahay abaalkiina janno haka dhigo

Baahida dadka danyarta ah way badantahay intaas kaliya ma’aha duco iyo dadaal wixii aan awoodno aansii laba jibaarno insha’allh

" DAAHFURKA BARNAAMIJKA “AFURI WALAAL KAA” Waxaa malinkii shalay ahaa Madasha Kulamada ee Kuliyadda Dhagaxbuur ka qabsoo...
26/01/2026

" DAAHFURKA BARNAAMIJKA “AFURI WALAAL KAA”

Waxaa malinkii shalay ahaa Madasha Kulamada ee Kuliyadda Dhagaxbuur ka qabsoomay kulan lagu daahfurayay Barnaamijka samafalka ah ee “Afuri WalaalKaa”.

Kulankan waxaa soo agaasimay Dallada Dhalinyarada samafalka ee ka dhisan Magaalada, kuwaas oo door weyn ka qaata hawlaha khayriga ah ee Bulshada.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la bilaabo ol’ole dhaqaale ururin ah, iyadoo ay iskaashanayaan, Maamulka, Ganacsatada, Dhalinyarada, Culimada, Qurbajoogta
Iyo cid kasta oo ka qayb qaadan karta
si raashin afur loogu gaadhsiiyo dadka hayntoodu hoosayso inta lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Waxaan ugu baaqaynaa cidkasta oo khayrka jecel inay nagala soo qaybqaataan barnaamijka .

Asc dhamaan bulsho waynta kunool magaalada dhagaxbuur Dhalinyarta Ururka gargaarka jarar( )Waxay ogaysiinayaan cidkasta ...
15/01/2026

Asc dhamaan bulsho waynta kunool magaalada dhagaxbuur
Dhalinyarta Ururka gargaarka jarar
( )
Waxay ogaysiinayaan cidkasta oo khayrka jecel kana qayb qaadan karta
barnaamijka tabarucaadka dhiig shubista inay kasoo qayb galaan

Wuxuuna qabsoomi doona maalinka sabtida ah insha'allh laba goobood ayaana lagu qaban doonaa

Goobta: degahbour general hospital iyo daarasalaam hotel
Taariikh: 17/1/2026
Saacada 8:00 subaxnimo
Maalinka: sabti

Address

Degahbur

Telephone

+251915754369

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jarar Relief Organization JRO" posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share