07/04/2025
DAWRADII 1AAD EE LOO QABTAY MACALIMIINTA QABRIDAHAR
Waxaa qabanqaabisay: Al Wafaa Development Charitable Organization
Jamciyadda Al Wafaa waxay si guul leh u qabatay dawraddii ugu horreysay ee tababarka macalimiinta ee magaalada Qabridahar. Tababarkan wuxuu diiradda saaray sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarasho iyo xirfadda macalinnimo ee heerka deegaanka.
Intii uu socday tababarka, macalimiintu waxay ka faa’iideen mowduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
• Hababka casriga ah ee waxbaridda
• Xirfadaha hoggaaminta fasalka
• Isdhexgalka ardayda iyo qiimeynta waxqabadka
Tababarkani wuxuu ahaa mid taariikhi ah oo dhiirrigelin u noqday macalimiinta deegaanka. Al Wafaa waxay ka go’an tahay in ay sii waddo barnaamijyada kor u qaadaya tayada waxbarashada ee gobolka.
Mahadsanidiin dhammaan macalimiintii ka qeyb qaatay iyo tababarayaashii dadaalka badan muujiyay.
1st Teacher Training Workshop in Qabridahar
Organized by: Al Wafaa Development Charitable Organization
Al Wafaa successfully held its first-ever teacher training workshop in Qabridahar, aimed at improving educational quality and enhancing professional teaching skills within the local community.
During the training, teachers received valuable knowledge on:
• Modern teaching strategies
• Classroom leadership and management
• Student engagement and performance assessment
This workshop marked a historic milestone in the empowerment of teachers in the region. Al Wafaa remains committed to supporting education and driving long-term development through capacity building.
Sincere gratitude to all participating teachers and the dedicated trainers who made this a success.